Download this Blogger Template by Clicking Here!

Ad 468 X 60

Monday, June 30, 2014

Widgets

Furayasha guusha

 Guushu wa wax qofba si u fasirto ( tarjunto), wa shey uu qof walbaa hindiso inu gaadho wa afartan eray ‘’g u u l’’.
Waxan oran karaa qaar badan o dadka kamida hadi la waydiyo guul waxa ay u yaqaniin waxay ku fasiri  lahayeen araa iyo ereyo kala duwan o midba sida u rabo ku saleeyo.
Waxan dhambaaladan ku faaqidi doonaa baahiyaha loogu jecelyahay aragti ahaan tayda e bulshadu u bahantahay inay waxka barato sida,guusha qoyska,shaqsiga ama dawladi yeelan karto.
Guul macnaheedu maha in qof kasta anu gadhi Karin lkn wa shay u kasban karo hadi uu la yimaado dhawr kan qodob;
1.       Samir badnaan: samirku wa shayga kaliya ee hoga tusaleya qofka inu gaadhi karo guul wakhti aan fogan hadi u layimaado asbaabaha samirka, wa secret( sir) u ilahay qurankisa inoogu sheegay o la taxaluqda guusha u qof kastaba tamaniyayo.
Samirka waxa lagu baraa nafta degenaansho iyo karti badnaan ay culays ku xamisho.

2.        Daacadnimo:  qodabkani wa lagama maarmaan in lahelo hadi aad doonaysid guul inaad ka gaadho noloshaada , wa wax dad badani ku hungoobeen, buuxina wayeen.
Wa astaan lagu qiimeyn karo in aad guulaysanayso noloshada o aad arki doonti shay ad maskaxda ku haysay o kugu waynaa inu gondahaaga( hoostaada) yimaado.

3.       Dhiiranaan: arinkani was hey u baahan fejignaan iyo habeeno badan inaad ka fekerto, wa xaqiiqa in qof walbaaba naftisa la jecelyahay wax wanaagsan, lkn waxa hal adayg lagu kala duwanyahay noqda dhiiranaanta marka guul qofku radinayo, waayo wa muhiim inaad maqasha durbaanka ka dhex baxaya sanqadhiisa rumaysana riyopyinka joogtada ah eek u xidhiidhsan wayahaaga nololeed, wa shey u bahan degenaansho dherada iyo talooyin ama xogo kala duwan o aad ku jaan goyso maxa yelay wuxu khatar gelin karaa noloshada bini aadamtinimo si aad guul u hiigsato mararka qaar.
4.        Alle ka cabsi:  alle ka cabsigu wa hidaayo iyo hanoon alle swt uu siiyo adoomihiisa u jecelyahay, wa akhlaaqiyaad wanaagsan o eebe weyne ugu deeqo shakhsiga uu jidak toosan kusugayo, wa policy uu aadamuhu kukala dheereeyo kuna kala gaadho sumcad badni iyo jecayl badan.
Afartaa  qodob waxay qofka u soorto gelin karaan inuu noqdo qofku qof gaadha ama rumeeya hiyi ama aragti fog oo noloshiisa leyahay.
Wakhti aan sida usii durug sanayn ayay ahayd marki an dareemay inaan wax badan o noloshayda ah o an in badan ku riyoonayay gaadhay secret-ka iyo furahaan isticmalayeyna waxay ahaayen qodobadaas kor kuxusan.
Waxaan idin so gudbin doonaa maqaalo xanbaarsan dhacdooyin dhab ah o ashkaas(dad) kala duwacan lasoo gudboonaday wakhtiyadi ay ku guda jireen socdaalkoodi halganka guusha ay ku baadi donayeen,  iyo examples ( tusalooyin) wax ku oola o isugu jira guulo badan o heer marxaladeedka nololeed qofkasta mari karo anoo ku jaangoyn doona sirta iyo xikmada  aan ka faa’idaystay taaso in badan o idinka mid ah ay wax ka tari karto guulaha ay raadinayaan inay u adeegsadan.
Maah maah eglish ah ba waxay tahay’’ success is not once shock’’ o macneheedu yahay guushu maaha wax hal mar soo booda am lagu naxo’’


Lasaco qaybaha danbe……………………….
W/Q:  pro: Jama Mohamed Aden ( jama tawxiid).



SHARE THIS POST   

  • Facebook
  • Twitter
  • Myspace
  • Google Buzz
  • Reddit
  • Stumnleupon
  • Delicious
  • Digg
  • Technorati
Author: Mohammad
Mohammad is the founder of STC Network which offers Web Services and Online Business Solutions to clients around the globe. Read More →

0 comments: