Friday, September 12, 2014
Dr Robert Dickson Crane iyo Jidkii Hanuunka

Dr Robert Dickson Crane waxa uu ku dhashay magaalada cambridge ee gobolka massachusetts 26-kii march 1929, waxaa uu la taliye u ahaa madaxweynihii maraykanka ee la odhan jiray Richard Nixon, sidoo kale waxa uu maareeye ku xigeen dhanka qorshaynta ah ka ahaa golaha amniga qaranka ee maraykanka ( Former Deputy Director “ For Planning “ of the united states national security council )
Dr Robert waxa uu ka mid ahaa siyaasiyiinta waawayn ee maraykanka, waxa uu xeel dheere caan ah ku ahaa dhinacyada sharciga, iyo siyaasadda iyo xidhiidhada caalamiga ah ; waxa uu ahaa aasaasihii xarunta horumarinta iyo cusboonaysiinta ilbaxnimada maraykanka , waxa uu in ka badan 10 Buug iyo 50 maqaal ka qoray isbarbardhigga nidaamyada sharciga, istaraatiijiyadda caalamiga ah iyo maamulka xogaha.
1945-kii oo da’diisu ahayd 16 jir ayuu Dr Robert Dickson Crane galay jaamacadda hardvard university si uu uga barto luuqadda ruushka, tallaabadana waxa ay noqotay tii koowaad ee uu u qaado dhanka barashada saxaafada oo uu jeclaa, guud ahaana waxa uu yaqaaney ( Lix Luuqadood ).
1948-kii waxa uu noqday ninkii koowaad ee maraykan ah ee loo ogolaado inuu wax ka dhigo jaamacadaha jarmalkii la qabsaday ( Occupied Germany ), waxa uu maadada Sociology of Religion ka dhigay jaamacadda munikh (University Of Munikh ).
Dr Robert waxa uu ahaa nin aad uga soo horjeeday mabda’a shuuciyadda ( Anti-Communist ), taasina waxay keeentay in lagu xidho mid ka mid ah jeelashii ruushka ( Joseph Stalin’s Gulag Archipelago ).
![]() |
Dr Robert Dickson Crane oo ka khudbanaynaaya shir lagu casuumay |
Dr Robert markii uu dib ugu soo laabtay maraykanka waxa uu shahaadada B.A ka diyaariyay Northwestern
o 1963-kii ilaa 1968-kii waxa uu ahaa la taliyaha ugu weyn ee madaxweyne Nickson dhanka siyaasadda arimaha dibaddaa.
o 1969-kii waxa uu madaxweyne nickson u magaacabay maamule ku xigeenka golaha amniga ummadda ee aqalka cad .
o 198`-kii waxa loo magacaabay danjiraha ( Safiirka ) dawladda maraykanka u fadhiya dalka Imaaraatka Carabta.
Intii uu ahaa maamule ku xigeenka golaha amniga umada ee aqalka cad waxaa loo xilsaaray inuu soo koobo warbixino ay soo uruuriyeen sirdoonka maraykan oo ku saabsanayd asal raacnimada muslimiinta iyo arrimaha islaamka guud ahaan, inskastoo warbixinnadan ( Report ) ay soo diyaarisay wakaaladda sirdoonka ee maraykanku haddana raad wayn ayay kaga tagtay Dr Robert markii uu akhriyey ee uu soo koobaayay.
1980-kii waxa uu ka qayb galay shirar iyo dood-cilmiyeedyo ku saabsanaa arrimaha islaamka, doodahaas waxaa uu la wadaagay qaar ka mid ah hogaamiyeyaasha fikirka islaamiga ah, intaa waxaa dheerayd, Diktoorku waxa uu maalin maalmaha ka mid ah dhagaystay Sheekh muslim ah oo ka khudbadaynaaya kana hadlaaya islaamka iyo fahankiisa , maalintaas waxa uu arkay sheekhii oo tukanaaya isla markaana waxa uu aad ula yaabay sujuuddiisa iyo rukuucdiisa isaga oo u haystay yasid iyo is-dullayn ku saalaysan hoos u dhigidda meeqaamka qofka bini ‘aadamka ah, sidoo kale waxa uu magaalada dimishiqi ee carriga suuriya kula kulmay Dr.Rooji Gaaruudi.
Ugu dambaynna , soo koobiddii warbixintii sirdoonka ee loo igmaday , dood – cilmiyeedyadii uu galay , khudbadii sheekha ee uu dhagaystay iyo kulankii uu la yeeshay Dr. Rooji Gaaruudi waxa ay keentay in uu Dr Robert ku qanco diinta islaamka islamarkaasna qalbigiisu u balaadho nuurka iimaanka, halkaas ayuu diktoorku kaga soo dhacay jidhkii hanuunka kolkii ay taariikhdu maraysay 1980-kii, magaciisiina waxa uu u bedelay Dr. Faaruuq Cabdul Xaq.
Diktoorku mar lagu soo macsuumay shirweynihii 24aad ee ururka islaamka ee maraykanka waqooyi oo socday intii u dhaxaysay 29/8/1986 ilaa 1/9/1986 waxa uu yidhi :

“ Way adagtahay in reer galbeedka la fahnsiiyo xaqiiqada islaamka sababtoo ah muslimiinta ku nool wadamada reer galbeedku kuma dhaqmaan si fiicana uma dabbaqaan dhaqamada islaamka ”
sidaa darteed waxa uu tilmaamay in reer galbeedku aanay fahan sax ah ka haysan islaamka iyo muslimiinta midna, muslimiinta ku noolna kama arkaan dhaqamadii islaamka ee wanaagsanaa badankooda.
Qaar ka mid ah buugaagta uu qoray Dr Robert :
Qaar ka mid ah buugaagta uu qoray Dr Robert :
v Détente Cold War Strategies in Transition, Dulles and Crane, CSIS, Praeger, 1965
v Planning the future of Saudi Arabia : A Model for Achieving National Priorities, Praeger, 1978
v Shaping the future: Challenge and Response, Tapestry 1997
v Meta-law : An islamic Policy Paradigm, 49 Pages
v The Grand Strategyof Justice, 83 Pages
v Kosovo and Chechnya: Products of the Past, Harbingers of the future, 32 Pages
v The Role Of Religion in America, 24 Pages
v The Muslim Challenge in America and The World, 35 Pages
Qalbi Somali Waxay ka soo xigteen maqaalkan
Qalbi Somali Waxay ka soo xigteen maqaalkan
buuga Caan baxay ee jidkii hanuunka oo uu qorey Aadan Cade

Author: Mohammad
Mohammad is the founder of STC Network which offers Web Services and Online Business Solutions to clients around the globe. Read More →
Related Posts:
Afrika America Aqoon Guud Asia Baro Shakhsiyaad Dhalinyarada Islaamka Maqaalo Yurub
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com
ReplyDelete