Download this Blogger Template by Clicking Here!

Ad 468 X 60

Tuesday, September 9, 2014

Widgets

Furayasha guusha

Furayasha guusha:

Guushu wa wax qofba si u fasirto ( tarjunto),
wa shey uu qof walbaa hindiso inu gaadho wa afartan eray ‘’g u u l’’.

Waxan oran karaa qaar badan o dadka kamida hadi la waydiyo guul waxa ay u yaqaniin waxay ku fasiri
 lahayeen araa iyo ereyo kala duwan o midba sida u rabo ku saleeyo.
Waxan dhambaaladan ku faaqidi doonaa baahiyaha loogu jecelyahay aragti ahaan tayda e bulshadu u bahantahay inay waxka barato sida,guusha qoyska,shaqsiga ama dawladi yeelan karto.
Guul macnaheedu maha in qof kasta anu gadhi Karin lkn wa shay u kasban karo hadi uu la yimaado dhawr kan qodob;
 
1.       Samir badnaan: samirku wa shayga kaliya ee hoga tusaleya qofka inu gaadhi karo guul wakhti aan fogan hadi u layimaado asbaabaha samirka, wa secret( sir) u ilahay qurankisa inoogu sheegay o la taxaluqda guusha u qof kastaba tamaniyayo.
Samirka waxa lagu baraa nafta degenaansho iyo karti badnaan ay culays ku xamisho.

2.        Daacadnimo:  qodabkani wa lagama maarmaan in lahelo hadi aad doonaysid guul inaad ka gaadho noloshaada , wa wax dad badani ku hungoobeen, buuxina wayeen.
Wa astaan lagu qiimeyn karo in aad guulaysanayso noloshada o aad arki doonti shay ad maskaxda ku haysay o kugu waynaa inu gondahaaga( hoostaada) yimaado.

3.       Dhiiranaan: arinkani was hey u baahan fejignaan iyo habeeno badan inaad ka fekerto, wa xaqiiqa in qof walbaaba naftisa la jecelyahay wax wanaagsan, lkn waxa hal adayg lagu kala duwanyahay noqda dhiiranaanta marka guul qofku radinayo, waayo wa muhiim inaad maqasha durbaanka ka dhex baxaya sanqadhiisa rumaysana riyopyinka joogtada ah eek u xidhiidhsan wayahaaga nololeed, wa shey u bahan degenaansho dherada iyo talooyin ama xogo kala duwan o aad ku jaan goyso maxa yelay wuxu khatar gelin karaa noloshada bini aadamtinimo si aad guul u hiigsato mararka qaar.


4.        Alle ka cabsi:  alle ka cabsigu wa hidaayo iyo hanoon alle swt uu siiyo adoomihiisa u jecelyahay, wa akhlaaqiyaad wanaagsan o eebe weyne ugu deeqo shakhsiga uu jidak toosan kusugayo, wa policy uu aadamuhu kukala dheereeyo kuna kala gaadho sumcad badni iyo jecayl badan.
Afartaa  qodob waxay qofka u soorto gelin karaan inuu noqdo qofku qof gaadha ama rumeeya hiyi ama aragti fog oo noloshiisa leyahay.
Wakhti aan sida usii durug sanayn ayay ahayd marki an dareemay inaan wax badan o noloshayda ah o an in badan ku riyoonayay gaadhay secret-ka iyo furahaan isticmalayeyna waxay ahaayen qodobadaas kor kuxusan.
Waxaan idin so gudbin doonaa maqaalo xanbaarsan dhacdooyin dhab ah o ashkaas(dad) kala duwacan lasoo gudboonaday wakhtiyadi ay ku guda jireen socdaalkoodi halganka guusha ay ku baadi donayeen,  iyo examples ( tusalooyin) wax ku oola o isugu jira guulo badan o heer marxaladeedka nololeed qofkasta mari karo anoo ku jaangoyn doona sirta iyo xikmada  aan ka faa’idaystay taaso in badan o idinka mid ah ay wax ka tari karto guulaha ay raadinayaan inay u adeegsadan.
Maah maah eglish ah ba waxay tahay’’ success is not once shock’’ o macneheedu yahay guushu maaha wax hal mar soo booda am lagu naxo’’


1.1 Gam’I wayay hurdada o guul baan rabaa!!!


Marka aan I maado gogoshayda ayaan galgashaa si aan isugu dayo inaan seexdo laakin mararka qaar galgaladku wuxu isu bedelaa feker, waxa xaqiiqa ah in ilaahay inagaga duway makhluuqaadkisa kale caqliga fekeraya e ah mashiinka kala cabiraya baahida aad tebayso shakhsi ahaantaada, kala soocida waxa xun iyo waxa wanaagsan.
Mudo fekerkaasi wuxu ku dhex dabaalsinayaa inaad riyooyin macmacaan ku dajiso quluubtada waayo waxaad u aragtaa inaad heshay waxa aad ka fekerayso, ilbidhiqsiyo ayaad kulabanay inaad isku daydo inaad sexato laakin qalbigaaga furan awgii ayaanay suurto gal u ahayn inaad gama’do.
Bal aan uso qaato example mid kamida saaxiibadi rafiiqa aanu soo wada ahayn e aan waxbarashada ku kulanay inti aan jamacada dhiganayey.
Wuxu ahaa shaqsi bashaash ah,karti badan,damac leh, xeeldhere ah,ku tilmaaman xariifnimo,dhoola cadayn badan, kal furan,jecel hadana mararka qaar hogaamiye, jecel inu raadeyn ku yeesho bulshada ku astaysan raganimo badan.





Maalin malmaha kamida ayaanu kaftanay waxaan waydiiyey bal hadi ilaahay cimrigiisa dhereyo inuu isku dayi doono ‘’guur’’?
Wuxu ku bilaabay sidan: sxb tawxiidow  waxan jeclahay gabadh anan garanay meelay ku nooshahay,! waxan dabadeed laso booday o taasi majinbaa ? hadalki isaga oo si wata ayuu yiri sxb waxaan in badan ku fekeraa qoftaas anan garanyn meelay ku noshahay iyo cida ay tahay, waxaan saiwrtaa anigoo la wadaagaya dareenkayga,farxadayda,murugadayda,iyo marxaladaha kala duwan ee dareenka adamuhu leyahay, waxaan sawir gaaban ka siin doona qoftaas, waxan gala qayb kamida wadnahayga halkasan o ku caana inay ku tusto qofka dhabta ah ee aad tahay, sxb hada ha igu qoslin o ha idacayadayn markaynu halkeeni tagno= aniga iri sxb taas wa balan, isaga sii watay shekadii, sxb waxaan jeclahay inaan noqdo tusaale dadku soo xigtaan o marti uga noqdaan dhinaca nolosha iyo wayaheeda, waxaan ku riyoodaa anoo hadana soo jeeda anigoo barkinta lawadaagay dheeman taa ku dhex nool naftayda, waxaan sawirtaa dhaqanka aan jeclahay inaan kula noolaado familkayga, anigoo ku casuma naftayda inay yeesho amarkayga, wa hubaal o qof walbaaba wuxu jecel yahay wax wanaagsan sidaa si lamida anigu waxaan ka mid ahay dadka aadka u jecel wanaaga aduunka iyo akhiraba, waxaaan ku dhex gaynayaa sxb tawxiidoow gurigayga ee kuso dhawaw, martina ha iska dhigin, dabadeed waan qoslay kkkkk amintan aan qoraalka idinku soo gudbinayana wan qoslay waxan ku iri sxb wa dhantahay ee dumashiday iskaya bar,lolz lamaba hayo qoftaas an dumashida ka dhigtay.
Isagoo hadalki si wata ayuu yiri, habeenki dabeecada aan jeclahay inaan la wadaago qoyskayga waa sida tan: waxan jeclahay inay dheeman iga hortimaado o isoo dhawayso marka ay jaaniska leedahay ama hawl kumaqnayn, I caawiso o alaabta aan gamcaha kusido iga kala qabato inasoo hogaamiso fadhiga gurigayga si aan cabaar taraaga an soo galay uga nasto, igula fadhisato kursiga iyadoo sharabaadada iga bixinaysa,ina wada hadalka ay jeceshahay inay isheegto araar ahaan kaftan yar dhextaal kadhigaysa, waxaan hawaysta  inaan ku jiifsado dhabteda ogooow sxb marti nalama joogto o anagaa isu marti ah, waxaan cameradayda kadhex dawadaa vedio-clip ku tusaya iyadoo dheeman isoo sida cabitaan fudud si an u xiiq tirto, waxaan si dhex mushaaxayaa dhaqanka aan jeclahay inaan kunolaado sxb e ha iga caajisin, waxaan jeclahay inaan wada cashayno xaskayga dheeman, wada kaftano,ciyaaro,wax wada dhigano o kala faa’idaysano mudada yare e anu jaaniska isu hayno,wadaagno na riyooyinkayaga kala duwan,wax wada qorshaysta si daacadnimo leh,jecel horumar balaadhan inaan ka gaadhno nolshayada maalmaha ka hadhay,waxan cabirtaa sxb amigo dheman la jooga hurdadayada o ay ku jiifto laabtayda kana shekaynayso waaya aragnimadeedi inti ay kaliga ahayd nolosheeda o ay ku qaada dhigayso dhacdooyin badan o layaab leh,ay barbar socoto wakhtiga o sii madoobanaya jeleska saacaduna kolba jalaw leyahay o saacadi dhamaanayso,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,, lasoco  qaybaha danbe iyo noloshi macaneyd ee uu iga dhigay sheekada dhaxalka ah sxbkay mr bor o u dhashay wadanka south sudan iyo wacdarihii dhamaadka shekadiisa  !!!!!!!
Lasaco qaybaha danbe……………………….
W/Q:  pro: Jama Mohamed Aden ( jama tawxiid).



SHARE THIS POST   

  • Facebook
  • Twitter
  • Myspace
  • Google Buzz
  • Reddit
  • Stumnleupon
  • Delicious
  • Digg
  • Technorati
Author: Mohammad
Mohammad is the founder of STC Network which offers Web Services and Online Business Solutions to clients around the globe. Read More →

1 comment:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete