Download this Blogger Template by Clicking Here!

Ad 468 X 60

Wednesday, July 30, 2014

Widgets

Masiibada maandooriyaha qaadka (Q10aad)

WQ:Maxamed M. Cabdi(Haykal)
maxamed@khadijahome.com


Maan-dooriyaha Qaadka Macalinka Faqriga, Jahliga iyo dib-u dhaca.
Masiibada Maan-dooriyuhu waa midda koowaad ee dib u sii jiidaysa Nolol-maalmeedka Bulshadeena,midhaha ka dhashayna waa miyir-la’aanta, magac-xumada iyo mashqooyinka aan ka dhammaan wadankeena iyo dadkeena.
Maan-dooriye,Maal-dumiye,Mushkilad-keene Allaah-ha- naga kaa qabto.
Masiibadan in la yaraysto oo laga dhigo mid aan sidaas u buurnayn ayaa sabab u ah in ay noqotay midda ugu horeysa ee wax kharibta. Ilamana aha in ay jirto wax ka xun waxa uu Qaadku xumaan u leeyahay nolosha Bani aadamka,waa cudurka ugu xun cudurrada wax halaaga haday noqoto dhinaca horumarka,fikirka iyo cilmigaba.

Qaybihii u dambeeyay waxaan kaga hadlaynay sida uu u seejiyo dadka isticmaala Qaadku dhammaan tiirarka nolosha. Shan ayaan soo qaadanay in laga tilmaan-qaato diiniyan hadii shantaas waxyeello in uu noqonayo mid xaaraam ah(sida ay Culimada Islaamku isku raaceen).
Qaybihii hore waxaynu ku soo aragnay sida uu uga halleeyo qofka,caafimaadka,dhaqaalaha iyo acmaasha diinta.
Qaybtan waxaan insha Allaah ku soo koobi doonaa labada shay ee kale {wakhtiga iyo sharafta qofka.)
Wuxuu Ilaahay subxaanahu wa tacaalaa sharfay qofka Bani aadamka ah oo martabad sarreysa uu siiyay,ALLAAH subxaanahu wa tacaalaa wuxuu Insaanka dhammaantii ku manaystay caqli,garasho iyo aqoon(cilmi) qofka Muslimka ah ALLAAH wuxuu u sii yeelay karaamo iyo xushmad,ALLAAH wuxuu qofka Muslimka ah uga digay wax kasta oo xumaan ah amma xumaan gali kara,sidoo kale ALLAAH subxaanahu wa tacaalaa wuxuu Muslimka ku galladaystay nicmooyinkiisa faraha badan,nicmooyinkaas oo ay ka mid yihiin kuwan uu Qaadku in badan seejiyay!. Sharafta qofka waxa ugu horeysa al-iimaan,Iimaanku waa tiirka koowaad waana furaha caqiidada. Intee jeer ayuu Allaah subxaanahu tacaalaa Qur’aanka kaga hadlay;((kuwii Iimaanka laga hellayoow/kuwii Iimaanka laga hellayoow)) Illaahay cazza wa jal wuxuu in badan qawlkiisa inoogu sheegayaa; in kuwa Iimaanka laga hellay ay ka baqaan Allaah,in ay ka dhawrsadaan xumaanta iyo in ay wanaaga is faraan xumahana guud ahaantiis iska reebaan. Sidaasi awgeed ugu horeyn waxa muhiimka ah qofka Muslimka ah in uu is waydiiyo waxa uu quudanayo waxa uu yahay xaaraam iyo xalaal,midda kale,xukunka shaygan in badan ayay Cullimada Islaamka ku hadleen,shaygu hadduu dhibaatooyinka noocan leeyahay in uu noqonayo wax aan banaanayn,marjaca ugu fududna waa iyadoo lagu sheego amma lagu tilmaamo in uu yahay shay macaasi ah
Su’aasha la is waydiin karo hadaba waxay tahay; qofka Iimaanka leh amma iimaanka laga hellay ma mudan yahay in uu Qaad cuno ?
Jawaabtu waa mayya maxaa yeelay,hadiiba lagu sheegay macaasi sidee ayuu qofka Muslimka ah naftiisa ugu ogolaan karaa macaasi?.
Midda kale ee sii xoojinaysa in uu yahay macaasi waxay tahay; qofka Bani aadamka ah sidiisaba waa Masuul,qofka cuna Geedkana waxa la yaqaanaa in uu 100% Qayra-masuul yahay,sidaas awgeed waxaan markasta ku celcelinaynaa in aad loogu fiirsadana u baahan; waxa kani in uuna ku haboonayn qofka Muslimka ah.

Sharafta qofka markaan eegno,ugu horreyn, qof Caqli leh,damiir leh oo soo jeedda in uu cuno caleen aan la garanayn waxa ay tahay oo kaliya la ogyahay in ay tahay SUN ayaa sharaf dhac u ah. Caleentani waxa cad in ay tahay sun,suntuna waxay tahay waa la wada fahmi karaa,sidoo kale qofka oo sidii xoolihii intuu meel soo fadhiisto afka caleen arag xun ku urursada ka dibna caleen daamanka ka buuxsada ayaa iyaduna ah ah sawir aad u fool xun,qofka damiirkiisu nool yahay ee arka kuwa qaadka cunaya sida uu muuqaalkoodu yahay marka ay cunayaan Qaadku sidoo kale aad ayuu u yaabayaa. Qof maalin walba sidii xoolaha caleen doonaya saw yaab maaha... kuwa inta badan ay naftoodu qabatintay cunista geedkan waxay caan ku yihiin si kasta in ay u dhaqmaan iyagoon wax sharaf ah dhowranayn,sababtoo ah sharaftooda in ay dhawrtaan waxa u diidaysa balwadda Jaadka oo qofkaba ka dhigaysa mid jaadka u nool,sidaas awgeed ayaa mid laga hayay
; mijintayda quruxeey meherkaagu badanaa ma magtii bacayr baa
Yacnii wax uu maalin walba u baahan yahay hadana uga baahan aduun iyo lacag uu ku gato. Waxaab leenahay sharafta qofka markay ay timaado,ma jiro hal dhibic oo u baaqi noqonaysa qofka cuna qaadka,sababtuna waxay tahay,muqayilku marka horeba waa hawl-gab,waxaana hawl-gab ka dhigay soo-jeed habeenkii ah,masuuliyad-darro reerkiisa iyo naftiisa ah,wax-qabad laaan,muranka iyo macno darrada oo camal u ah iyo cibaado la’aan oo ah tan ugu daran. Waa kii Abshir Bacadle lahaa:
Hurda qarow ah soojeed qam qama
qaadow adigaa leh,
Dad qamaama qayliyo dagaal qaadow adigaa leh,
Shaluu qaatay maantana qafaal qaadow adigaa leh
Qabyaalad iyo iimaan la'aan qaadow adigaa leh
Dhanka wakhtiga markaan ka hadalno, wakhtigu sidiisaba waa nicmo uu Allaah bixiyo,qofka wakhti haystana waxa kaliya la gudboon in uu dhanka wanaagsan uga faaiidaysto maadaama uu fursad haysto fursaduna aanay mar walba joogayn, waxa aad u nasiib darro ah dad Illaahay wakhti siiyay oo wakhtoodii dhammaantiis ku bixinaya in ay Qaad cunaan,waana wax macruuf ah,dadka qaadka cuna waxay ugu jecel yihiin in ay wakhti u hellaan ay hawaawi iyo huuhaa ku fadhiyaan iyagoo madadaalo ka dhiganaya waxa meeqaankan leh. Waxa sidoo kale aad looga war hayaa wax kasta oo uu qofku ka faaiidaysan lahaaba in uu seejinayo,wuxuu qaadku keenaa qasaaraha ugu badan ee burburka reeraha,ka dhaqaalaha,ka caafimaadka,ka wax-tarka iyo wax kasta oo qofka anfici lahaa. Sidaas awgeed waxaan qormadan ku soo gaba gabayn lahaa; walaalaha uu qaatay Qaadku in Ilaahay subxaanahu wa tacaalaa loo baryo in uu ka xoreeyo cadawga nafahooda ku habsaday,in qof kasta oo aaminsan in uu yahay wax iska caadi ah oo la sameyn karo looga digo,in dadka lagu baraarujiyo laysna tusiyo waxa kani in uu yahay wax nusqaan ah oo aan u qalmin Bani aadamka ay sharaftiisu sarreyso iyo in aynaan marnaba ilaawin geedkaasi in uu yahay macsi sidaasi awgeed aan la dhayalsan khatartiisa oo markasta taas maanka lagu hayo,Allaahna subxaanahu wa tacaalaa umadeena ha ka daweeyo geedkan wax kasta kharibaya ee dhibaatada badan,Allaah dhammaanteen ha na tusiyo xumaantiisa hana inoogu bedelo wax khayr leh. Aamiin yaa Rabi.
Intaas ayaan ku soo koobiyaa insha Allaah qormadan taxanaha ahayd ee aan kaga hadlayay Qaadka,Allaah subxaanahu wa tacaalaa ayaana mahad idilkeed leh, dhammaan walaalaha jecel ka hadalka iyo in umadda looga digo xumaanta qaadku uu leeyahayna waxaan ku boorrinayaa in ay si kasta uga hadlaan xumaanta geedkaas,haday tahay qalinka iyo ficil wixii la sameyn karaba,sidoo kale waxaan u mahad celinayaa dhammaan walaalaha fikradahooda ka dhiibtay Qormadan intii ay socotay,sidoo kale wixii khaladaad amma dhaliilo ah ee ku jira qormadan waan soo dhowaynayaa.

Xigasho khadijahome.com

SHARE THIS POST   

  • Facebook
  • Twitter
  • Myspace
  • Google Buzz
  • Reddit
  • Stumnleupon
  • Delicious
  • Digg
  • Technorati
Author: Mohammad
Mohammad is the founder of STC Network which offers Web Services and Online Business Solutions to clients around the globe. Read More →

0 comments: