Tuesday, October 14, 2014
Baro Diintaada
Dadka neceb diinta Islaamka - gaar ahaanna kiristaanka iyo yuhuudda- waxay aad isugu dayeen inay helaan gal-daloollo ay ku ceebeeyaan Islaamka. Waxay isku taxallujiyaan inay Quraanka iyo axaadiista ka dhex helaan hadallo iska hor imaanaya, ayagoo midaas uga dan leh inay dadka muslmiinta ah shaki ka galiyaan diintooda.
Sidoo kale, inay diinta Islaamka gudeheeda ka helaan isk-hor-imaad iyo is-duqayn waxay ayaga ka khafiifinaysaa cuqdad nafsiga ay ka qabaan boogooda ay u yaqaannaan baybalka. Buugaas oo ah mid la ciirciiraya hadallo iska hor imaanaya oo midba uu dhinac u socdo. Aad bay u jeclaan lahaayeen marka in diinta Islaamku ay dhankaas kala sinnaato diinta ay haystaan, oo ay noqoto mid Quraankeeda iyo axaadiisteedaba ay is duqaynayaan.
Inkastoo dadaalkooda noocaas ah uu yahay mid fashilan oo aan diinta Islaamka waxba u dhimi karin, hadana waxaa loo baahan yahay in qofka muslimka ah uu arrintaas ka war qabo. Xisaabtana uu ku dirsado inay jiraan dad ka shaqaynaya inay diintiisa ka fitneeyaan. Waxaa qofka muslimka ah la gudboon inuu si wanaagsan u barto diinta Islaamka, ama ugu yaraan uu iska dhiso aqoonta asaasiga ah ee Quraanka iyo sunnada nabiga (NNKH) la xiriirta. Sababtoo ah qofka ay yartahay aqoonta uu u leeyahay diintiisa waa qof u nugul in la marin habaabiyo oo diintiisa been looga sheego. Bal sawiro labo qof oo muslimiin ah oo midkoodna uu diinta si fiican u yaqaan, midka kalena uu ku liito aqoonta diinta. Labadaas qof oo mid walba gooni loo hor dhigay su'aasha ah: sidee isu keenayaan labada xadiis oo midkood uu oranayo: "waxa ugu horreeya oo qiyaamaha adoonka lagala xisaabtamayo waa salaadda ...", kan kalena uu oranayo "waxa ugu horreeya oo qiyaamaha lagu kala xukumayo dadka waa dhiigga .. ", sidee ku dhici kartaa in labadooda ay yihiin midka ugu horeeya oo la'iskala xisaabtamayo ama la xukumayo? Soo is-duqayn ma'aha?
Qofka diinta wax ka yaqaan isla markiiba wuu garan karaa in meesha aysan oollin wax is duqaynaya iyo wax iska hor imaanaya midna, oo labada xadiis midba dhanka uu ka hadalayo inuu xadidan yahay. Wuxuuna qofkaas garan karaa in xadiiska hore uu ku saabsan yahay xaqa Ilaahay. Midka labaadna inuu ku saabsan yahay xaqa banii-aadamka. In xadiiska hore uu ku saabsan yahay xisaab, midka labaadna uu ka hadlayo wax la kala xukumayo. Sidaas darteedna inay xisaabtu ka horrayso xukunka. In xadiiska hore uu ku saabsan yahay waxyaabaha la'is faray. Midka labaadna inuu ku saabsan yahay waxyaabaha la'iska reebay.
Sidaas caksigeed, muslimka ay yartahay aqoonta uu diintiisa u leeyahay; waxaa suurowda in arrintaan oo kale uu ku fitnoobo, diintana uu ka shakiyo. Xaqiiqo ahaanna, labadaas xadiis oo aan soo tilmaannay waxay ka mid yihiin waxyaabaha ay cadowga Islaamka lasoo shir tagaan markii ay ku andacoonayaan in Quraanka iyo axaadiista ay ku dhex jiraan hadallo is duqaynaya.
Wakhtiga xaadirka ahna, aad bay u fududahay inuu qofku aqoontiisa kordhiyo oo si joogto ah uu siyaadiyo macluumaadkiisa asagoo adeegsanaya internet-ka oo ah tiknoolajiyad aad u fududaynaysa helitaanka macluumaadka iyo aqoon kororsigaba. Haday ahaan lahayd dhanka buugaagta (E-books iwm), haday ahaan lahayd dhanka cajaladaha maqal iyo muuqaalka ah oo muxaadarooyinka ama duruusta ah, ama xataa dhacdooyinka sida joogtada ah hareereheenna uga dhacaya maalin walba oo internetka daqiiqad walba warkooda lasoo galinayo. Barashada asaasiyaadka cilmiga sharciga ahna waa waajib saaran qof walba oo muslim ah.
_______________________________________
Kutubta laga faa'iidaysan karo macluumaadka ku saabsan shubhaadka iyo dhaliilaha ay gaalada usoo jeediyaan Islaamka kuna duraan waxaa ka mid ah: (ردود علماء المسلمين على شبهات المستشرقين والملحدين).
Qofkii u baahan kitaabkaas oo (PDF) ah, halkaan ayuu kasoo download-grayn karaa.
Xigasho : www.diiradda.com
Xigasho : www.diiradda.com

Author: Mohammad
Mohammad is the founder of STC Network which offers Web Services and Online Business Solutions to clients around the globe. Read More →
Related Posts:
Maqaalo
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
0 comments: