Download this Blogger Template by Clicking Here!

Ad 468 X 60

Friday, May 23, 2014

Widgets

Waa maxay wanaagu ?

Walaalayaal wanaaga oo la isfaro, xumaanta oo la iska reebo waa arin shareecado na amartay. Wanaaga oo la amro waxaa ku jira badbaadada shaqsiyeed iyo mida bulshadeed. Wanaaga oo la is faro waxaa ku yaraada xumaanta noocyadeeda kala duwan.

Waxaa sidoo kale ku yaraada sharta iyo shayaadiinta afkaartooda. Mar waliba oo wanaaga la isfaro dadku way isku soo dhawaadaan, wayna is jeclaadaan. Ummada Nabi Mohamed (salalahu calayhi wasallam), waxaa lugu fadilay in ay yihiin kuwo wanaaga mar walba is fara, xumaantana iska reeba. Waxaa sidoo kale iyadana ku jirta in qofka xumaanta wada gacanta la qabto loona nasteexeeyo. Tani waxay ka dhigantahay adiga oo badbaadiyay qof walaalkaa ah. Ajar ka wayn qof walaalkaa ah in aad hanuun u noqotid ma jiro. 

Waxaan ku dardaarmayaa arinkaas in aan la dhayalsan. Bulshada marka ay xumaanta ku badato waxay u keentaa xanuuno farabadan oo ay adagtahay in ay ka baxdo. Waxaa ka mid ah xasad, is neceyb, xan iyo wax iska sheegid, tafaraaruq, iyo cadawga in uu kaa faaiidaysto. Walaalayaal waa waajib ina saaran in aan wanaaga isfarno, xumaantana aan iska ilaalino. Qof walibow is waydiii inta jeer aad maanta wanaaga fartay, xumaantana aad reebtay. Waxaan u malaynayaa xisaab hoose in ay kuu soo baxayso.

Allaah markuu ka sheekeeynayey dadkii naga horeeyay(Ahlu Kitaabka) sababtii lugu halaagay, wuxuu noo sheegay in ay ahayd wanaaga oo aysan isfarin iyo xumaanta oo aysan iska reebin. Allaah wuxuu yiri
” Waxay ahaayeen (Culumadoodii iyo waxgaradkoodii)kuwa aan ka reebin wax yaalihii xumaa ay samaynayeen dadka” Al- Maidah 78.

Walaalayaal arintan Nabiga (salalahu calayhi wasalam) aad ayuu noogu
adkeeyay in aan samayno muhiimada ay leedahay daraadeed. Nabiga(salalahu calayhi wasalam) wuxuu yiri ” Waxaan ku dhaartay Allaha nafsadayda gacantiisa ay ku jirto, wanaaga waad amraysaan, xumaantana waad reebaysaan ama Allaah wuxuu u dhowyahay in uu ciqaab idinku keeno ka dibna aad barisaan oo idinka ajiibi waayo.” Hadiith Hassan Narrated by Tarmithi.

Walaalayaal Quraanka iyo sunnada Nabiga hadii aad si fiican u fiirisaan
waxaad arkaysaan guusheena aduun iyo aakhiro in ay ku jirto wanaaga oo aan isfarno iyo xumaanta oo aan iska reebno
Wabillaahi taowfiiq
Abdikadir Mohamed Aqli

SHARE THIS POST   

  • Facebook
  • Twitter
  • Myspace
  • Google Buzz
  • Reddit
  • Stumnleupon
  • Delicious
  • Digg
  • Technorati
Author: Mohammad
Mohammad is the founder of STC Network which offers Web Services and Online Business Solutions to clients around the globe. Read More →

0 comments: