Wednesday, May 7, 2014
Dhalinyarada muslimiinta
Ishu waxay ilmaysaa... qalbigu wuxuu murugoodaa... jidhkuna jidhidhicoodaa; marka ay dhaayahaagu arkaan wiilal iyo gabdho dhallinyaro Islaam ah dhaqankooduna
ka fog yahay kii Islaam iyo kii dhaqanba. Meelaha dhallintu ku kulanto markaad joogsato, baraha Intenetka ee lagu kulmana aad indho-indhayso waxaad badanaa ku arkaysaa dhallinta oo ka doodaysa waxaan waxba uga shan iyo toban ahayn sida Siyaasad madhalays ah; ciyaaro iyo gaal adduunka dabadiisa jooga oo aan waxba u ogayn; inan meel ka heestay iyo inankii heesta la qaaday, iwm. Kolkaasay naftu is waydiinaysaa tolow dhallinyartani xagay u socotaa mustaqbalku se muxuu u qarinayaa?
Milicsi Taariikheed

Waxa ugu waawayn awoodaha dagaalkaas dhallinta kula jira:
1. Gumaysi iyo gaalaysiin (ha ugu badnaadaan fulinta haayadaha ay soo dirteen);
2. Hanti wadaag caalami ah;
3. Yuhuudnimo cadaawad badan;
4. Kiristan dagaal qaawan wada;
5. Kuwo u shaqaynaya gaalka;
Haddaba si aynu u ogaanno sida uu islaamku u diyaariyay dhallinyarada si ay uga hortagaan dagaalkaas ba’an ee lagula jiro ayaynu is waydiinaynaa suaalo ah:
Waayo dhallinyaro? – Da’ intee le’eg ayaa lagu sheegi karaa dhallinyaro?
Dhallinyaradu waa lafdhabarta ummadaha. Ummadna jiritaankeeda waxa laga qiyaasaa kolba dhallinta usoo kacaysaa inta ay leegtahay. Da’da lagu qiyaasi karo dhallinyaro waxay culimadu ku sheegaan 15-40 sano qaarkoodna waxay gaadhsiiyaan ilaa 50jir.
Dhallinta iyo Diyaarintii Rasuulka “SCW”
Wajigii koowaad ee Islaamka ciddii diinta qaaday ee meel walba gaadhsiisay waxay ahaayeen dhallin yaro.
o Nabiga waxa lasoo diray isagoo 40sano jira;
o Abubakar wuxuu islaamka qaatay isagoo 37sano jira;
o Cumar waxa uu islaamay isagoo 26sano jira;
o Sacad bin abii waqaas wuxuu ku islaamay 17jir;
o Subayr ibnu cawaam isna 16jir;
Waxaan la iloobi karin wiilka 17jirka ee ciidamadii islaamka hoggaaminayay dhimashadii rasuulka ka hor Usaama bin Zayd iyo qaarkaloo badan. Waxa iyaduna lagama maarmaan ah in la xuso talooyinka gaarka ee uu Nabigu SCW la daba joogay ummada in nasiibka libaaxa ay ka qaateen dhallintu sida:
o Diyaarinta dhanka cibaadada iyo ku xidhnaanta Allah wuxuu Nabigu SCW sheegay 7da qof ee qiyaamaha hadhka Rabbi maalin aan hadh kale jirin hadhsan doona inuu ka mid yahay qofka dhallinyarta ah ee ku kora cibaadada Ilaahay.
o Ka faa’iidaysiga waqtiga iyo ka midho dhallinta jaanisyada waxa Nabigu SCW tibaaxay “Ka faa’iidayso dhallinyarnimada ka hor inaatanad gaboobin”.
o Ilaalinta dhallinta iyo dhufays galintooda si ay akhlaaqdooda iyo dadnimadoodu u sugnaato dabaylaha dhacayana ay uga badbaadaan wuxuu Nabigu SCW talo kusiiyay inay guursada isagoo leh “Dhallinyarooy qofkii karaya inuu guursadaa ha guursado”.
o In dhallinyarnimadu tahay wax la iswaydiin doono iyo masuuliyad su’aali ka danbayso maalinka lama huraanka ah oo suaalaheeda ay ka mid yihiin “Dhallinyarnimadaadii maxaad ku gaboojisay?”
Gunaanad:
Dhallinyarooy dagaalka inagu wajahani aad ayuu u ba’an yahay ee aynu galno diyaargaraw iyo tabaabulshe aynu kaga hortagayno dagaalkaas iyo weerar celin liddi ku ah weerarka inagu qasaya. Diyaargarawgaas oo ay ka mid yihiin:
o In Ilaahay la rumeeyo laguna kalsoonaado.
o In waqtiga looga faaidaysto wax adduun iyo aakhiraba afac inoo leh.
o In la doorto saaxiibbo suubban oo inagu gargaara hawshaas barakaysan.
o In hammi horumarineed la yeesho.
o In ku dayasho laga dhigto dadkii hore ee adduunka wax ku soo kordhiyay.
o In qofka dhallinyarta ahi lahaado kalsooni uu naftiisa ka qabo oo uu ku meel maro.
Warku wuxuu ku idil yahay:
o Toos oo hurdada ka toos.
o Toos oo wadada saxda ah ku toos.
o Toos oo hansare u toos.
Ilaahay Xaqa ha ina garansiiyo. Awoodaha dhallinyarnimo ee inaga dayacmayna Ilaahay haynoo soo uruuriyo.
Xamse M. Cumar Ku-Joog

Author: Mohammad
Mohammad is the founder of STC Network which offers Web Services and Online Business Solutions to clients around the globe. Read More →
Related Posts:
Dhalinyarada Maqaalo
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
0 comments: