Friday, May 23, 2014
Guurso ama gaashaamo (Q2aad)

Dhalinyarta kii lacag haysta (Ilaahay ha u barakeeyee) ee awooda inuu guursado, naftiisu ay raali ku tahay inuu guursado, damiirkiisuna dareensiiyo guurka waxaa ku waajib ah inuu guursado yaanuse la sugin wakhti ama aanu dib u dhigin halkii uu falal kale oo foolxun ku kici lahaa, waxa kaa baxaysa lacag, meel wanaagsan haku bixiyo, si uu Ilaahay ugu barakeeyo arsaaqda, ubadka iyo oorida ama saygaba. Guurka wanaagsani waa ka qofka ka fogeeya inuu xumaan ku dhaco.
Shareecada islaamkee suubanina waxay ku boorinaysaa guurka, si ay bulshadu uga samato baxda sinada iyo akhlaaqxumada, dhalinayartuna u noqdaan kuwa hoggaan wanaagsan ummadda u horseeda, waxa uu yidhi Ilaahay ((“Guursada wixii idiin wanaagsan oo haween ah labo, saddex, iyo afar haddaad ka cabsataan inaydaan caddaalad falin midkaliya (guursada) “)) (An-Nisaa:3) ((“U guuriya xaaslaawaha idinka mid ah iyo kuwa suuban oo adoomadiina ah (rag iyo haweenba) haday sabool yihiin wuxuu ka hodmin Eebe fadligiisa”))(An-Nuur:32) Waxa kaloo aan ogsoonahay inay sunnaduna inagu boorinayso, waxa uu Nebiguna
(nabdgalyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee) yidhi: ((Dhalinyarooy kiina awooda inuu guursado ha guursado maxaa yeelay wuxuu u wacan yahay araga una dhawri ogyahay farjiga(xubinta taranka) kaan awoodinowna ha soomo maxaa yeelay waa gaashaan)), ((Adduunyadu waa mataac mataacna waxaa ugu wanaagsan gabadh wanaagsan)) (Waxa weriyay Muslim, Ibnu Maajah, iyo Nasaa, i)
GAASHAAMO:
waxaa soo hadhay qofka dhalinyarada ah ee aan haysan wax uu ku guursado balse doonaya inuu guursado,naftiisuna ay u hammuun qabto inuu guursado, kaasina waan ognahay dhibaatada haysata iyo dhibaatooyinka ku xeersan, hadday tahay heeso ku boorinaya jacayl waalan oo qofka ka dhigaysa inuu addoon u noqdo cid kale, warbaahin dawakhsan oo dhalinyarada dareenkooda aan dhawrayn, hadday noqoto mareegaha internetka la yidhaah, TVyada, iyadoo waliba wakhtigan ay yartahay inta ka badbaadaa(Ilaahay ha inaga dhigee) dabinadaasi faraha badan.
Islaamka muu xanibin mana cabudhiyo shahwadda dhalinyarada( wiil iyo gabadhba) wuuse dareensanyahay,laakiin wuu habeeyaa oo wuu hagaa, sidaa daraadeed baad arkaysa cadawga islaamka oo ku andacoonaya in dhalinyarta islaamka ay haysato mashaakil ah xakamayn iyo cabudhin waxaanay u furaan filimo fasaadiya akhlaaqda, buugaag jacayl ah oo ka madhan xishood iyo xikmadba, kuwaaso ah kuwa kaliya ee ay kharashka ugu wayni kasoo galo, waayo waxay raacayaan talooyinka iyo tusaalahii ay uga tageen aabayaashood ee ah "Ummadda Muxamadiya waxaa lagu halayn karaa laba shay waa gabadh iyo balwad” Guur yaraantana waxaa u sabab ah:
Meherka oo qaali xad-dhaaf ah noqday Iyadoo lagu talax tago agabka iyo arsaaqda ku kici karta guurka Maciishada dalka iyo dadka oo yaraata Camal la,aanta oo farabadata Aqoonta diinta oo yaraata Intaasiba waxay ka mid yihiin tiirarka ugu waawayn ee keena in guurku yaraado.
Waxaase in la gudboon dhalinyaro inaan dhawrsoonaan la nimaadno inagoo ka tusaale qaadanayna Aayada Quraanka ah(( Ha dhawrsadeen kuwaan helayn(awoodin) guur inta uu Ilaahay ku kaaftoomin fadligiisa)) (Al-nuur:33)waxaase isweydiin leh sidee baa lagu gaadhi karaa dhawrsoonaantaasi iyadoo aad arkayso dhibaatooyinku inagu xeeran, wakhtiga aynu noolnaha, su, aashaa jawaabteeda waxaan ka soo qaadanaynaa Sheekha Wayn ee Daaciga ah, da,yartana siiya tarbiyad islaami ah, runtiina aan anigu inbadan ka faa,idaystay jeclaystayna inaan idiinka soo gudbiyo waayo aragnimadiisa qotoda dheer leh waa Sheekh Cabdallah Naasixal Calwaan waxa uu ku yidhi kitaabkiisa la yidhaah "Islaamka iyo Jinsiga" waxaa habboon inay dhalinyartu raacdo qodobadan si ay uga badbaado dabinada shaydaanka, dareenkoodana ay u dabraan, dadnimadoodana ay u ilaashadaan
1. Isha oo la laabto: waxa uu Ilaahay ina faray inaan dhawrno indhaheena waayo waa salka iyo meesha ay ka bilaabmato macaasidu waxa uu yidhi Ilaahay isagoo inoo sheegay ina amrayana inaan indhaha laabano ((Waxaad ku tidhaahdaa Muuminiinta ha laabaan indhahooda(daymada) hana ka dhawreen furuujtooda(xubintooda taranka) Zinada sidaasaa u wanaagsan, Eebana waa ogyahay waxay samayn# waxaad ku tidhaahdaa Haweenka Muuminaadka ah (Xaqa Rumeeyay) ha laabaan indhahooda(daymada) hana dhawreen farjigooda(xubinta taranka)) )) (Al-nuur: 30-31) Dhibaatada ugu badaniba waxay ka bilaabmateen daawashada xaaraanta ah ee aad ku sii dhaygagtid, Nebiguna (nabadgalyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee) waxaa uu ku yidhi xadiis micnihiisu ahaa (bini,aadamku wuu sinaystaa, indhuhu way sinaystaa oo sinadoodu waa eegmada xaaraanta ah, dheguhu way sinaystaan oo sinadoodu waa maqalka xaaraanta ah, carrabku wuu sinaystaa oo sinadiisu waa hadalka xaaraanta ah, luguhu way sinaystaan oo waa u kicitaanka meesha xaaraanta ah farjiguna?(xubinta taranku) way ka rumaysaa ama way beenisaa)).
Halkan ka akhriso qaybtii 1aad
Abdilqani Haji-Ali (Albanna).
Email: abdilqani@hotmail.com
abdilghani@gmail.com
http://groups.google.com/group/abdiqanibanna
Address: Sha,ab road/Hargaisa/Somaliland

Author: Mohammad
Mohammad is the founder of STC Network which offers Web Services and Online Business Solutions to clients around the globe. Read More →
Related Posts:
Dhalinyarada Maqaalo
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
0 comments: