Download this Blogger Template by Clicking Here!

Ad 468 X 60

Tuesday, September 9, 2014

Widgets

Qiso - Dhexmartay cumar bin khadaab iyo Qoys iska dhibanaa

Qiso Cajiib ah oo dhex martay Cumar Binu Khadaab iyo Qoys iska dhibanaa

Habeen habeenada ka mid ah ayaa waxaa dhacday inuu Amiirkii Muslimiita ee wakhtigaas, Cumar Ibn
Khattab (ilaahay ha ka raali noqdee) oo dhex qaadayay xaafadaha Madinal Munawarrah si uu ogaado dareenka iyo dhibtaada dadkiisa. Kadib wuxuu maqlay oohin, markaas ayuu ku leexday gurigii ay kasoo baxaysay oohinta. Markaas ayuu arkay haweenay iyo caruurteeda oo oynaya, iyo digsi dabka saran. Kadib ayuu haweenaydii waydiiyay waxa keenay oohinta caruurta. Gaajo inay hayso ayay u sheegtay Amiirka. Hadaba digsiga maxaa saaran ayuu waydiiyay. Biyo caruurta lagu sasabo ayaa saaran ayay ugu jawaabtay. Maysan garan inuu ninka la hadlayo yahay Cumar.

Kadib ayay bilowday inay eed dusha uga tuurto Cumar ayada oo ku eedaysay inuu iska indhatiray dhibka haysta iyada iyo caruurteeda. Cumar oonan wali isu sheegin ayaa markaa waydiiyay waxa uu u qaban karo asaga oo markaas ilin badan ka qubanayso. Haweenaydii ayaa u sheegtay inay waajib tahay inuu ogaado dareenka ummadiisa maadaamo uu yahay Amiirkooda.

Cumar (rc) oo u la socdo gacan yarihiisii Aslam ayaa markaas soo aaday dhanka magaalada ilaa uu gaaray Baytul Maalkii. Markaas ayuu bilaabay inuu soo raro cunto kala duwan, saliid, bariis, subag iyo xogaa lacag ah. Markuu jawaankii buuxiyay ayuu ka codsaday Aslam inuu dhabarka u saaro. Aslam ayaa diiday asaga oo ka xishooday inuu Amiirka Muslimiinta jawaan buuxo dhabarka u saaro. Cumar ayaa ku adkaystay, kuna yiri Aslam:

“Ma adiga ayaa Maalinta Qiyaamaha culayska iga qaadi doona. Waa inaan aniga xanbaaro jawaankan maadaama Maalinta Qiyaamo aniga la I waydiin doono.”

Aslam ayaa markaas Cumar (rc) u saaray dhabarka iyaga oo bilaabay inay aadaan dhankii guriga haweenaydii baahnayd. Markii ay tageen gurigii ayuu Cumar (rc) digsi ka buuxiyay raashin, ilaa uu ka bislaado, hadana u soo riday caruurtii, iyaga oo ka dhargay isla markiina bilaabay cayaar. Haweenaydii oo aad u faraxsan ayaa Cumar (rc) ku tiri: “wallee adaaba ka fiican Amiirka Muslimiinta, Cumar.” Cumar (rc) oonan wali isu sheegin ayaa ku jawaabay: “Hadaad aniga iga soo war doonto, waad arki doontaa Amiirka Muslimiinta insha’Allah.”

Kadib ayuu iska fariistay isaga oo fiirsanaya caruurtii oo cayaar gashay. Intuu Aslam jaleecay ayuu yiri:
“Ma ogatahy waxa igu keenay inaan halkan fariisto? Hadaayey caruurtaan way ooyaysay, iminkana way qoslayaan oo cayaar ayay ku jiraan. Inaan iska fiirsado faraxooda ayaan jeclaystay.”
Xigasho: Sheekoyinkii Saxabaada: Sheekh Muxammad Zakariya Kandhalvi
Hadaba dadweynow sida aan ka war-heynow umadda Soomaaliyadeed maanta waxay
ku rafaadsan yihiin meelo badan oo ka tirsan dalkeyna Soomaaliya. ha’ugu badnaadaan
Ceelasha biyaha.Galgalato iyo km 13.
 Aaway dadkaas madaxdowdii? meeyey wasiiradoodii? miyaanan maalin Khiyaamaha ah wax la’iga weydiin doonin?

fikirkaaga inoogu soo dir
wardhigley114@hotmail.com
Xasan Cabdi Xersi (Xasan Cadde)
Email: adde053@hotmail.com
Kuala Lumpur Malaysia….

SHARE THIS POST   

  • Facebook
  • Twitter
  • Myspace
  • Google Buzz
  • Reddit
  • Stumnleupon
  • Delicious
  • Digg
  • Technorati
Author: Mohammad
Mohammad is the founder of STC Network which offers Web Services and Online Business Solutions to clients around the globe. Read More →

1 comment:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete