Monday, June 2, 2014
Quraanku waa quluubteena
Bismi laahi. Ilaahay baa mahad leh marwalba, Naxariis iyo nabad galyana Nabi Maxamed (SCW) korkiisa ha ahaato, Asxaabtii rumaysay oo raacdayna Rabi haka raali noqodo.
“Allah has sent down the best statement, a book (this Holy Qur’an ), it is parts resembling each other in goodness and truth, oft-repeated. The skins of those who fear their lord shiver from it (when they recite it or hear it). Then their skin and their heart soften to the remembrance of Allah. That is the guidance of Allah. He guides therewith whom he pleases and whomever Allah sends astray, for him there is no guide” Verse No: 23, Surah Az-Zumar.
Qofkii muslim ah oo manhaajkaas raacaana Maqfiro baan u rajaynaynaa maalinta qiyaamaha.
Horudhac:
“Ilaahay wuxuu soo dajiay hadal kan ugu wanaagsan (waa kitaabka qur’aanka kariimkaaye) kitaabkaas isku eg
eg xaga Kalimaadkiisa, macnaha quruxda badan iyo miizaanka uu xanbaarsanyahay, kitaabkaas oo Xikamad lasoo laalaabanaya. Kuwa Ilaahay ka cabsanaya markay akhriyaan ama maqlaan waxaa jiriracoonaya jirkooda. Kadibna jirkooda iyo quluubtooduba waxay u jilcaysaa dikriga iyo xasuusta Alle. Taas waa calaamada lagu yaqaan hanuunka Eebe. Ilaahay subxaanahu watacaalaa ciduu doono buu hanuuniyaa. Qofkii Ilahay luminayo cid kale oo hanuunin karta ma jirto” Macnaha Aayada 23, Surada Az-Zumar.
# Aayadaan waxaa Ilahay soo dajiyay kadib markii ay Asxaabtu dhaheen Nabi allow noo sheekee ayagoo muujinayay markaas sida ay u jecleysteen Xikmada Nabiga (SCW). Ilaahay subxaanahu watacaala oo tilmaamay sida caajiibka leh ee Nabigu asxaabta wax u bari jiray wuxuu yiri” waxaan idiin soo dirnay Rasuul idinku dul akhrinaya aayadaheena, oo quluubtiina iyo qalbigiinaba ka sifaynaya waxkasta oo xun, Rasuulkaas oo idin baraya Kitaabka qur’aankaa iyo xikmad -waa axaadiista Rasuulkee- wuxuuna idin barayaah shey weyn oo iinaan horay u ogayn” Macnaha Aayada 151, Surat Al-Baqarah.
Intaa kadib
Walaalka iyo walaasha soomaliyeedow waxaan jeclaan lahaa sadaradaa soo scoda ee sahalka ah inaan isla aragno sida Ilaahay nowgu naxariistay markii uu noo soodajiyay Qur’aanka kariimkaa oo Ilaahay ku tilamaay inuu nooleynayo Ruuxdeena, inuu naga saarayo Mugdi noona saarayo Iftiin iyo aragti waasaca, inuu naga korinayo Naar nana galinayo Janno, inuu noo hor seedayo Najaax aduunyo iyo Nicmo Akhiro intaba.
Hadaba hadii Eebe ogolaado waxaan maqaalkaan iyo kuwa xiga ku soo qaadan doonaa faa idooyinka faraha badan ee ku jira akhrinta Qur’aanka kariimka, iyo sida qur’aanku u yahay Manhaj dhamays tiran oo qofkii fahma kuna dhaqmana nolashiisu toosayso dhankaste: Qalbi, Qowl, Fikir iyo Ficil intaba.Wuxuuna ku noolaanayaa ruuxaas Nuur minalaah.” Qof mayd ahaa oo aan nooleeynay, hadana aan u’samaynay nuur ku dhexsocdo dadka, ma wuxuu la mid yahay Qof ku jira mugdi uusan ka baxayn……” buu ku iyiri Alle aayada 122 ee Suurada Al-Ancam.
Intaanan ugalayn faa’idooyinka aan marka hore ku bilaabo qormadaya macnaha kalimada qur’aan iyo macluumaad la xariira.
Qur’aan: (Qura’a, Yaqra’u, Iqra, Qur’aan)
Sidaad ujeedo magaca ama isimka qur’aan wuxuu ka yimid ficiladaan kor ku xusan oo ah: wuu akhriyay, wuu akhriyayaah, akhri, KADIBNA AKHRIN. Sidaas daraadeed kalimada qur’aanmacnaheedu waa akhrin oo loodan leeyahay kii marwalbe la akhriya’yay. Ilaahay baana kitaabkiisa Kariimkaa ku magacaabay (Qur’aan), kuna bilaabay kalimada “Iqra“. Sidaas daraadeed markii qur’aanka la qeexayo waxaa la yiraahdaa “Hadalkii ilaahay, oo ku soodajiyay Rasuulkiisa, asagoo soo marsiiyay Jibriil, qur’aankaas oo la isku adoon saday in la akhriyo”.
Kalimada Qur’aan waxaa Qur’aanka lagu shegay in ka badan 80 jeer, ayadoo sidoo kalana magacyada kale oo badan Ilaahay qur’aanka ku magacaabay kuwaas oo gaaraya 55 Magac sida:
Al kitaab, Nuur, Ramha, Dikri, Burhaan, Mowcidah.
Taariikhda qur’aanka soo dajintiisu bilaabatay
Hamaynkii u horeeyay ee Ilaahay qur’aanka soodajiyay waxay ahayd hamayn Isniina, Bisha Ramdaana ay tahay 21, oo ku beegan August10, 610 Taariikh dhalasha Nabi Ciise Caleyhi salaame.
Nabiga (SCW) da’diisu markaas waxay ahayd 40 sano, 6 bilood iyo 12 Cisho.
Mudada qur’aanku soodagay waa: 23 sano. 13 kii sano ee Nabigu (SCW) uu joogay makka, 86 Suuradood baa ku soodagtay, halka 10 sano ee madiina uu joogayna ay ku soodagtay 28 suuradoodsida ugu raajixsan hadaan marno. 86+28=114
Tira koob ku saabsan Qur’aanka
Qof kaste oo muslim ah dabcan wuxuu jecelyahy inuu barto ama xifdiyo qur’aanka hadaba waxa kugu saacidi kara taas waxaa kamid inaad haysato tira koobka guud ee qur’aanka si hadii aad rabto inaad xifdiso aad u’dagsato qorshe Cilmiyasan. Tusaale, markaad ogtahay in qur’aanku yahay 604 Bog kulligiis sanadkiina uu yahay 365 maalmood hadii aad maalinkasta Bog barataa sanad iyo bar kudahood waad dhamaysay qur’aanka oo dhan.
Tira koobka hoos ku xusan waxaa Juhdi badan Galiyay oo saaray Guddi Culimmaa oo hogaaminyo Fadiilatu Sheekh Moxamed Axmed Macbad oo inka badan 40 sano ku dhex jiray culuumta qur’aanka hadana ah Madaxa Qiraa’aad ka iyo Tajwiidka Masjidka Nabiga (SCW) ee Madiina.
Tirada Suuradaha | Tirada Jusaska | Tirada Xizbiyada | Tirada Rubuxyada | |
114 | 30.Jus= 20 Bog | 60. Xizbi=10 Bog | 240.Rubuc=5 Bog | |
Tirada Bogaga | Tirada Aayadaha | Tirada kalimaadka | Tirada Xuruufta | |
604 | 6236 | 77437 | 323671 | |
# Juska kowaad ee suuratu faatixa ka bilowda waa 21 Bog,halka juska 30 ee Surat Naba ama camma ka bilowdana waa 23 Bog oo Suuradah badan baa space qaatay inta kale Jusaska qur’aanku waa 20 Bog. Ama 10 Baal.
Maadama Ilaahay fadligiisa iyo naxariistiisa halkii xaraf u dhigmo 10 xasano makraad qur’aanka oo dhan dhamaysaa hadii Alle kuu aqbalo waa: 323671X 10= 3236710 oo xasano iyo kasii badan.
Intaas baan ku kaaftoomaya qeybtii kowaad ee qormada: Qur’aanku waa Nolasha Qulubteena.
Waxaana rajaynaya haba yaraateeh inaad wax uun faa iday.
Igu sharaf inaad la socoto Qormada qeybaheeda danbe hadii Alla idmo. Waxaana ku dhaafay ducadaan Nabigu (SCW) Asxaabta bari jiray oo ah:
“……Allaahumma Ijcalil Qur’aana rabiica qalbii wanuura sadrii Wajalaa’a xuznii wadahaaba hammii” oo macneheedu yahay: Ilaahow ka dhig qur’aan ka kii Qalbigaygu ku qaboobo, Laabtayduna ku iftiinto, Murugta iyo Wal walkuna ay ku tagaan. Ducadaan oo dhamays tiran waxaad ka heli kartaah Kitaabka Xisnul Muslimka.
Wixii fikir ama su’aal ah waan soodhawaynayaa.

Author: Mohammad
Mohammad is the founder of STC Network which offers Web Services and Online Business Solutions to clients around the globe. Read More →
Related Posts:
Islaamka Quran Xigmad
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
0 comments: