Monday, June 9, 2014
WALINIMADA GOORMAA LABIXIYAA?
Asalamu aleykum,
oo caqli leh yahay. Waa inuu xor yahay uusan adoon aheyn. Waa inuu taqi yahay oo maslaxada aduun iyo tan aakhiro yaqaan. Faasiq hadduu kuu yeero inaad ka yeesho waajib ku guma ahan.
Waxaa la doonayaa ninka inuu haweenta uga tago maxalkii loogu talagalay in looga tago.
WAA WALAALKAA AAD KU WALAALOWDEEN "ISLAAMKA"
Talo iyo tusaale kusoo hagaaji:
Cusmaan Bilaad | osmanbilad@hotmail.com
Walinimada waxaa la bixinayaa waqtiga meherka dhaco agteeda ama marka gabarta guriga lageynaayo. Dadka waxaa u banaan marka gabarta lamehrinaayo, marka laguri geynaayo, ama caawo kale in laguri geeyo oo barito lacuno. Intaas oo idilba way banaantahay, ee waqti gaar oo loo cadiday malahan.
WALIIMATUL CURFIGA MA WAAJIBAA?
Waliimatul Curfiga qofkii looga yeero inuu ajiibo waajibey ku tahay. Waayo Rasuulka xadiis saxiixa ayuu saas ku leeyahay.
Marka waliiyada in la’ajiiba ay waajib tahay Caasim Ibnu Cajab kitaabka dhabxiga la yiraahdo sharuud ayuu ku qoray, shuruudahaas markii lahelo ayey waajib tahay, waa kuwaan soo socda:
2) Waa inaad u yeerin lacagleyda ama odayaasha kaliya, ee masaakiintana waa in loo yeeraa iyo fuqarada. Waa shardiga labaad ee ladoonayo haddaan lasameyna waxba hagaageyn.
3) Waxaa ladoonayaa in loogu talagalo muslimiinta in lagu soodhaweeyo, oo marka meesha la jooga wax munkar lagu sameyneyn iyo wax diinta qilaafsan.
4) Waa iska dhaafi kartaa haddaa jirantahay.
Marka walaalayaal wadadaas u mara guurka oo masawiro yaana la keenin, guryahay katiifado yaana lagu dhajinin, aratir lagu ciyaaro yaana lasameynin, dumarka caariyaadkaa yaana loo yeerin Alle ka baqa oo xaqa ilaaliya macaasida kataga, sidaasey liibaanta adduun iyo tan aakhiro ku jirtaaye.
GOORMAY GABARTU NINKA QABA NAFAQO KU YEELANAYSAA?
Gabartu ninka qaba nafaqo waxay ku yeelanaysaa markii dhowr shardi lahelo:
1) Waa in oo nikaax saxiix ah ku qabo gabarta.
2) Waa inay nafsadeeda u fasaxdo, oo ay tiraahdo "jirkayga waan kuu ogolahay".
3) Gabarta in lagu intifaaci karo waa in ay suuro gal tahay, oo hadduu ninkeeda meel iiraac yiraahod aysan ka diidin. Dadka lagu intifaaci karana waa inay ka mid tahay, laakiin hadduu maxalkii go’an yahay, ama aysan udul qaadan karin in lagu intifaaco, ama mashaakil kale uu jiro, taasi mawduuc gaara waaye marka nafaqo mayeelanayso.
Nafaqadu waxay gabartu ku yeelanaysaa marka shuruudahaas lahelo.
WAXYAALAHA LASAMEYNAAYO WAQTIGA JAMEECA
Waxaa ladoonayaa arimahaan soo socda:
1) Waxaa ladoonayaa marka jameec la’iskugu tagaayo in magaca Ilaahey laxuso, oo la aqriyo ducadii soo aroortey saa shaydaanku uga faa’idaysan.
Rasuulka SCW wuxuu yiri: "Haddii uu midkiin doono inuu utago xaaskiisa uu dhaho: {Magaca Alle ayaa qabsanayaa, Alloow naga fagee shaydaan (inaga iyo islaantayda) shaydaana kafagee wixii aad nasiiso oo ilma ah (hadduu sidaa yiraahdo) haddii Alle uu qadaro dhexdooda caruur arinkaa isagaa ay habeenkaas sameynaayaan shaydaan wax mayeelaayo (ilmahaas) waligii."
2) Waxaa la doonayaa inta jameecu socdo inaan meeshaa lagu sheekaysan sida wanaagsan. Waxayna culumdu sheegeen inuu xaaraan yahay arinkaasi. Waxaa kaloo ladoonayaa nusuusta in la’ilaaliyo, waayo hadalkaas wuxuu ka mid yahay hadalada maalaayacnigaa in meelahaas lagu sheekaysto.
WAA WALAALKAA AAD KU WALAALOWDEEN "ISLAAMKA"
Talo iyo tusaale kusoo hagaaji:
Cusmaan Bilaad | osmanbilad@hotmail.com

Author: Mohammad
Mohammad is the founder of STC Network which offers Web Services and Online Business Solutions to clients around the globe. Read More →
Related Posts:
Qoyska
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
0 comments: