Download this Blogger Template by Clicking Here!

Ad 468 X 60

Tuesday, September 9, 2014

Widgets

Chris Jackson iyo Jidkii hanuunka



Chris jackson waa muwaadin maraykan madow ah waxa uu  magac ku lahaa kuna caanbaxay ciyaarta kubada cagta ( Basket Ball ) sida inta badan la arko dadka madow ee u dhashay dalka maraykanka waxay ka cawdaan cunsuriyad , midab takoor , yasid , haybsooc , isir nacayb iyo adoonsi dhammaana dhaqanadani waa kuwoo ku dhisan jahli iyo aqoondaro waana kuwoo abuuraaya nacayb bulshada dhexdeeda ah iyo insaaniyad darro, waa dhaqamo ka suurta gal ah bulshooyinka aan muslim ahayn sababtoo ah diinta islaamku waa la col dhaqamadan hayb sooca iyo isir nacaybka ah, waxayna ku dhisan tahay in bini aadamku sinnan yahay balse uu ku kala fiican yahay Alle ka cabsiga oo kaliya, diinta islaamku dadka kuma qiimayso jinsiyada , midabka iyo hantida iyo muuqaalka , diinta islaamku waa diinta midaysay bilaal oo xabashi ahaa, Suhayb oo roomaan ahaa iyo salmaan oo faarisi ahaa islamarkaana walaaltinimo la wadaajisay bulshada carbeed ee uu nebigu NNKH ka dhashay, waa diin ku caan ah cadaalad, sinnaan,xaq-soor , walaalayn, ilaalinta karaamada qofka muslimka ah, isxaq dhowrka iyo ilaalinta xuquuqda ay isku leeyihiin bini aadamku.



Chris Jackson intii aanu galin diinta islaamka ka hor waxaa uu dareensanaa in dadka madow ee maraykanka ahi inkastoo ay caan noqdaan ama aqoonsi ka helaan bulshada maraykanka dhexdeeda kuna badan yihiin fanka iyo ciyaaraha inaanay lahayn nidaam isku xidhan oo xuquuqdooda u dooda, una jihaysa sidii ay ugu noolaan lahaayeen nolol fiican, taasina ay sababtay inay noqdaan dadka ugu badan ee ka ganacsada ama isticmaala daroogooyinka, mukhaadaraadka iyo wax-tahriibinta, sidaa darteed Chris Jackson waxaa uu talo u arkaayay in dadka madow ee maraykanka ahi ay naftooda wanaajiyaan una halgamaan sidii ay nafahooda u karaamayn lahaayeen una gayn lahaayeen meel sare ka dibna bulshadooda ugu horseedi lahaayeen horumar una jihayn lahaayeen dhanka wanaagsan, sidoo kale waxaa uu ku taliyay in madaxda madowga ahi ay dadkooda rajo ku abuuraan, kuna dhiirigaliyaan shaqada, inay ku waaniyaan dhaqamada wanaagsan iyo akhlaaqda san, ka fogaanta daroogooyinka iyo anshax-xumada, si ay door wax-ku-ool ah ugu yeelan lahaayeen bulshada dhexdeeda, sababahaas ayaa Chris Jackson ku dhiirigaliyay in uu raadiyo diin ku hagta jidka toosan, si uu jawaabo sax ah ugu helo su’aalaha maskadiisa dawakhiyay ee ku saabsan sinnaanta iyo cadaalada ijtimaaciga ah.

Chris Jackson halkaas ayuu ka bilaabay baadigoobka diin xaq ah, waxaa uu cilmi baadhis ku sameeyey diimaha, waxaa cajabisay oo soo jiidatay diinta islaamku sida ay uga sheekaynayso sinnaanta, cadaalada, xorriyadda, iyo karaamada, waxaana uu gartay in wixii uu raadinaayay oo dhami ay diintan ku jiraan, waxa uu ku sii sameeyey cilmi baadhis dheeraad ah taasoo markii dambe keentay inuu ku qanco illaahayna qalbigiisa ku sharraxo iimaanka waxana uu si toos ah diinta islaamka u galay sanadkii 1991-kii magaciisiina waxa uu u beddelay Maxammuud Cra’uuf.

Maxammuud Cabdirauuf waxa uu la kulmay hanjabaado iyo cago-juglayn badan, bishii march 1996-kii ayuu midawga kubbadda kolayga ee qaranka maraykanku u diiday inuu ka qayb galo ciyaar muhiim ahayd kadib markii uu u kiciwaayay ama qaadi waayay heesta calanka maraykanka oo sida caadiga ah ciyaaraha lagu furfurto, taasina dood kulul ayay dhalisay, saxaafada ayaa qaada dhigtay warkiisa, dhacdadani waxay isaga u sii caddaysay halka ay kala taaganyihiin diinta islaamka iyo wadaniyada maraykan, waxa uu sii aqoonsaday in wali mareekanka uu ka jiro midab-kala-sooc iyo cunsuriyad aan ka yarayn tii galaafatay awowyaashii, intaa wixii kadambeeyey maxammuud macruuf garoonka dibaddiisa ayuu joogi jirey ama qolka labiska ayuu ku jiri jiray inta la qaadayo heesta calanka mareekanka, isagoo calanka mareekanka u arkaayay inuu yahay astaanta dulmiga iyo haybsooca.

Maxammuud C/rauuf dakhligiisa sanadlaha ah waxaa lagu qiyaasay 2.6 million dollar
(laba milyan iyo badh doolarka maraykanka ah), iyadoo sidaas ah ayuu yidhi :

“ Diintayda ayaa igala muhiimsan wax kasta, kalgacalka iyo jacaylka aan illaahay u hayo ayaa igala horreeya wax kasta ” ,

Maadaama oo uu heesta calanka qaadi waayayna waxa ciyaar kasta looga goosan jiray
( $31.707 , isagoo tan ka hadlaayana wuxa uu yidhi :
“ waajibka iga saaran dhanka Alle ayaa igla wayn igalana qiimo badan waajibka wadanka iyo wadaniyadda.

Maxammuud saaxibbaddii way ku kala qaybsameen aragtiyaha ay ka qabeen islaamnimadiisa, kuwo u garaabay iyo kuwoo kasoo horjeestayba, mi kamida ah saaxiibbadiisii ay isku kooxda u ciyaari jireen ayaa yidhi: “ dadku waxya leeyihiin caqiidooyin kala duwan mid kastana waa in tiisa loo ixtiraamaa” , saaxiib kale ayaa yidhi :
“ haddaynu kiristaanka nahay waa in aynu diinteena daacad u noqonaa sida maxammuud diintiisa daacad ugu yahay ”,
 Sidaas ayuu maxammuud ku maray jidkii hanuunka illaahayna ugu fududeeyey waddada xaqa iyo toobiyaha toosan islamarkaana uu ku helay xorriyadii iyo sinaantii uu raadinaayay

LA SOCO SHAKHSIYAAD KALE OO CAAN AH OO DUNIDA REER GALBEEDKA KA SOO JEEDA OO SOO ISLAAMEY

Xigasho qisadan - Buuga Jidkii Hanuunka oo uu qoray Axmed Daahir Cabdilaahi ( Axmed Cade)

SHARE THIS POST   

  • Facebook
  • Twitter
  • Myspace
  • Google Buzz
  • Reddit
  • Stumnleupon
  • Delicious
  • Digg
  • Technorati
Author: Mohammad
Mohammad is the founder of STC Network which offers Web Services and Online Business Solutions to clients around the globe. Read More →

7 comments:

  1. Mashs Allah wallahi qisadani waa qiso u baahan in si wanaagsan loo akhristo

    ReplyDelete
  2. Asc walaalle waa mahadsanntihiiiin
    Waxaan u baaahanahay inaad noo soo kordhisaan qisoonyinkan oo kale fadlan

    ReplyDelete
  3. Islaamku waa u xal dhibaatada iyo jahwareerka maanta aduunka yaala

    ReplyDelete
  4. Diinta islaamku iyadaa ah diinta xaqa ah waana ay guulaysanaysaa hada waa diinta ugu faafitaanka axamdulillah

    ReplyDelete
  5. Ninkan ciyaaryahanka ah maggaciisii wuu bedelay wuxui la baxay maxammuud cabdirauuf masha allah illaahoow anagana xaqa nagu sug

    ReplyDelete
  6. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete
  7. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete