Monday, December 1, 2014
Wednesday, November 26, 2014
Maxaad ka taqaanaa Sharaabka Coca Cola iyo Pepsi Cola !
Coca Cola oo soo saarta Sharaabka Coca Cola, Sprite, Fanta iwm iyo Pepsi Cola oo soo saarta Sharaabka Pepsi Cola, 7up, Mandrine iwm ayaan dhamaanteen waxaan si fiican u naqaanaa Sharaabkan aan kor ku xusay iyada oo aanu jirin Guryeheena mid ka madhan oo aan lagu cabin Sharaabkan aadka looga jecel yahay Aduunka oo dhan bal wuxuu noqday lagama maarmaan wuxuuna galay halkii Biyaha oo maadaama isaguba Biyo yahay weliba dhandhan aad u fiican leh oo uu dheer yahay Biyaha ayaa waxay noqotay inuu galo halkii Biyaha, ma suuroobayso inuu qofku u soo fadhiisto Cunto hadaanu meesha oolin oo aanu ku dejinayn Cuntada Sharaabkaasi!!
Laakiin Muslimiintu iskama waydiiyaan Su'aalo haba yaraatee muxuu ka samaysan yahay Sharaabkani iyo Shirkadahan soo saara toona, Aduunka intiisa kale gaar ahaan Reer Galbeedku aad bay isu waydiiyaan oo waxaan xusuusnahay in dhowaan ay Dacwadi ka socatay Dalka Germany u dhexaysay Dowladaas iyo Shirkada Coca Cola oo ay Dowlada Germany ka doonaysay Shirkadaas inay cadayso waxa uu ka samaysan yahay Sharaabkeedu
Iyada oo aanay jirin Aduunka cid taqaana waxa uu ka samaysan yahay Coca Cola oo aan ahayn Madaxa Shirkadaas iyo Ku-xigeen kiisa oo keli ah, hadaba Shirkadan oo laga leeyahay America ahna Shirkadaha Aduunka ugu Dhaqaalaha badan oo ay ku tiirsan yihiin Adminstration ka xukuma America hantilayaasheeduna yihiin Yuhuud ayaan cidna is hortaagi karin Aduunka, siday doonaan ba ha u diidanaadeen ee, laakiin Wadamada Islaamka iyada cidiba isma waydiiso iyada oo ay haboonayd maadama aynu nahay Dad Muslimiin ah in aan eegno bal waxan aan cabaynaa horta ma Xalaal baa mise waa Xaaraam ugu horayn bal haba dambayso arinta Shirkadan iyo Siyaasadeheedu ee
Hadaba Walaalayaal waxaan jeclaystay Maanta bal inaan Qoraalkayga aan ku eegno Sharaabkan iyo Shirkadahan sameeya Siyaasadahooda intii Allaah tacaalaa inooga yasiro bal inay ina ku hambaabiraan arintan Dadka Muslimiinta ahi, aniga shakhsi ahaan Waqti aad u dheer ka hor ayaan joojiyay cabista Sharaabkan walxamdulilaah markaygii horena maan badsan jirin oo uma xiisayn jirin siday Dadku u xiisayaan
Coca Cola waa Shirkad laga leeyahay America waxana la aasaasay Sanadkii 1893M waxaana Saldhigeedu yahay State ka Atlanta waxayna khaas ku tahay soo saarista Sharaabka Gaasta ah ee ka madhan Isbiirtada (Alchol), waxayna ka hawl gashaa ilaa iyo 200 oo Wadan oo Aduunka ah
Asalka Shirkadanu wuxuu ka bilaabmay hal Nin oo Barwaaqo si lama filaan ah ugu
turunturooday, waxana weeye Nin baa wuxu ka iibsaday Nin kale oo lahaa Pharmacy Duug ahaa oo uu Dadka ku daawayn jiray, Pharmacy gii iyo wixii yiilayba, Alaabtii uu halkaa ku iibsaday waxaa ka mid Mooye uu ninkaasu ku samayn jiray Daawooyinka Waqtigaana waxa ku jirtay Daawo uu ku diyaar garayay, Ninkii sidii buu Meeshii oo dhan kula wareegay wuxuuna ogaaday in Daawadii ku jirtay Mooyaha looga faa'iidaysan karo si kale oo aanu ogayn Ninkii samayay Daawadaasi
Waana in laga samayn karo Sharaabka Gaasta ah ee Maanta loo yaqaano Coca Cola, taas waxay u soo jiiday Ninkaas iyo Qowskiisii inay mudo yar ka mid noqdaan dadka Aduunka ugu taajirsan, waxaana Waqti ka dib ka dhinac samaysmay Shirkada kale oo iyaguna soo saara Sharaabka Gaasta ah sida Pepsi Cola iwm laakiin dhamaan waxay ka soo qaataan Maadada Aasaasiga ah ee laga samayo Sharaabkaa Shirkada Coca Cola iyaga oo aan ogayn waxa uu ka samaysan yahay Coca Cola, Shirkadan oo ay badankeeda iska leeyihiin Caa'iladii Ninkii aasaasay Shirkada oo ay kala dhaxlaan ayaa waxaa Qaanuunka u dejisan Shirkadu yahay in Madaxa Shirkada iyo Ku-xigeenkiisuba yihiin had iyo goor Niman ka soo jeeda Caa'iladaas Aduunka oo dhana labadaas Qof oo keli ah baa og waxay ay ka samaysan tahay Coca Cola
Hadaba waxay tahay Coca Cola Astaamaha ugu waawayn America ee ay ku faanto Idaarada (Adminstration) America waxayna ka mid tahay kuwa ugu waawayn ee taageerada siiya Siyaasada George Buush ee Gumaysiga, Cadaawada iyo Tirtirida Muslimiinta ku salaysan
Waxayna ku caanbaxday Shirkadatanu taageeradeeda aan kala go'a lahayn ee ay siiso Israel iyada oo ay taasu si xoog leh u cadaatay Sanadkii 1997M kii iyada oo ay ku kacday Xukuumada Israel inay Abaalmarin gudoonsiiso Shirkada Coca Cola taas oo ay gudoonsiisay Golaha Tijaarada ee Israel iyadoo ka abaalmarinaysay Shirkadaas taageeradeedii aan kala go'a lahayn ee ay u fidinaysay Israel mudo ka badan 30 Sanadood
Sanadkii 2001M waxay ahayd Xarunta Shirkada Coca Cola tii ugu waynayd ee ilaalinaysay iyo Martiqaadihii aasaasiga ah ee Shirkii Qolka Sanaacada iyo Tijaarada ee America iyo Israel, waxay kale oo ku kacday Shirkadanu inay samaysay Barnaamij Tababar ah oo ay u samaysay Shaaqaalaha Shirkada oo ay Cinwaan uga dhigtay "Dagaalka u dhexeeya Carabta iyo Israel" dhamaan wuxuu ka koobaanaa Barnaamijkaasuna waxaa samaysay Shirkada lafteeda waxaana maal gelinaysay Wakaalada Yuhuuda iyo Xukuumada Israel
Sanadkii 2002 Bishii Febaruary waxay iclaamisay Shirkada Coca Cola iyada oo Xoolaha uga soo xerooda Shirkada Dowlada Israel ay aad u wayn yihiin ayay waxay ku kacday Shirkadu inay ka qayb qaadato dhisida Deegaanka cusub Kiriyat Gate oo laga samaynaayo Dhulka la qabsaday ee la boob ee Falastiin
Waxay sheegtay Xukuumada Israel in lix meelood meel ahaan qiimaha Dabaaldegyada Sanadkii ee Dowlada Israel ay ilaalinayso Shirkada Coca Cola, waxay kale oo u doortay in tahay Shirkadanu Mu'ayidiinta ugu waawayn ee Israel laga soo bilaabo Sanadkii 1966M
Waxay mar kale maal gelisay Coca Cola Barnaamij lagu tababaraayo Shaqaalaheeda iyo Muhaajiriinta ku socota Dowlada Israel wuxuuna ahaa Mowduuca tababarku "Dagaalka u dhexeeya Carabta iyo Israel"
Iyadoo la eegayo taageerada isdaba jooga ah ee aan kala go'a lahay ee Coca Cola u fidinayso Dowlada Israel ayay waxay ka heshay Israel inay ka yarayso ama hoos u dhigto Cashuurta ay ka qaado Shirkadatan, sidaas darteedna waxay goostay Coca Cola in ay ka dhisto Dhulka Carabta ee la haysto Warshad cusub oo shaqaalaynaya 700 oo Israelians ah
Markii la qabsaday Ciraaq waxa uu yidhi Ninka Madaxda u ah Shirkadaasu " qabsashada ay qabsatay America Ciraaq ama ay Ciraaq ku dhacday Gacanta America waxay u furaysaa Albaabada Caalamka Islaamka inay soo dhowayaan Sharaabkan guulaystay ee American iyo Dhaqankooda iyo Asluubtoodaba
Web ka ay Shirkadanu ku leedahay Internet ka ayaa la waydiiyay Su'aal ah inay Shirkadanu tahay Yuhuudiyad iyo in kale, waxayna taas kaga jawaabtay Shirkadu: in Sharaabkeedu u banaan yahay dhamaan Diinaha oo dhan mana ay beenin inay tahay Shirkad Yuhuudiyad ah, markii la waydiiyay taageerada ay u fidiso Israel na ma ay beenin Shirkadu laakiin waxay tidhi: "Coca Cola waa Shirkad Caalami ah hase ahaate shaqadeed Wadan walba waa Daakhili"
Sanadkii 10/9/2001 kii waxay soo daabacday oo fidisay mid ka mid ah Wargaysyada Carabta Iclaan ay leedahay Shirkada Coca Cola kaas oo loo qaybiyay Malaayiin ah Shabakada Internet ka, kaas oo ku boorinaayay Iibsadayaasha inay cabaan Coca Cola oo taageeraan Israel, wuxuuna odhanaayay Iclaanku: "taageerada aad taageerayso waxay soo saarto America macnaheedu wuxuu yahay waxaad taageeraysaa Israel" wuxuuna ka bixiyay Wargaysku tacliiq arintan wuxuuna yidhi: "Iclaankanu uma baahna Tacliiq iyo in wax lagu daro toona" mana ay beenin Shirkadu Iclaankan!!
Sidaan soo sheegnay waxa ka dhinac samaysmay Coca Cola Shirkada kale oo aan ka xusnay Pepsi Cola Shirkadan oo aan odhan karo waa mataano Coca Cola Siyaasada hooduna waa isku mid, bal hadaba Walaalayaal ila eega Xaqiiqadan qadhaadh ee ka maqan ama aanay ogayn 95% Muslimiintu, waana in Coca Cola iyo Pepsi Cola inagoo soo sheegnay in aan la garanayn waxay ka samaysan yihiin ayaa hadana baadhitaano badan oo lagu samayay waxa lagu ogaaday inay ka mid tahay Maadooyinka laga sameeyo Maadad ka mid ah Caloosha Doofaarka
Maaha arintanu hadal aan iska idhi oo aan uga jeedo in Shirkada uun aan ku wax yeelayo ee waa arin Daliil leh oo lagu ogaaday Baadhitaano lagu samayay Sharaabka, waxaadna ka heli kartaa Macluumaadkan Book la yidhaahdo: (Picture is not shown) kaas oo la daabacay Sanadkii 1987 waxadna aqridaa Page ka 145 halkaas ayaad ka helaysaa Macluumaadka ku saabsan Coca Cola iyo Pepsi Cola waxaadna ka heli kartaa Book gaa Maktabadah Caamka (Public Libraries) ah ee Wadamada aad joogtaan
Waxaa lagu odhan karaa Sharaabkan waxa lagu samayaa Wadamada Islaamka taasuna maaha Xaqiiqo ee waxaa loo keena Warshadaha ku yaala wadamada Islaamka isaga oo Powder ah markaas ayay dib ugu samayaan Warshadahooda, mana jirto cid og waxa uu ka samaysan yahay oo aan ahayn sidaan soo sheegnay labadaa Nin ee America jooga Allaah ha burburiyee
Tan kale inta aynu ku jiro Dagaal aan isu dheeli tirayn oo ah in halka aad hal Qof kaga disho Cadawgaaga uu kaaga dilaayo Kumanaan in le'egna ku barakicinaayo burbur laxaad lehna ku gaadhsiinaayo oo aanad adigu gaadhsiin karayn haba yaraatee, ayaan u arkaa inay ka xoog badan tahay oo ka haboon tahay inaad Cadawgaaga arimahan oo kale kula dagaalanto oo ah inaad gowso oo joojiso waxa uu soo saaro iyo ku dayashada Dhaqaankooda aadna dhiiri geliso oo iibsato waxa ay soo saaraan Wadamada Islaamka ahi haba iska taya liiteen ee, Diintaadana ilaashato oo ku dhaqanto Dhaqanka suuban ee Islaamka
Waayo Dagaalka lagugu hayo ujeedadiisu wax kale maaha ee waxa la rabaa in lagu ogolaysiiyo inaad gadato Bucshiradooda Dhaqankooda iyo Diintoodna qaadato siduu Allaah tacaalaa inoogaga waramay Quraanka kariimka ah ee yidhi:
{Aayatan kariimka ah wuxuu Allaah tacaalaa uga waramayaa Rasuulkiisa sala Allaahu calayhi wasalam in aanay marnaba ka raali noqonayn isaga iyo Mu'miniinta toona Yuhuuda iyo Kiristaanku ilaa uu raaco Millada ay ku sugan yihiin waayo waxay ku baaqayaan oo dadka ugu yeedhayaan oo rabaan in dadka oo dhami kala mid noqdo Diinta ay ku sugan yihiin ee ay ku andacoonayaan inay tahay Hanuunka ee waxaad ku tidhaahdaa Hanuunku waa kan Allaah ee uu igu soo diray uuna dhamaan ku soo diray Rasuuladiisii waana Islaamka}, markaa Walaalayaal waxaa inala gudboon in Islaaxa ama Hagaajinta aan ka bilowno Nafteena dabadeedna u gudbino Bulshada inta aan ka gaadhi karo
Dhinac kale Baadhitaano badan oo la sameeyay waxaa loo aanaynayaa inuu Sharaabkanu ka masuul yahay Xanuuna fara badan oo hada Caalamka ku batay oo ku fidaaya sida Sonkoriga, Kelya xanuun, Lafaha oo jilca iwm
Ugu dambayntii waxay Culimada qaar ku fasireen waxa Allaah tacaalaa inooga xaaraamayay Hilibka Doofaarka waa inuu ka suuliyo Qiirada iyo Dareenka Qalbiga Qofka Allaah baana og taas
Markaa Walaalayaal inooma hadhin wax kale oo aan iska nidhaahno arinta Sharaabkan oo aan ahayn inaan gowno oo ka joojino cabistiisa Dadkeena iyo Guryeheen oo aan badbaadsano Diinteena iyo Dadkeena
Wabillaahi towfiiq

Waxaa kaloo ka qarsoon Muslimiin fara badan macnaha Kelmedan Pepsi Cola oo ahaan lahayd hadii ay fahmi lahaayeen inaynaan hadalkan dheer iyo cadaymahanba u baahaneen, waana kelmeda Pepsi waa hadal la soo gaabiya oo sidan ah (pay every Penny to save an Israel) u bixi Penny kasta in aad ku badbaadiso Israel, gundhiga hadalkanuna waxa weeye u bixi Penny kasta inaad ku disho Muslim ama aad Dhulkiisa ku xoogto, Markaa Muslimow tasho adba Caqli baad leedahay ee miyaanay ahayn inaad Dadkaa badbaadiso oo aanad adigu bixin lacagta Xabada lagu dilaayo Dadkaaga
Tan kale inta aynu ku jiro Dagaal aan isu dheeli tirayn oo ah in halka aad hal Qof kaga disho Cadawgaaga uu kaaga dilaayo Kumanaan in le'egna ku barakicinaayo burbur laxaad lehna ku gaadhsiinaayo oo aanad adigu gaadhsiin karayn haba yaraatee, ayaan u arkaa inay ka xoog badan tahay oo ka haboon tahay inaad Cadawgaaga arimahan oo kale kula dagaalanto oo ah inaad gowso oo joojiso waxa uu soo saaro iyo ku dayashada Dhaqaankooda aadna dhiiri geliso oo iibsato waxa ay soo saaraan Wadamada Islaamka ahi haba iska taya liiteen ee, Diintaadana ilaashato oo ku dhaqanto Dhaqanka suuban ee Islaamka
Waayo Dagaalka lagugu hayo ujeedadiisu wax kale maaha ee waxa la rabaa in lagu ogolaysiiyo inaad gadato Bucshiradooda Dhaqankooda iyo Diintoodna qaadato siduu Allaah tacaalaa inoogaga waramay Quraanka kariimka ah ee yidhi:
{Aayatan kariimka ah wuxuu Allaah tacaalaa uga waramayaa Rasuulkiisa sala Allaahu calayhi wasalam in aanay marnaba ka raali noqonayn isaga iyo Mu'miniinta toona Yuhuuda iyo Kiristaanku ilaa uu raaco Millada ay ku sugan yihiin waayo waxay ku baaqayaan oo dadka ugu yeedhayaan oo rabaan in dadka oo dhami kala mid noqdo Diinta ay ku sugan yihiin ee ay ku andacoonayaan inay tahay Hanuunka ee waxaad ku tidhaahdaa Hanuunku waa kan Allaah ee uu igu soo diray uuna dhamaan ku soo diray Rasuuladiisii waana Islaamka}, markaa Walaalayaal waxaa inala gudboon in Islaaxa ama Hagaajinta aan ka bilowno Nafteena dabadeedna u gudbino Bulshada inta aan ka gaadhi karo
Dhinac kale Baadhitaano badan oo la sameeyay waxaa loo aanaynayaa inuu Sharaabkanu ka masuul yahay Xanuuna fara badan oo hada Caalamka ku batay oo ku fidaaya sida Sonkoriga, Kelya xanuun, Lafaha oo jilca iwm
Ugu dambayntii waxay Culimada qaar ku fasireen waxa Allaah tacaalaa inooga xaaraamayay Hilibka Doofaarka waa inuu ka suuliyo Qiirada iyo Dareenka Qalbiga Qofka Allaah baana og taas
Markaa Walaalayaal inooma hadhin wax kale oo aan iska nidhaahno arinta Sharaabkan oo aan ahayn inaan gowno oo ka joojino cabistiisa Dadkeena iyo Guryeheen oo aan badbaadsano Diinteena iyo Dadkeena
Wabillaahi towfiiq
Waxaa soo guuriyay oo diyaariyay:
Essa Mohamoud
Read More »
Labels:
Afrika,
America,
Aqoon Guud,
Asia,
Baro Shakhsiyaad,
Dhacdooyin,
Dhalinyarada,
Waxbarasho free,
Yurub
Sunday, October 19, 2014
HADIIBA AY QORANTAHAY MAXAAN KA DAALAYAA ?

Dhalinyara badan ayaa hadba soo qora su'aal ku saabsan qadarta, wexeyna oranayaan su'aal nagu wareegeysa: Hadiiba aniga uu uurka hooyo ku jira 120 beri jano iyo naar midkaan ku dambaynayo, maxaan iska daalinayaa, natiijada wayba qorantahaye? Bal Arrinkaa Na Fahamsii...
------------------------
Jawaab: Adeer waan kuu qodobaynayaa si aad tartiib u fahamto, waxaanan isku deyi sida ugu sahlan:
1) Qadartu Waa Cilmi iyo Sir Ilaahay oo cid ogaan karta aaney jirin..
2) Ilaahay inta aanu khalqiga oo dhan uumin ayuu ogyahay wax walba oo dhici doona iyo sidey u dhacayaan.
3) Ka dibna wax walba wuxuu ku qoray looxa maxfuudka ah.
4) Ka dibna wax walba wexey ku dhacayaan ogolaanshihiisa khayr iyo sharba sidii loo qoray.
5) Qof walbana waxaa lagu la xisaabtamayaa oo lagu abaal marinayaa camalkiisa iyo waxa uu sameeyo khayr iyo shar, ee lagu ma xisaabiyo wixii u qornaa.
6) Qadarta waxa kuugu qoran ma ogid. In la qoray keliya ayaa laguu sheegay qof walba. Laakiin adiga laguma oran shaqi nimo ayaa laguu qoray, waxaana lagu yiri shaqayso sida aad shaqaysato ayaad heleysaa, meel ayaan fariisanayaa marka maba soo geli karto.
7) Qadarta waxa kuugu qoran waxaa ka mid ah riziqa, laakiin waa inaad orodo. Oo shaqaysato. Qadartana mar walba dhaafi meysid..
8) Nolol maalmeedkaaga hadaad dib yar u fiiriso waxaad arkeysaa inaad wax cunto, daawa raadsato, wax barato, shaqa doonato, guur xalaala iyo ilmo raadiso, miyaad oran kartaa meel ayaan iska fariisanayaa waxaasoo dhanna samayn maayo, weyba ii qorantahay? Maya waad ordeysaa, qadartuna waa sir ilaahay, adigu shaqa kuma lihid.
9) Xumaan aad adigu samaysay qadarta xuja loogama dhigto, waayo ilaahay qofna ma qasbinbee wuxuu yiri khayrka u tartama wadaduna waa caddahay, taasi janadey ku socotaa taasina naar ayey gashaa, tan janada raac, wax kasta oo aad samaysana waa laguu qorayaa weliba khayrka waa laguu wafeynayaa. Hadii sidaa lagu yiri: maxaa ku daba dhigay wax kaa qarsoonnoo aadan ogayn inaad ku wareegaalaysato?
Waxaan rajaynayaa inaan xoogaa Mas'alada Caddeeyey, waxaa dhiman culimadu wexey oran jireen arrinka qadarta lama galo oo laguma fogaado waayo waa meel lagu simbiriirixdo, ilaahay hana sugo, waana midii la gashay firqada (qadariya) la yiraahdo iney Qadartaba inkirto ilaahay ayaan ka magan galnaye..
Read More »
Labels:
Maqaalo
Gabar Kale Haddaad Dhasho !

Sheekh Salaan Ka dib, waxaan jeclaystay qisa yar oo igu dhacday inaan kula wadaago, su’aalna ku weydiiyo si aad tala iiga siisid..
Waxaan ahaa gabar da’ yar, Afrika ayaan joogay reerkeenna ayaan la noolaa, hammiga gabar walba oo gashaanti noqota ku jira iney guri iyo reer iyo caruur yeelato waa igu jirey, si fiicanna waa la ii barbaariyey.. Laakiin wax sheeka ah oo aan qof la yeeshay oo xagga guurka ah ma jirin..
Wax arrinku sidaas ahaado, aniguna aan riyooyinka gabdhuhu dhistaan sida uu mustaqbalka quruxda badan noqon doono ku jira, waxaa reerkayaga iga soo doonay nin oday ah oo aad iiga da’ weyn.. wax dariiqayga soo tusay mooyaane, calaf iyo qadar ilaahay baa meesha ka socotey.. Reerkii ayaa igu daray.. nin aan horay u aqaaney ama dabeecadihiisa dhuuxay ma ahayn.. Laakiin maadaama reerku igu dareen waan qaatay.. Ninku Yurub ayuu ka yimi.. shilimaadkiisana waa wataa..
Aroos ayaa la iigu dalaq siiyey.. Ayaamaha hore orod bay nagu mareen.. durba uur ayaan yeeshay.. Gabar ayaan dhalay Ilaahay fadligiisa nagu siiyey..Odaygii Dabcigiisa waa is bedeley.. wuuna dhoofaa, waana yimaadaa..Wuxuu igu yiri: Gabar Kale Hadaad Dhasho Waan Ku Furayaa!! Subxaanallaahiyi Ma Anigaa gabar iyo wiil gacanta ku haya!! Kan Khayrka lehse Ilaahay uun baa oge, miyuu isagu ogyahay!! yaabay oo ashqaraaray!! Walaalow dad ayaan mid naba haysane Maad Ilaahay ku mahadisid.. iyo Naagyahay warkaaga ma rabee, waan kuu sheegay..hadaladaas iyo kuwa la mid ah ayuu mar walba igu soo cel celiyaa..
Maqaadiirta Ilaahay Waxaan dhalay gabadhii Labaad.. Markuu maqlay ayuu biilkii naga goostay! reerkayga ayaa maqlay, waa nala kala dhex galay, laakiin calafkii meeshaas ayuu ku dhamaaday..Hooyaday ayaan la degey khayr Allaha siiyee, waxaanan bilaabay inaan shaqeeyo si aan caruurtayda u korsado, Alxamdulilaah xoogaa ayey soo koreen.. Laakiin sheekhow buufis dhoof ayaa i galay..Caruurtii maadaama ay xoogaa roonaadeen hooyo ayaan ku dhaafay waanan soo dhoofay oo weli meel shishe ma gaarin..
(Markuu maqlay in aan baxayo ilmihiina ey yar koreen ayuu isoo raadiyey waxuuna igu yiri: isii ilmaheyga! ana waan didey, waxaa kaloo aan u diday in u arko aragtidoda ee sheeqow maku saxsanahay misee waa qalad? Taas weeye Su’aashayda iyo wixii Tala ah inaad i siisid?
———————————————————————————
Gabadhaas Walaasheena Waxaan iri:
Adeer Ilaahay Tawfiiqda hana waafajiyo Adiga iyo inta gabdhaha dhib soo marana ilaahay dhibka ha ka qaado, gabari wax la xumeeyo maaha, wax mus lagu tuurana maaha, wax mugdi iyo meelaan la garanayn lagu sii daayana ma mudna.. Waa ukun yaroo sida Jawharada luulka loo baahan yahay in meel dhawrsan oo dugaal ah lagu hayo..
Guurka deg degga badanaaba ku dhaca ee ragga iyo dumarka Yurub ama galbeedka ka yimaada, xoogaana guntiga ku sita, dhalinta Afrika joogta ee fursad raadiskaana uga faa’iidaysta marar badan ma daaho, sababtuna waa marka hore oo aanu luga badan ku taagnayn.. Kuwa ilaahay u barakeeyo oo niyadoodu marka horaba wanaagsantahay, rag iyo dumarba, oo calaf doon ah, wixii ilaahay siiyana iimaansada oo guurku masuuliyadda iyo culayska uu leeyahay qaadana wey jiraan..
Yeel kaderde Odaygu wanaag ma samayn haduu biilkii yaraa goostay, inu gabar dhalideeda kugu ceebeeyana waa arrimihihii Jaahilayada ka haray, isaga ayey ahayd inuu isku ceebeeyo illeen isagey ka timi oo amaanadii laguu dhiibtey ayaad adigu weelaysay..Gabdhuhuu shalay ka tegey oo dayacay iyagoo yar yar ah, maanta inuu yiraahdo isii, xaq uma laha, ilmahana hadey gaaraan wax kala sooc waa la kala dooransiiyaa, inta ay yar yihiinna hooyadaa iska leh hayntooda haddaaney guursan, heshiis iyo is af garadna meeshii wanaag yaallo waa mid u bannaan labada waalid waana sida wanaagsan..laakiin midna aragtida in loo diido maaha, adigu waad ka doodi kartaa inaan ilmaha lagaa qaadan, laakiin inuu arko ilmaha ha u diidin, adigana haduu isagu haysto laguuma diidi karo, waxaana wanaagsan sidii maslaxada ilmuhu tahay inaad ku dadaashaan labadiinuba oo aydaan isku canaadin ilmuhuna dhexdiina ku dhiman.. Odagana in La xusuusiyo weeye, dayacaaddii uu sameeyey sanadaha lasoo dhaafay, haduu gudi karo qayb ka mid ahna isagey u fiican tahay..
Taasina waxaa laga yaabaa iney adigana safarta iyo buufiska dhoofka kaa furato, ilmahaagana aad u noqoto oo halkaaga risiqa ilaahay ka raadsato, ilmahaagana berri aaney oran ama dareemin aabena markii horuu na nacay, hooyana markii dambey naga danaysatay, walaal safartaas, weli waxaan filayaa inaadan meel fog gaarin sidaad sheegtaye, waxaan kugu la talin lahaa inaad isakaga noqoto, buufisna Ilaahay nama buufiyee, waa cudur marar badan ku dhamaada qofku inuu meel silic ku dhinto, haduu badbaadana rafaad badan iyo silic iyo dembigii oo u dheer, iyo xanuun maskaxeed oo aanu la shaqaysan karin kama boxo..Khayr ayaan kuu rajaynayaa wabillaahi tawfiiq.
Read More »
Labels:
Maqaalo
Salmaan & Siciid: Qur’aan Baan Wadanaa!! (1)

Qisadan aan akhristayaasha la wadaagayo, wexey daba socotaa qisooyinkii Qur’aanka Kariimka iyo Ehelkiisa, iyo Sharafta Qur’aanka Ilaahay Qofka ugu yeelo, Taasoo ku bixin karta Qof Kasta oo Muslima inuu isaguna isku dayo, Ubadkiisana kula dadaalo, wax kale inaanu u qaban, laakiin: Kitaabka Ilaahay Barto ama Baro, Tasoo wax walba ka kaafineysa sidaan sheegnay..
Qisadan wexey ku socotaa Saaxiibkeen (Salmaan) iyo Saaxiibkiis (Siciid).. Magacyadan Ma aha kuwoodii runta ahaa, Laakiin waa u bixineynaa, kuwa Nabad gala oo Nolol Fiican hela iney noqdaan baan rajayneynaa..
Qisada waxaan ka weriyey (Salmaan) siduu afkiisa iigaga waramay, weligiisna wuxuu uga waramay siduu ii sheegay (Macalinkiisii) iyo (Aniga) oo qofkii labaad noqday, iyadoo ay muddo dhawr iyo toban sanaa kasoo wareegatey..iyadoo aan intii macaan iyo xawaash aan ku dari karey ku daray waatan sheekadii (Salmaan) iyo (Siciid) iyo (Sharaftii Qur’aanka Kariimka ah)..
Wuxuu yiri Salmaan: Sheekhow waxaan ku dhashay gobol ka mid ah deegaanada Soomaalida ee Gumaysiga muddada dheer ku jirey..magaalada aan ku dhashay, oo aan ku barbaaray aniga iyo Saaxiibkay (Siciid) waa magaalo caan ku ah Qur’aanka Kariimka iyo barashadiisa Ilaahay Fadligiis..Inanku haduu 10 sano jirsado oo aanu Qur’aanka kor ka wada qaban waa mid aan la tirsan..
Ilaahay wuxuu nagu irzaaqay Macalin wanaagsan oo Sheekh Cali Suufi Qur’aanka iyo Tajwiidka ka bartay.. Macalinkaas ayaa Magaalada yimi, dugsigiisa ayaan aniga iyo saaxiibkay Qur’aanka iyo Tajwiidkiisa ku baranay..Waana dhamaynay Qur’aanka, si fiicanna waa u xifdinay Al Xamdulilaah…Saaxiibkay Weliba duruuf adag ayaa lasoo gudboonaatey oo aabihiis ayaa xanuun Maskaxda ah gaarey, oo hawl gabay, waxaa lasoo halgantey oo har iyo hoyaad aan seexan hooyadiis, ilaa uu qur’aanka ka xifdiyo.. wexey ku shaqayn jirtey gacanteeda, xitaa iney xaabada iibiso si ay wiilkeeda u koriso.. Saaxiibkay waxaanu ahayn xera wadaag, mana aanan kala hari jirin, labada guri kii aanu wax ka helno ayaan ka cuni jirney..
Markii aanu dhawr iyo toban jirsaney waxaa na galay hammi wax barasho diin iyo adduunyo.. waxaanu usoo bokhoolney xagii magaalooyinka waaweyn..Waxaa ilaahay noo fududeeyey Machad Islaami ah inaan galno, oo diinta iyo Luqadda Carabiga lagu barto, ilaa qaybta dugsiga dhexe ayaan dhiganay.. Waxaanu nahay dhalin yaryara, dadna aaney magaalada u joogin, waxna haysan.. Hayeeshee weli waxaa na haysa hammuun aanu u qabno Cilmiga Sharciga iyo diinta, kitaabka Ilaahayna Laabta ayaan ku sidanaa, Carabkana intii tabara waanu ku haynaa, oo waanu wada akhrinaa.. Weliba Saaxiibkay Cod macaan oo dadka xaaddu la istaagto ayaa Rabbi ugu daray Qur’aanka weelayntiisa..
Waxaanu Mar labaad usoo dhaqaaqnay safar aqoon baadigoobkeed ah (Dalabul Cilmi).. Dal ka mid ah dalalka deriska ah ayaanu abbaarnay oo Machad Fiican oo Sucuudigu ka furay naloogu sheegay..Laakiin Wax nooga horreeya, cid aanu ka naqaanno, iyo farsama aan ku geli karno markaa nooma cadda..
Xuduuda markii aanu nimi waxaanu aragnay dadka in lagu xirayo aqoonsi iyo fiiso, cidii laga waayana meesha laga celinayo, hadeyba xarig ka badbaado..Askarigii ilaalada ahaa markaan soo hor istaagney ayuu yiri: Keena waraaqaha aqoonsiga? Waxaanu niri: Ma Wadano! oo Maxaad ahaydeen? Waxaanu Nahay, Soomaali, Arday (Dalabul Cilmi) u socota!! Wuxuu yiri: Aaway Fiisihii aad wadanka ku geli lahaydeen? Ma wadano Fiise!! oo Maxaad wadataan haddaa? Waxaanu Wadanaa Qur’aan!! Wuxuu yiri: Yaa..!! Maxaad Wadataan? Waxaaaaaaanu Wadanaa: Qur’aaaaaan!!
Wexey ku noqotay markii u horraysay oo noloshiisi lagu yiraahdo: Waxaan wataa Qur’aan!! Laakiin Waa askari Muslim ah, yuu aqoon badan lahaan, wuxuu garanayaa Maqaamka iyo Maamuuska Qur’aanku Leeyahay.. Wuxuu yiri: Anigu Qur’aan Badan ma aqaan laakiin Suuratu Yaasiin ayaan aqaane, bal akhriya qaybteeda hore? Saaxiibkay Siciid ayaan ku iri: Saaxiib bal Akhri Suuratu Yaasiin adaa iga cod macaane!! Saaxiibkay Wuxuu Bisinka u Qabtay Suuratu Yaasiin, Tajwiidna waa ku akhriyey!! Askarigii ilin ayaa kusoo istaagtey.. Wuxuu yiri: Nimanyohow yaab baad leedihiine, Niman aan celin karo, ama xiri karo ma tihidiin, idin mana sii deyn karo oo waa layga sareeyaaye, bal i suga Sarkaalka iga sarreeya ayaan arrinkiina u sheegayaaye!!
Askarigii wuu baxay, dadkii weli waa na ag taag taagan yihiin, wax yar ka dib wuxuu soo noqday isagoo uu la socdo, sarkaalkii goobta xuduudka ciidankeeda u sarreeyey.. Meesha waxaa dhooban dadkii rabey iney galaan, dadkii la celiyey, kuwa la xiray, askartii ilaalada ahayd oo qorya wadata.. Sarkaalkii wuxuu yiri: Adeerayaal Wax Waraaqaa iyo Fiiso ma wadataan miyaa? Haa Ma wadano.. oo Qur’aan ayaad wadataan? Haa Al Xamdulilah.. Bal Akhriya hadda Qur’aanka aan idin dhegeysanee.. Aayada Qur’aan ah ayaan aniga iyo Saaxiibkay Siciidba akhrinay..Sarkaalkii iyo Askartii kale iyo Dadkii giddi waa la wada aamusay.. Askarta Qoryihii ayey dhulka dhigteen!! Markii aan dhamaynay, ayuu yiri Sarkaalkii: Soo Baxa.. Xafiiskiisi ayuu na keenay.. Wuxuu u yeeray Dureewalkiisi.. Wuxuu Ku yiri: Gaarigayga Nimankaan Ardada ah hadda Ku Qaad.. Magaaladii Caasimadda ahayd Meesha ay ka rabaan oo ku yiraahdaan gey! Ka dibna soo noqo!! Halkii ayuu nagu sagootiyey.. Waa u ducayney khayr Allaha ku siiyaanu ku niri..
Iyadoo dadkii meesha joogaan fiisooyinka watey, oo la kala horayo, ayaa aniga iyo Saaxiibkay Siciid waxaa nala ku soo qaaday gaarigii booliska, labadayada keliya, ninkiina wuxuu na keenay Magaaladii Caasimadda ahayd.. Wuxuu yiri: Xaggee idin geeyaa, cid meesha kama naqaano, waqtigu waqtigii taleefanada gacanta la bartay maaha, waxaanu niri: Masjidka Na dhig, Culimo iisoo duceeya, Khayr Allaha ku siiyo..
Magaaladii bartameheeda ayaanu taaganahay, cid kama naqaan, hal shilinna ma wadano, Laakiin ha illaawinina inaan (Qur’aan) wadano.. sidee wax noogu suurtoobeen? Xagee seexan doonaa? Machadkii aan u soo safarnay ma heli doonaa? Cajaa’ibta Qisooyinkaas iyo wixii aan la kulannay waa inoo qaybta 2aad Inshallaah..
La soco …2aad
Read More »
Labels:
Maqaalo
Tuesday, October 14, 2014
Baro Diintaada
Dadka neceb diinta Islaamka - gaar ahaanna kiristaanka iyo yuhuudda- waxay aad isugu dayeen inay helaan gal-daloollo ay ku ceebeeyaan Islaamka. Waxay isku taxallujiyaan inay Quraanka iyo axaadiista ka dhex helaan hadallo iska hor imaanaya, ayagoo midaas uga dan leh inay dadka muslmiinta ah shaki ka galiyaan diintooda.
Sidoo kale, inay diinta Islaamka gudeheeda ka helaan isk-hor-imaad iyo is-duqayn waxay ayaga ka khafiifinaysaa cuqdad nafsiga ay ka qabaan boogooda ay u yaqaannaan baybalka. Buugaas oo ah mid la ciirciiraya hadallo iska hor imaanaya oo midba uu dhinac u socdo. Aad bay u jeclaan lahaayeen marka in diinta Islaamku ay dhankaas kala sinnaato diinta ay haystaan, oo ay noqoto mid Quraankeeda iyo axaadiisteedaba ay is duqaynayaan.
Inkastoo dadaalkooda noocaas ah uu yahay mid fashilan oo aan diinta Islaamka waxba u dhimi karin, hadana waxaa loo baahan yahay in qofka muslimka ah uu arrintaas ka war qabo. Xisaabtana uu ku dirsado inay jiraan dad ka shaqaynaya inay diintiisa ka fitneeyaan. Waxaa qofka muslimka ah la gudboon inuu si wanaagsan u barto diinta Islaamka, ama ugu yaraan uu iska dhiso aqoonta asaasiga ah ee Quraanka iyo sunnada nabiga (NNKH) la xiriirta. Sababtoo ah qofka ay yartahay aqoonta uu u leeyahay diintiisa waa qof u nugul in la marin habaabiyo oo diintiisa been looga sheego. Bal sawiro labo qof oo muslimiin ah oo midkoodna uu diinta si fiican u yaqaan, midka kalena uu ku liito aqoonta diinta. Labadaas qof oo mid walba gooni loo hor dhigay su'aasha ah: sidee isu keenayaan labada xadiis oo midkood uu oranayo: "waxa ugu horreeya oo qiyaamaha adoonka lagala xisaabtamayo waa salaadda ...", kan kalena uu oranayo "waxa ugu horreeya oo qiyaamaha lagu kala xukumayo dadka waa dhiigga .. ", sidee ku dhici kartaa in labadooda ay yihiin midka ugu horeeya oo la'iskala xisaabtamayo ama la xukumayo? Soo is-duqayn ma'aha?
Qofka diinta wax ka yaqaan isla markiiba wuu garan karaa in meesha aysan oollin wax is duqaynaya iyo wax iska hor imaanaya midna, oo labada xadiis midba dhanka uu ka hadalayo inuu xadidan yahay. Wuxuuna qofkaas garan karaa in xadiiska hore uu ku saabsan yahay xaqa Ilaahay. Midka labaadna inuu ku saabsan yahay xaqa banii-aadamka. In xadiiska hore uu ku saabsan yahay xisaab, midka labaadna uu ka hadlayo wax la kala xukumayo. Sidaas darteedna inay xisaabtu ka horrayso xukunka. In xadiiska hore uu ku saabsan yahay waxyaabaha la'is faray. Midka labaadna inuu ku saabsan yahay waxyaabaha la'iska reebay.
Sidaas caksigeed, muslimka ay yartahay aqoonta uu diintiisa u leeyahay; waxaa suurowda in arrintaan oo kale uu ku fitnoobo, diintana uu ka shakiyo. Xaqiiqo ahaanna, labadaas xadiis oo aan soo tilmaannay waxay ka mid yihiin waxyaabaha ay cadowga Islaamka lasoo shir tagaan markii ay ku andacoonayaan in Quraanka iyo axaadiista ay ku dhex jiraan hadallo is duqaynaya.
Wakhtiga xaadirka ahna, aad bay u fududahay inuu qofku aqoontiisa kordhiyo oo si joogto ah uu siyaadiyo macluumaadkiisa asagoo adeegsanaya internet-ka oo ah tiknoolajiyad aad u fududaynaysa helitaanka macluumaadka iyo aqoon kororsigaba. Haday ahaan lahayd dhanka buugaagta (E-books iwm), haday ahaan lahayd dhanka cajaladaha maqal iyo muuqaalka ah oo muxaadarooyinka ama duruusta ah, ama xataa dhacdooyinka sida joogtada ah hareereheenna uga dhacaya maalin walba oo internetka daqiiqad walba warkooda lasoo galinayo. Barashada asaasiyaadka cilmiga sharciga ahna waa waajib saaran qof walba oo muslim ah.
_______________________________________
Kutubta laga faa'iidaysan karo macluumaadka ku saabsan shubhaadka iyo dhaliilaha ay gaalada usoo jeediyaan Islaamka kuna duraan waxaa ka mid ah: (ردود علماء المسلمين على شبهات المستشرقين والملحدين).
Qofkii u baahan kitaabkaas oo (PDF) ah, halkaan ayuu kasoo download-grayn karaa.
Xigasho : www.diiradda.com
Xigasho : www.diiradda.com
Read More »
Labels:
Maqaalo
Dabinka markhaati furka
Waxyaabaha ay ku dadaalaan website-yada faafiya diinta kiristaanka, gaar ahaanna kuwooda ku qoran af-soomaaliga ee ku wajahan soomaalida, waxaa ka mid ah inay soo bandhigaan qisooyinka dad ay leeyihiin waa kirstaameen. Qisooyinkaas waxay ku saabsan yihiin taariikh nololeedka dadkaas la leeyahay waa kiristaameen. Magaca loo yaqaan qisooyinkaasna waa markhaati-fur ama (Testimony), waxaana looga dan leeyahay in dad cusub lagu soo galiyo caqiidada kiristaanka.
Waxaa jira dhowr arrimood oo inta badan aan laga waayin hadaladda ay soo qoraan dadkaas sheeganaya inay diinta Islaamka ka baxeen oo kiristaamoobeen. Hadalkoodana waxaad moodaa inuu inta badan yahay mid lasoo dhisay oo si taxadar leh
loo soo bandhigayo, si loogu soo dabo dadka dan yarta ah oo baahan, iyo kuwa ay aqoontoodu yar tahay.
Arrimaha soo noqnoqda oo qofka markhaatifurka samaynaya uusan hadalkiisa inta badan ka marnayn waxaa ka mid ah:
- In qofka markhaatifurka samaynaya uu ahaan jiray yaraantiisii qof is waydiiya su'aalo badan oo nolosha iyo caqiidada ku saabsan. Sidoo kale inuu qofkaan ahaan jiray qof aad wax u akhriya oo jecel inuu xaqiiqada raadiyo. Hordhaca noocaan ah waxaa looga dan leeyahay in qofka soomaaliga ah lagu yiraahdo "inaad diintaada ka shakido oo aad su'aalo iska waydiiso waxay calaamad u tahay inaad qof mufakir ah oo maskax ahaan caqli badan tahay"
- In qofka markhaatifurka samaynaya uu marxalad noloshiisa ka mid ah lasoo kulmay dad kiristaan ah oo samafalayaal ah. Dadkaas oo aad u caawiyay asagoo xanuunsan, ama sidoo kale gacan ka siiyay dhanka waxbarashada iyo tababaridda. Aad bay usoo noqnoqotaa arrintaan la xiriirta naxariista iyo samafiladda hay'adaha kiristaanka ah. Waana arrin looga dan leeyahay in qofka soomaaliga ah looga dhaadhaciyo inay diinta kiristaanka kaligeed tahay midda ay dadkeedu samefalayaasha yihiin oo naxariistaan. Sidoo kale qofka markhaatifurkaan samaynaya wuxuu si dadbaan u sheegayaa in diinta kiristaanku ay asaga siisay daryeel uu ka waayay diinta Islaamka.
- In qofka samaynaya markhaafurka uu dul maro nolosha qoyskiisa iyo tan guud ee mujtamaca muslimka ahba, asagoo si gaar ah u bidhaaminaya inay jiraan xadgudubyo lagula kaco haweenka muslimiinta ah. Waxaa dhacda inuu qofkaas yiraahdo aabbahay baa hooyaday si xun ula dhaqmi jiray ama qayrumasuul ahaa. Ama nin dariskayga ah oo wadaad ah ayaa xaaskiisa iyo caruurtiisa si xun ula dhaqmi jiray. Arrintaanna waxaa looga dan leeyahay in lagu sii xoojiyo dacaayadda joogtada ah ee warbaahinta reer galbeedku ay ka faafiso diinta Islaamka ayadoo sheegaysa inuusan Islaamku xaq-dhowrin haweenka.
- In qofka markhaatifurka samaynaya uu sheegto inuu waagiisii hore aad uga didsanaan jiray diinta kiristaanka, laakiin markii uu furay baybalka oo uu akhriyay inuu halkaas ku arkay hadallo aad u qiimo badan oo sabab u ahaa inuu nolosha si wanaagsan u fahmo. Ayadoo midaas looga dan leeyahay in qofka soomaaliga ah laga dhaadhiciyo inuu bal akhiryo baybalka oo uu sameeyo baaritaan cusub oo dhanka caqiidada ah. Midaas oo la doonayo inay walaac iyo shaki ku abuurto qofka muslimka ah.
Inkasta oo qisooyinka markhaatifurka ah loo soo bandhigo qaabab kala duwan, isla markaasna loo yeelo midbabbo kala gadisan, hadana guud ahaan waxaa muuqata in dhowrkaas qodob oo kore aysan intooda badan ka marnayn. Soo noqnoqodka dhowrkaas arrimoodna wuxuu cadaynayaa in qisooyinka markhaatifurka ay yihiin nooc sheeko-baraley ah.
Xigasho :: www.diiradda.com
Xigasho :: www.diiradda.com
Read More »
Labels:
Maqaalo
Subscribe to:
Posts (Atom)