Monday, June 2, 2014
Waa kuma yuusuf islaam ?
HORDHAC
Taariikhda iyo Qisadii Cat stevens oo ahaa fanaan u dhashay wadanka ingiriiska aduunyada oo dhana laga yaqaanHada magaciisu waa Yusuf islaam wuxuuna faafiyaa diinta islaamka
Qisada kaat setiifinis (Cat stevens) iyo dadaalkii dheeraa ee uu muujiyey Ilaa waqtiguu soo islaamay xaga dacwada islaamka ayaa waxey tahay arin wax ku ool ah,
waana mid laga fahmi karo waxyaabo badan
Waxaana illaahay weydiisaneynaa inuu naga dhigo kuwii u khidmeeya islaaamka .
Mahad oo dhan Allaah baa iska leh
Alle ayaan ku mahdineynaa, isaga ayaana kaalmeysaneynaa , isaga ayaana danbi dhaaf weydiisaneynaa , rabi waxaan ka magan galeynaa sharka nafteena iyo
xumaanta falalkeena . qofkii rabi hanuuniyo cid baadiyeyn karta ma jirto, qofkii alle baadiyeeyana cid hanuunin karta ma jirto, waxaan maqraati ka ahay inuusan jirin rabi xaq lagu caabudo oon aheyn allaha waaxidka ah een lala wadaagin cibaadadiisa Waxaan maqraati ka ahay inuu muxamed s.c.w. yahay adoonkii alle iyo rasuulkiisii nabad galyo iyo naxariis dushiisa ha ahaato..
Run ahaantii ninkan wuxuu mudan yahay in laga qoro kutub badan, kutub ka hadleysa dadaalkiisii , dhinaca kalena xusuusinaysa muslimiinta halyeygan lama iloobaanka ah gaar ahaan casrigan ay muslimiin badan ka seexdeen diintooda
Erayada uu ku hadlay waa kuwo heer sare ah oo ay ubaahan tahay umaddu iney ka faa,ideysato
keeda yar iyo keeda weynba .
Wuxuu yiri : waxaan ku dhashay london
waxaana iska key dhalay aabe qubrisa iyo hooyo suweydi ah , xaaladaanada dhaqaaluhu caadi ayey iska aheyd, waxaan galay iskuul lagu barto mad-habka kaatooliga , markaas aqoon uma laheyn wax diin la yiraahdo xataa islaamka ,masiixiyadu ma qireyso inuu jiro rasuul alle oo nabi ciise ka danbeeya , waa sida nalagu baray iskuulada, sidaas darteed ma,aana baarin xaqiiqada arintan ku xusan diinta kiristaanka

waxaana iska key dhalay aabe qubrisa iyo hooyo suweydi ah , xaaladaanada dhaqaaluhu caadi ayey iska aheyd, waxaan galay iskuul lagu barto mad-habka kaatooliga , markaas aqoon uma laheyn wax diin la yiraahdo xataa islaamka ,masiixiyadu ma qireyso inuu jiro rasuul alle oo nabi ciise ka danbeeya , waa sida nalagu baray iskuulada, sidaas darteed ma,aana baarin xaqiiqada arintan ku xusan diinta kiristaanka
Waxbarashadeydu caadi bey aheyd, laakiin waxaan ahaa faahim, rabi subxaanahu watacaalaa wuxuu isiiyey mowhibo aan caadi aheyn , waxaan ahaa mid ku fiican heesaha iyo qoobkacayaarka da,adeyduna markaas waxey aheyd sagaal sano. Aadbaana u qancin jiray dadka idaawanaya, sidaasey tahay waxaan ahaa wiil xishoonaya oo jecel kalida, laakiin waxaan markasta ku dadaali jiray inaan fanaan noqdo. Sidaas owgeed ayaa waxaan awooda isugu geeyey sidaan wax u maabeyn lahaa ..
Markaan gaaray shan iyo toban jir waxaan bilaabay muustikada aabahay ayaa wuxuu arkay inaan jeclahay muustikada ,markaasuu iigaday kaban, labo sano kadibna waxaan ka sare maray fanaaniin badan kadibna waxaan bilaabay inaan alifo heesaha, markaan gaaray todobo iyo toban sano waxaan suuqa usoo saaray cajaladii iigu horeysay ee heesta aheyd oo magaceygu ku qoran yahay , cajelkaasi aad ayuu ufaafay dadkuna wey la dhaceen, kadibna caanbaan noqday oo waxaan helay lacag aan sidaan rabo ugu tunto , khamro, naago ilaa uu igu dhacay tiibijo aan la galay isbitaal .
Sariirta isbitaalka anigoo saaran ayaan waxaan bilaabay inaan nafteyda ka shaqeysiiyo, waxaan ku fikiray weynaanta illaahay iyo mucjisooyinka rabi, waxaan ogaaday inuu jirkeygu baaba,aayo, xayaatada aduunyaduna tahay imtixaan ay udanbeyso baaba,a iyo dhamaad... Mid kamida saaxiibadey ayaa dareemay murugta iga muuqata markaasuu ii hadiyeeyay kitaab magaciisa la yiraahdo al-dhariiqu ilaa al- majhuul oo macnihiisu yahay jidkii aan la ogeyn wuxuu ku danbeyn doono, kitaabkaasna wuxuu ahaa kutubta wax ka qortay qeybiyaadka iyo waxa maqan waana kitaabkii u horeeyey een ka aqriyo noocan
si kastaba ha noqotee kitaabku wuxuu ahaa mid aan ku indho kala qaaday xaga aakhiradeyda .
Intaa kadib waxaan gudo galay inaan wax ka aqriyo kutubta falsafada iyo diimaha, taasina waxey si tartiib tartiiba iiga bixisay mugdigii, waxaa siyaaday su,aalaheygii aan isweydiinaayey, taasina waxey ka go,neyd heesahaan qaadi jiray, waxaan bilaabay inaan qaado heeso ujeedo ku saleysan markaasey waxey noqdeen cajaladaheygii kuwo xaqiijiya ujeedo.Waxaan aqriyey buudiyada iyo diimo kale kumana qancin, markaan ka quustay diimaha kale ayaa waxaan damcay inaan sameysto diin cusub..
Waxaa faafay cajaladaheygii iyo habkaan ugudanaayey muusikada, dad badan oo ku nool mareykanka ayaa la yaabay sidaan usoo saaray heesaha, caanbaan noqday waxaana la iga duubay cajalado heer sare ah, saas oo ay tahay waxaan dareemaayey inuu iga maqan shey inaan baaro ay waajib tahay waxaan goostay ineyan iseejin caan noqoshadu iyo xoolaha waxaan baaraayey.
Waxaan bilaabay inaan si tartiiba uga fogaado fanka, walaalkay diifid ayaa usafray qudus si uu usoo siyaarto meelaha barakeysan, Masjidul-Aqsaa ayaa ka mid ahaa meelahuu soo siyaarto, markaasuu wuxuu soo ogaaday inuu masjidku ka badalan yahay kaniisadaha masiixiyada iyo meelaha ay yahuudu ku cibaadeysato.
Defid wuxuu bilaabay inuu dareemo amaan , mid muslimiinta kamida ayaa weydiiyey inuu islaam yahay iyo in kale markaasuu yiri masiixi baan ahay, muslimkii baa yiri ka bax masaajidka, bixinta masaajidka waxba ma yeelin jaceylkuu u qabay islaamka.
Markuu walaalkay ka soo noqday safarkii wuxuu iiga sheekeeyey wuxuu soo arkay iyo waxyaabihii yaabka galiyey ee uu ku arkay Masjidka Al-Aqsaa, wuxuuna ii hadiyeeyey labo musxaf mid carabi ah iyo mid ingiriis ku turjuman, waayo walaalkay wuxuu ogaa inaan baarayo xaqiiqada , sidaas owgeed hadiyadan waxey aheyd hadiyad nafteyda qaali ku ah .
Waxaan bilaabay inaan aqrinaayo Quraanka , waxaan dareemay inuu yahay kitaab aniga la ii qoray, mana dareemin raaxo ilaa aan ka dhameeyey markaasaan waxaan dareemay inay tahay diintii aan baaraayey, waxaan ka helay jawaabihii su,aalahaan qabay, kadibna waxaan aqriyey xayaatadii Nabi Muxamed s.c.w.
waxeyna ii saameysay si layaableh. kadibna waxaan joogay sanad iyo bar oon islaamka aqrinaayey, intaas muslimiinta ma dhex galin , waxaan damcay inaan kaligay aqriyo diintan anigoon cidna kaashanin, waxaa mahad ah inaan sidaas yeelay waayo hadaan dhex gali lahaa muslimiinta qaar waxaan baran lahaa khilaafaadka udhaxeeya iyo waxyaabo kale oo laga xumaaado..
Sanad iyo nus ka dib kuma fikirin waxaan aheyn inaan noqdo muslim, waxaana si dhaba u ogaaday inuu islaamku yahay diinteydii, waxaana rumeeyey qowlkii nabiga s.c.w. ( dadku dhamaan waxey dhalanayaan iyagoo islaama kadibna waxaa badalaya reerahooda)
Waxaan tukan jiray maalinkii labo jeer sidaan ka fahmay quraanka, waana intaana baranin sunada nabiga s.c.w. mid muslimiinta ka mida ayaa itusay masaajidka Rejentbaark ee kuyaala London ,halkaas ayaan aaday maalin jimce ah oo sanadku yahay 1977 kadibna imaamka ayaan la kulmay waana islaamay..
Waxaan joojiyey khamradii iyo sigaarkii kadib markuu ii sheegay mid muslimiinta ka mida inuu xaraam yahay sigaarku, waxaa kaloon ka go,ay naagihii, waxaa xoogoobay islaamnimadeydii, waxaan bilaabay cunidii hilibkii aan udhaafay taxdar owgiis, mudadaasna waxaan cuni jiray khudaarta .
Intaan bilaabay quraan aqrintiisa, waxaan bilaabay inaan tukado shanta salaadood maalin kasta oon bixiyo sakada xoolaheyga .
Su,aasha hada igu wareegeysa waa sideen yeelaa aqoontaan ka gaaray muusikada, sideense ugu adeegsadaa diinta islaamka? Waxaan joojiyey xafladihii muusikada lagu dheeli jiray iyo soosaaridii heesihii, ilaa aan arintan xal uga helaayo.Macaanka Quraanka iyo midhihiisa ayaa iga deeqay wax walba ..
Waxaan maqlay dad dhahaya muusikadu waa xaaraam iyo kuwo dhahaya waa xalaal , kuwa dhahaya waa xaaraam waxey lee yihiin muustikadu waxey qofka ku kaalisaa baadinimada, kuwa yiri waa xalaalna waxey dhaheen muustikadu waa xalaal hadii loo adeegsado khidmada islaamka , labadaas ra,yi midna ma goosanin oo waan joojiyey muusikadii intaan xal ka helaayo ..
Waxaan riyo ku arkay muusikada oo iga reebtay cibaadadii, waxaan kaloo arkay inay naarta iyo sheydaanku muusikada dadka ka soo gali karaan ..
Waxaan bilaabay barashada Af-Carabiga oo ah afkii quraanka kariimka iyo nabi muxamed s.c.w. Sanadku markuu ahaa 1979m. ayaa waxaan aaday mako si aan usoo cumreysto, markaan cumreystay een booqday meelaha dhaxal galka ah ee islaamku qiimeeyey , ayaa waxaan ku laabtay London, halkaasna waxaa dhacay meherkii gabadh muslimada oo aabeheed turki yahay hooyadeedna afgaanistaan tahay, meherka waxaa lagu qabtay masaajid dhexdiisa siday qabto shareecada islaamku , ilmaheyga ugu horeeya waxaan rajeynayaa bisha ramadaan .
Ilaahay subxaanahu watacaala aad ayuu iigu deeqay waxaana ogaaday hada liibaanta dhabta ah , waxaan raadin jiray naag wanaagsan , ujeedadeydu ma aheyn naag qurux badan, quruxduna ma ,aha aasaas , aasaas waxaa ah iimaanka iyo sharafta ..
Hiwaayadeeydu waxey aheyd markii hore qoritaan iyo kabantunka , hadana waxaan bartaa af carabiga si aan quraanka u dhadhamiyo macaankiisa iyo macnihiisa, hada waxaan qoraa kutub islaamka ka hadleysa anigoo uga faa,ideynaya diinteyda caan nimadeyda ..
Waxaan ictiqaadsanahay inay waajib inagu tahay inaan awooda saarno caruurta muslimiinta ee ku nool yurub si aan u tusno jidka toosan, waayo waxaa badan waxyaabaha khatarta ku ah ,waxaan u sameeyey caruurta cajalado ka hadlaya islaamka , waxaa kale oon sameeyey xalaqo daneysa quraanka iyo sidii islaamka loo faafin lahaa ..
Waxaan ictiqaadsanahay iney tahay salaadu kuwa ugu muihiimsan arkaanta islaamka , salaada oo la ilaaliyo waqtigeeda waa waxyaabaha qofka islaamka ku ilaaliya , sidaas darteed waan daa,imaa waxaana dareemayaa raaxo iyo xasilooni aan caadi aheyn salaad kasta markaan tukado .
Reer galbeedku jug baa gaartay markaan islaamay een joojiyey heesaheygii , waxey bilaabeen inay I weydiinayaan sideed isu badashay, qeybta warfaafintu wey aamustay,igamana soo daba hadlin sidey markii hore iidaba ordi jireen, islaamkeyga ma soo qaadin oo wey iska dhaga tireen, ma doonayaan iney nuurka islaamka u cadeeyaan reer galbeedka ,
Qudus waa dariiqii aan islaamka ku helay, waxaa la yaab la heyd inaan aaday qudus kadib markuu walaalkay ii hadiyeeyay quraanka kariimka , waxaa hormuud ii ahaa nin yahuuda jarmalka ah , waxaan la kulmay wax ka badalan wuxuu la kulmay waalaalkay, walaalkay wuxuu yiri islaam ma ihi laakiin anigu waxaan iri islaam baan ahay markaasaa aad la iisoo dhaweeyey, halkaas ayaan ku ooyay oon ku tukaday ..
Qudus waa wadnihii caalamka islaamka, hadii uu wadnahaasi jiran yahay caalamka islaamka oo dhan wuu jiran yahay , haduu wadnahaas caafimaad qabana caalamka islaamka oo dhan ayaa caafimaad heli
Hadaad magaceyga iweydiisay , waxaan ka qaatay suuradda yuusuf, waa suuradii sababta u aheyd inaan islaamo, markaan suuradan aqriyey waan ku ooyey.Hadaan reerkaanaga ka waramo , aabahay wuxuu dhintay 1978m, isagoo raali iga ah , islaamka wuu bartay nabigana s.c.w. wuu rumeeyey , walaalkay ilaa hada wuxuu wadaa aqrintii islaamka , waxaan aamin sanahay inuu gudaha islaamka u dhacay laakiin waxaa dhiman waqtigii, rabina ciduu doono ayuu hanuuniyaa ..
TUSAALOOYIN KU TUSAYAKU DHAQANKA ISLAAMKA YUUSUF ISLAAM ..
Yuusuf islaam sida cad waa shakhsi ay diintu dhab ka tahay, rabina wax loo amaanayo ma jiraan, markii la eego ficilkiisa iyo ku dhaqankiisa islaamka, yuusuf wuxuu ka hor maray dad badan oo ku nool dhulka islaamka , dadkaas in badan oo kamida waxaa dhacda ineysan ku dhaqmin axkaam aasaas u ah islaamka ,,
Hadanawaxaan soo gudbinayaa qaar kamida ku dhaqankii yuusuf islaam islaamka
YUUSUF ISLAAM:
Wuxuu faraha ka qaaday fanaanimadii uu ku caan baxay islaamka ka hor , kadib markuu shaki ka galay xaaraanimada heesaha, markuu ogaaday in dadka qaar lee yihiin waa xaaraam , qaar kalena dhaheen waa xalaal , ayaa wuxuu qaatay sida fiican ee diintiisa aan waxba yeeleynin ..markaasuu ka tagay.. eeg siduu uga fogaaday kadib markuu diintiisa u baqay , muslimiintana waxaa laga laayahay arintan iska dhaafe iska daaya xaaraanta rabi quraanka ku cadeeyey ama qaata waajib la is amray ...
Wuxuu qaatay sunadii nabiga xataa habka loo xirto dharka Markuu islaamay wuxuu iska daayey sigaarkii ..
Wuxuu ka go,ay saaxiibadiisii kadib markuu faa,ido ka waayey , ka baq uu ka baqay inuu islaamkiisu daciifo, wuxuuna sheegay inay aheyd tii ugu dareyd arintan..Wuxuu guursaday gabar islaam ah oo xijaabka si kaamila u qaadata .
wuxuu ku saahiday aduunka , wuxuuna doortay inuu xirto dhar caadi ah .kadib markuu ahaa xidig faraha lagu tilmaamo ayaa wuxuu noqday hal mar ah kaliya qof caadi ah , yuusuf wuxuu ka aruurin jiray taakulooyinka xarunta islaamka ee kutaala London, wuxuuna kormeere ka ahaa gudiga ku afuriya dadka bilaash bisha ramadaan ,,Yuusuf markuu islaamay wuxuu horay ka bilaabay dacwada islaamka ..waana inoo Imaan doontaa dadaalkiisii ku saabsanaa dacwada islaamka..
Dacwada iyo wanaaga oo la isu sheego iyo xumaanta oo la iska reebo waa arin laga rabo qof kasta oo muslim ah ,xataa haduu yahay qof gaabiya .. arintan waxaa inoo cadeeyey culimada islaamka , gaar ahaan samankan uu islaamku maraayo xaalad uusan hada ka hor soo marin, xal manoqoneyso ilaa qof kasta oo muslim ah uu ulaabto diintiisa xaqa ah , markaas ayey umadu gaari kartaa cisadeedii iyo kaalintii laga rabay inshaa allaahu ..

Author: Mohammad
Mohammad is the founder of STC Network which offers Web Services and Online Business Solutions to clients around the globe. Read More →
Related Posts:
Baro Shakhsiyaad Maqaalo
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
0 comments: