Download this Blogger Template by Clicking Here!

Ad 468 X 60

Tuesday, November 12, 2013

Widgets

Wuxuu Sabab u Noqday Horumarka Malaysia !

Ninka sawirkaan ka muuqda waa Mahatir Maxamad. Wuxuu dalka Malaysia ra'iisal-wasaare u ahaa intii u dhaxaysay 1981-2003. Mudadaas gudeheeda wuxuu ka dhigay dalkiisa Malaysia mid ka mid ah dalalka tusaalaha loo soo qaato markii laga hadlayo horumarka iyo dhismaha dalalka. Dalka Malaysia shacabkiisa 52% waxay ku noolaayeen xaalad fakhri ah oo aad u daran, maantana 95% waxay haystaan nolol aad u heer sarraysa. Dadka shaqaysta oo leh dakhli sugan waa 97% oo shaqo la'aan kama jirto, 3% soo harayna waa dad ay dowladooda taakulo la garab taagan tahay ilaa ay shaqo helayaan.
80% baabuurta lagu dhex wato Malaysia waa baabur lagu dhex sameeyay dalkaas gudihiisa. Waana dal ka horumarsan dhanka wax soo saarka warshadaha. Waxaas oo horumar ah waxay gaareen mudadii uu ninkaas gacanta ku hayay maamulka dalkaas.

Ragu marka waa nin dalkiisa sidaas u dhisay oo sumcad iyo qiimo u yeelay, iyo nin kale oo dalkiisa taariikhda iyo khariidadda aduunkaba ka saaray.




SHARE THIS POST   

  • Facebook
  • Twitter
  • Myspace
  • Google Buzz
  • Reddit
  • Stumnleupon
  • Delicious
  • Digg
  • Technorati
Author: Mohammad
Mohammad is the founder of STC Network which offers Web Services and Online Business Solutions to clients around the globe. Read More →

0 comments: