Thursday, May 29, 2014
Sidee u heli kartaa farxad ?

murugo, welwel, xanaaq joogta ah, jahwareer. In badan waxay taagan yihiin quus & rajo la’aan.
Haddaba, sidee qofku ku heli karaa farxad iyo deganaan?
Marka hore ma jirto wax Aduunka yaal oo farxad joogta ah ku siin kara. Kolkaa aan ka hadalno waxa farxad darrada keena si aan u fahano sida farxad lagu helo.
Tan 1-aad: waa qofka oo Dambi sameynaya, noocuu doono ha noqdee. Waxa ugu weyn ee maanta stress-ka & farxad darrada keena waa dambi.
Tan 2-aad: waa qofka oo aan aqbalayn Dabeecadda Aduunka. Tusaale, qof kasta maanta wixi uu rabay 10 sano ka hor wuu helay, Kii rabay inuu wax barto, dhoofo, guursado, shaqeeyo, gaari helo, iwm. hadana weli ma qanacsana. Wuxuuna ku jiraa Haddii sidaa ay dhacdo sidaasaan yeelayaa. Tusaale, Marki qofku goob bilicsan u dalxiis tago uu arko Qaanso roobaad, Biyo rogmanaya, doog badan, isla marki wuxuu oranayaa Maa Sha Allaah, sababtoo ah dabeecadi ayuu sideeda u aqbalay, ma oran haddii Geedkaa dhinacaa olaan lahaa, sidaasay ahaan lahayd, iwm.
Tan 3-aad, waa qofka oo Runta ka cararaya, rabo inuu khiyaali isku maaweeliyo, been naftiisa u sheego. Wuxuu qofkan diidan yahay inuu xaqiiqda nolosha wajaho. Isku dayo inuu ka guuleysto imtixaan kasta. Dhexda xirto. Dantiisana ku mashquulo.
Ugu dambeyntii, waxaa laga sameeyay filimaan, waxaa laga qoray Buugaag, Siminaaro badan baa lagu bixiyay sida Farxad buuxda loo helo balse farxada dhabta waxaa lagu helaa sida Alle SWT yiri, Xuska Eebe ayay ku Xasishaa Quluubtu.
W/Q: Farah Cawaash

Author: Mohammad
Mohammad is the founder of STC Network which offers Web Services and Online Business Solutions to clients around the globe. Read More →
Related Posts:
Dhalinyarada Maqaalo
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
0 comments: