Friday, May 23, 2014
Guurso ama gaashaamo (Q1aad)

bini’aadmiga ah ee uu Ilaahay ku abuuray, iyo sidii loo maarayn lahaa. Ujeedooyinka guurkuna waxay iskugu soo ururaan arrimahan:
- In la ilaaliyo taranka iyo jiritaanka bini,aadmiga Quraankuna wuu inoo sheegay((“Dadoow ka dhawrsada Eebihiina idinka abuuray nafkaliya(Aadam) kana abuuray xaggeeda haweenaydeeda(Xaawa) kana abuuray rag iyo haween badan”)) (An-Nisaa:1) waxa kale uu yidhi Ilaahay sarreeye xumaan ka dheeraatee ((“Eebe wuxuu idinka yeelay nafihiina azwaaj(qaybo) wuxuuna idiinka yeelay Haweenkiina carruur iyo farac”)) (An-Naxl:72)
in Ilaahay la raaligaliyo
- in ubad caafimaad qaba oo ina dhaxla laga tago oo la garanayo nasabkooda iyo abtirsiintooda, oo adduunka sumcad iyo aqoon ku soo kordhiya markaasna inoo soo duceeya inagoo godka ku jirna
- in laga gaashaanto sinada iyo foolxumada fasaadku leeyahay
- iscaawin ka dhex dhalata labada isqaba, iyadoo ay isdhamaystirayaan : gabadhu waxay qaban oo ay maamuli waxyaabaha Ilaahay u fududeeya ee ah maamulitaanka guriga iyo barbaarinta ubadka, ninkuna waxa uu ka soo shaqayn sidii uu masruuf u keeni lahaa, kana hadhayn lahaa guriga dhibaatooyinka dibada kaga imanaya.
- Xasilooni ay helaan nafta, fikirka, jidhka, anshaxa iyo asluubta qofku iyadoo ay kobcayso is jeclaanta iyo isku naxariisashada labada qof ka dhaxaysa, ninku marka uu ka soo rawaxo shaqadiisa ee uu guriga yimaado ee ay gabadhiisu si kal iyo lab ah u soo dhawayso waxa uu iloobayaa wixii dhib iyo kadeed ahaa ee uu kala kulmay shaqada, halka ay gabadhuna ka dareemayso jeexeedii kale oo u yimid oo ay wehelnimadiisa sugaysay ilaa iyo intii uu shaqada ku maqnaa, sidaasayna noloshoodu ugu soconaysaa oo ay maalin walba u noqonaysaa maalin ay isku cusubyihiin oo kale, maxaana ka xikmad iyo xeel dheer hadalka Ilaahay ((“Waxaa ka mid ah Aayaadkiisa inuu idinka abuuray naftiina haween si aad iskugu xasishaan yeelayna dhexdiina is jacayl iyo naxariis”)) (Ar-Ruum:21)
Noloshu waxay ku tiirsantahay iskaashi iyo wadashaqayn waana sunne Ilaahay uu u dhigay bini'aadamka, waxaanu inagu abuuray waxyaabo farabadan oo ay ka mid yihiin jeclaanta aan jecelnahay magaca, maalka, aqoonta, dumarka, iyo dahabkaba intaasi waa arrin la inagu ladhay oo aynaan sina uga maarmi karin laakiinse waxaa sidoo kale la inoo sheegay hab lagu maarayn karo. si aanay inoogu hoggaamin halaag iyo khasaare, xidhiidhka ugu adag uguna xoog badan ee isku xidha bini,aadmkuna marka laga yimaado Iimaanka iyo walaaltinimada islaamku waa qoyska, xidhiidhkaasi oo lagu tilmaamay “Doonis iyo Raxmad”
Dhalinyaranimadu waa heerka ugu wanaagsan nolosha, uguna macaan badan waayo waxay ku dhexjirtaa laba heer oo taagdarni ah((Eebe waa kan idinka abuuray Tabaryari, hadana idinka yeelay tabaryaridii kadib xoog, hadana xoogii ka dib idinka yeelay tabaryari iyo gabaw))(Ar-ruum:54) markay gaadhaan xilliga qaan-gaadhka waxay ka fikiraan oo maskaxdooda raadcaysaa waa inay guursadaan, shaqo helaan, taliyaan, mushkiladaha isku dayaan inay xalliyaan, wax cusub curiyaan ama unkaan, intaasi waxaa wadata waayaha iyo wacyiga dhalinyaranimo, sidoo kale waxaa jira waxyaabo kale oo saameeyaa dhalinyarada sida warbaahinta, suuqa, saaxiibada iyo bulshadaba, waxaa isla daalaadhacaya waxyaabihii la inagu abuuray oo uu shaydaan doonaya inuu meel xun inala marsiiyo iyo inagii(dhalinyaro) taasaa ah dagaalka inoo dhexeeya inaga iyo nafteena, sidaa daraadeed jihad iyo dagaal la galo waxaa ugu adag waa nafta ((“Naftaan ku dhaartay iyo siduu Eebe u ekeeyay Una tusiyay jidka xun iyo ka Ilaahay lagaga dhawrsanayo Ee waxaa liibaanay ruuxii naftiisa daahiriya waxaana khasaaray ruuxii naftiisa xumaan dhexgaliya”)) (Ash-Shams 7-10)
Hadaba waxaa dhacda in waalidiintii iyo masuuliyiintii dalku aanay dareensanayn dhibaatada dhalinyarada haysata ee ah guurkii oo la adkeeyay iyadoo taasina ay keentay inay sinadii badato, oo ay hablo iyo wiilal fara badani ay xumaan ku dhaceen, xashiishadii iyo balwadiina korodhay, xumaanoo dhamina ay soo xusulduubatay, waxaasi oo dhanna waxay ku timid laba arrimood oo la gabay:
1. Masuuliyiinta dhalinyarta(Maamulka dawladda iyo waalidiinta) oo aanan xilwayn iska saarin inay ka warhayaan dhibaatada dhalinyarta ku xeeran, iyo waayaha lagu suganyahay sida uu yahay, haddii uu qofka dhalinyartii yidhaahdo waan guursanayaa ee ha la I caawiyo waa la dayrinayaa, halka haddii uu yidhaahdo waxaan doonayaa jaamacada heblaayo oo intaaso lacag ah ku baxaysa waa loo soo hormarinayaa lacagta, taasi macnaheedu maaha waxbarashada oo la liidayo balse waa in la ogaado oo laga warhayo in dhalinyarta u baahan guur laga caawiyo horta guurka, waayo haddii aad jaamacaddaa u dirto isagoo guur maskaxdiisii ku jiro lacagtii uu ku guursan lahaana aad ka dhaadhicisay in jaamacadda lagaga bixiyay waxaa dhici karta inuu warwareeg ku doonto.
2. Dhalinyarta badankoodii oo aan tarbiyad islaami ah oo ka qabata xumaanta aan lahayn, ka dhoohan duulaan maskaxeedka ku socda ee ay dawladaha gaalada ahi ku hayaan dhalinyarta islaamka ah, ka fikirayn inuu u samro oo uu Ilaahay ku xidhnaado, dhibaatada haysata uu isku dayo habkii uu uga dabaalan lahaa, isagoo Ilaahay baryaya inuu u fududeeyo “waanan sheegi doonaa sida uu uga gaashaamanayo dhibaatada sinada ah haddii aanu haysan awood iyo itaal uu ku galo geediga guurka.
maadaama ay is dhawritaanku tahay wax loo baahanyahay sharci iyo caqli ahaanba, iyadoo la doonayo in la ilaaliyo diinta iyo dadka, anshaxa iyo asluubta arrintaasina waa arrin muhiimad wayn u leh bulshada waliba qarnigan ay fara bateeen fiidyawyada, warbaahinta maqal iyo muuqaalba, iyo saaxiibada xun xun, waana arrinta aan is leeyahay maqaalkaygan ku soo bandhig.
waxaan maqaalkan kooban ku sharxi doonaa uun xadiiskiii Rasuulka ee ahaa (( Dhalinyarooy kiina awooda inuu guursado ha guursado maxaa yeelay wuxuu u wacan yahay araga una dhawri ogyahay farjiga(xubinta taranka) kaan awoodinowna ha soomo maxaa yeelay waa gaashaan)), maqaalka magiciisa ama ciwaankiisana waxaan ka soo qaatay oo aan ka soo amaahday waa isla xadiiska “guurso ama gaashaamo” , xadiiskani waa xadiis runtii daawo u ah dhalinyarada dhibaatadu hayso meelkastooy joogaanba iyo xaalad kastooy ku suganyihiinba, waxa inoo sheegay macalin garanaya dhalinyarta ummadiisa dhibaatada ku soo fool yeelan karta, siinaya xalka ugu wanaagsan ee la bixiyo waa Nebi Muxamed (Nabadgalyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee) . waxaanan jeclaaday inaan dhalinyarada la wadaago, waayo aniga ayaa ah dhalinyar waanan garanayaa dhibaatada ay dhalinyarada soo foodsaartay sabanka aan ku sugannahay iyagoo waxay sameeyaanna aan garanayn

Author: Mohammad
Mohammad is the founder of STC Network which offers Web Services and Online Business Solutions to clients around the globe. Read More →
Related Posts:
Dhalinyarada Maqaalo
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com
ReplyDelete