Download this Blogger Template by Clicking Here!

Ad 468 X 60

Monday, June 9, 2014

Widgets

SIDA GABARTA GURIGA LOO GEEYO & MEHERKA

Asalamu aleykum, 

Gabarta markii lamehriyo ka gadaal waxaa la doonayaa in dariiiqa sharciga ah lamaro marka la guri geynaayo. Masaa’ilka maanta ugu daran waxaa ka mid ah guri geynta gabadha, sida gabadha loo guri geeyo waa si aan diiniyan ahayn badanaaba. Rasuulka SCW wux uu warbixin ka dhiibay Meherka. Meherka waa shey ay gabarta la guursanaayo iska leedahay, waxaa la doonayaa in la ilaaliyo. Allena quraanka wuxuu ku yiri: “Dumarka meherkooda siiya siin.” Haku adoonsanina hana ku dhibinina, gabarta wax walba ee xoolo noq onkara oo ayadu tiraahdo meher hala’iiga dhigo ninka guursanaaya hadduu raali ku noqdo meher way noqon karayaan. Waxyaalaha meherka noqonkara waxaa ka mid ah: Inay gabartu tiraahdo “Ninka intaasoo kitub ha ibaro, ama quraanka ha ibaro, ama sheyga noocaas ha ii sameeyo hadduuna sheygu mastaxiilba ahayn.” Meherka in laqaaliyeeyo waa karaahiyo, waa arin laga fiican yahay, waayo Rasuulka SCW wuxuu yiri: “Waxaa nikaaxa ugu barako weyn midka ugu fudud xaga takaaliifta.” Waa inaa meherka qaaliga laga badin. Haddaba waxaan usoo jeedinayaa gabdhaha muslimaadkaa, ee doonaya hadda ka gadaal inay guursadaan, kuwii guursaday xaaladoodu dhamaataye. Kuwa hadda doonaya inay guursadaan meherka yeysan qaali ka dhigin, meherka haka dhigeen shey macquul ah, oo intifaac ayaga u leh. Markaa oran lahaydeen yacni hanala ku mehriyo “intaas oo kun oo doolar ama lacagta kale ah” , waxaa idin kaga fiican inaad isticmaashaa sheeyaal sahlan, oo intifaacooduna uu aad u badan yahay. Laakiin waxa maalmahan danbe danbeeyey, oo dumar kii laga helay inay gabartu tiraahdo “xoolo badan hala’igu mehriyo, si ninka haddaan ukala tagno aan xoolo badan ugala haro”. Haddaba, xaaladaas ayadaa haku fakarinina kuuma fiicnee. 

 
Waxaa laga doonayaa ninka muslimkaa markuu gabarta mehersado, inta uusan ayadda la kulmin, uusan jirkeeda wax ka mid ah taabanin inuu meherka qayb ka mida sii siiyo. Sida ku sugan adilo ay qorayaan Abuu Daawuud iyo Nasaa’i. Rasuulka SCW Cali ayuu amar ku siiyey inuu Faadumo bintu Mohamed sii siiyo xoogaa xoolo ah intuusan jameec ugu tagin. Wax meherka kamida waa in gabarta loo sii hormariyo, waana sida sunnada ah ee waajib ma’ahan, wayna wanaagsantahay in arinkaas lagu socdo.

Meherka waxaa ladoonayaa inaa gabarta lagu dhibin, ee waa inaa horay laga siiyo haddii loo heli karo, hadba ninka saw u helo karo waa inuu u siibixiyo. Markaa ka gadaal xoolo ayada hakadhigato, ama hasadaqeysato, ama ayadu ninkeeda hasiiso haddana mar ka le. Laakiin dabeecada ay qabaan dumarku soomaalidu waxa weeye dabeecad dhib badan. Meherka in lasiiyo ma ay ogola inta laqabo, oo larabo. Meherka haddii lasiiyana in lafuraayo ayey u haystaan. War isku xishooda dumaroow, xoolaha idinkaa iskaleh ka qaata nimanku intay idiin ogolyihiin yeysan idinkala goyne, way idin ku fiicantahay inaa sidaa yeeshaan.

Ninkii guursada oo doonaya inuusan meherka bixin Rabigii wuxuu hortagi doonaa asagoo zaani ah. Waa arin aad iyo aad u liidata, marka bal halagu dadaalo xaalada meherka, yaanna la’adkeynin.
MEHERKA SIRTA AH: Meherka sirta ah, waa gabarta loo guursaday qudba sirada, ee hadday labo qofood ku heshiiyaan inay gabar isi siiyaan, oo markaa guurka dhaco, oo markaa la’isu dardaarmo gabarta inaan lasheegin in laguursaday, gabartana aabeheedbaa bix iyey, waxay culumdu leeyihiin siday u badanyihiin nikaaxaasu waa fasaqmayaa, mana ansaxayo , marka qudba sirada waxa layiraahdo way u dhamaatay, guurna ma’ahan ee iskadaaya.

gabartii doonaysa inay guursato iyo ninkii doonaya inuu gabarta guursado nikaaxa daaha haka qaadaan, hana la’ogaado gabarta in ninku guursaday. Marka ladoonayo hadday doonaan doonida way qarin karaan, laakiin marka ay arintu nikaax gaarto waa inay muujiy aan, oo dadku ogaadaan, oo lagu sheekaysto gabar heblo nin hebal ayaa guursaday si aan loosoo haweysan. Marka walaalayaal Islaamka ilaaliya, xaqu wuxuu idiin dirayana haka taginina.
WAA WALAALKAA AAD KU WALAALOWDEEN "ISLAAMKA" 
Talo iyo tusaale kusoo hagaaji:
  Cusmaan Bilaad | osmanbilad@hotmail.com 

SHARE THIS POST   

  • Facebook
  • Twitter
  • Myspace
  • Google Buzz
  • Reddit
  • Stumnleupon
  • Delicious
  • Digg
  • Technorati
Author: Mohammad
Mohammad is the founder of STC Network which offers Web Services and Online Business Solutions to clients around the globe. Read More →

0 comments: