Download this Blogger Template by Clicking Here!

Ad 468 X 60

Monday, June 9, 2014

Widgets

XUQUUQDA AY ZOWJADA AY KU LEEDAHAY ZOWJKA

Asalamu aleykum,   

Xuquuqda ay zowjada ku leedahay zowjkeeda qaar waxa layiraahdaa "Waa maali" oo xaga xoolahay ay ku saabsanyihiin, qaarna waxaa layiraahdaa "Waa waxaan maal iyo maado ku saabsaneyn" oo nooc kale ah.

Marka haddaan soo qaadano mida maalka xagiisa. Xaga maalka waxaa ninka laga rabaa meher, nafaqa, iyo wax layiraahdo jihad. Jihaadka waxaa loola jeedaa alaabta lagu jiifsado ama wax lagu cuno. Ninka ayaa masuul ka ah waxyaalahaas waa inuu soo diyaariyaa. Raga waxaa laga rabaa inay waliba xooqa saaran in ale intay karaan kasoo baxaan, waayo Allaah SW wuxuu ku yiri markuu ka hadlayey meherka: "Dumarka meherkooda siiya siin".

Siiya dumarka meherkooda siismo sharci ah hana ka xishoodsiinina. Ha war wereejina meherka dumarka. Hala iskadaayo waxay gobalada soomaaliya gaarkood looga dhaqmo, maxay dhihi jireen markay inantu meher sheegato "sheek igula xir bal ha igaqaadee anigee". Yacni waa hal marlee igu meheri, bal wax ha iga heshee. Maba lasiinayaba, maba yaqaaniin raga soomaaliyeed siday u badanyihiin dumarka meher siiyaan. Ninka waxaa laga doonayaa gabarta inuu meherka u salimo waa xoolo ay iska leedahay, maalinta laguu caqimo waa inaa u salimtaa ama markaa la aqal tagtid. Ayadaa iska leh hasadaqaysato, haku siiso, meel hadhigato, waxay rabto haku samayso.
Nimanka dumarka meherka ka haysta ayagoo toban toban caruur u dhaleen oo awood u heli karay inay siiyaan, ha ogaadeen inay qaa"imiino tahay, hala socdeen arinkaas maxaa yeelay way qiyaameen, oo xoolohoodii bay ka haystaan.

Alle muxuu yiri: "Hadday idin siiyaan naftooda oo ku raali ah (meherkooda) cuna isagoo mid fiican oo naftiina ku faraxsan tahay ah."

Gabarta ayadoo raali kaaga ah hadday ku siiso meherkeedii, ma aadan canaadin, marka haka xishoodsiin. Haddaa tiraahdid: "Oo hada anagoo wax naga dhexeeyaan ma waxaas qaadanaysaa, mise maanta wax iga doonaysaa." Ogow marka haddaa ka xishoodsiiso daalim ayaa tahay, maxaa yeelay qofkaan miskiin weeyaan, waa inaa ku qasabtaa oo qaado tiraahdaa, oo in niyad wanaag ku siisay aad tustaa.

Mida kale dumarka Soomaalida waxay yaqaaniin marka meherka lasiinayo mar la furaayo inay tahay, inay arintu saas ahayn waa inaa tustaa, oo aad wanaag, iyo maxabo, iyo walaalnimo u siinayso, iyo xaq ay kugu leedahay inuu yahay.

Meherkana sharcigu ma xadidin. Xuduud looma samaynin, laakiin axaadiis saxiixa ayaa ku soo aroortay: "Dumarka mida ugu kheyrka badan inay tahay mida ugu doonis sahlan, uguna sahlan xaga meherka iyo waxyaabaha ku baxaaya." Xadiiskaa saxiixul jaamic ayuu ku sugan yahay. Yacni inay ugu fiicantahay mida ugu meher yar. Waayo Alle quraanka wuxuu ku yiri: "Haddaa haween inaa mid kale ku badalatid doonaysaan, oo aad xoolo horay u siisay waxba haka qadanina,"
Dumarka meherkooda u ogolaada, oo waliba ninka muslimkaa waa inuu horay ugu salimaa. Ragu waa qawaamiin, waxaana laga doonayaa inay bixiyaan xoolaha dumarku ku leeyihiin.

WAA WALAALKAA AAD KU WALAALOWDEEN "ISLAAMKA" 

SHARE THIS POST   

  • Facebook
  • Twitter
  • Myspace
  • Google Buzz
  • Reddit
  • Stumnleupon
  • Delicious
  • Digg
  • Technorati
Author: Mohammad
Mohammad is the founder of STC Network which offers Web Services and Online Business Solutions to clients around the globe. Read More →

0 comments: