Wednesday, July 30, 2014
Masiibada maandooriyaha qaadka (Q9aad)
WQ:Maxamed M. Cabdi(Haykal)
maxamed@khadijahome.com
Musiibada Maan-dooriyaha Qaadku waa mid meelkasta kaga liddi ah jiritaanka Umaddeena,isla mar
ahaantaasna natiijada ka dhalatay Masiibadani waxay meel aad xun dhigtay Mustaqabalka dad malayiin ah oo Soomaaliyeed.
Sidaan taxanaheenii ugaga soo warramaynay qaybaha kala duwan ee uu saameynta tooska ah ku yeesho Qaadku,ayaan qayb-qayb u sii waddi doonaa in aan wax yar ka sharraxno dhibaatooyinka aadka u tirada badan ee uu leeyahay geedkaas magaca xun leh.
Qaybtan waxaan kaga hadlaynaa waxyeeladiisa dhinaca Dhaqaalaha: dhaqaaluhu waa lugaha amma taayirrada ay ku socoto nolosha Mujtamacu,waana laf-dhabarta Umadkasta iyo shaqsi kasta. Sidaas awgeed dhaqaalaha oo markasta ah kan ay wax walba ku xidhiidhsan yihiin marka la eego dariiqooyinka nolosha ayuu geedka QAADKU dhirbaaxada ugu kulul u gaystay.. dadka isticmaala Qaadka ka dhaqaalaha haysta iyo kan aan haysan labadaba wuxuu ku wareejiyaa dayrar fakhri ah haaa dayr fakhri ah.
Waxa laga wada war-hayaa Qaadku in uu lacag ku yimaado,waa lacagta lagu soo iibsado marka laga keenayo dalalka shisheeye,lacagta ku baxda Qaadka soo iibsigiisa koowaad waxay wadankeena xaaladiisu iska liidato ka tahay lacagta ugu badan ee dibada uga baxda(lacagtaas oo lagu soo bedesho caleen) caleentaas oo la cuno, ka dibna aan laga faaiidin illaa khasaare mooyee !!.....
Lacagta ka baxda jeebabka dadka cuna qaadka,sidaynu hore u xusnay bedelkeedu waa caleen lagu magacaabo Jaad amma Qaad, lacagtu haygaba baxdee hadday igaga baxayso wax uun mar kaliya wax kaaga soo noqonayaan lacagtu waxay kagaga baxdaa caleentaas aan in badan ka hadalnay mid kasta oo lacag helli kara illaa ka dariiqyada ka tuugsada(waxa lacag ku iibsada qaadka illaa kuwa darbi-jiifka ah) arrintani waa mid fajaciso ah,qaadku ma falbaa ? !! waan yaabee qaadka dadka miyaa lagu fallay? Marka aad hubsato sida ay ku yihiin dadka isticmaala,waxaad is waydiinaysaa wuxu ma falbaa waayo? Umad dhan oo aan is xakamayn Karin,aan ka joogsan Karin khasaarahaas maalin walba. Waxa ka sii daran mid kastaa wuu arkayaa waxa uu ka dheefayo in ay tahay uun hadimo hadana wuu waddaa uun cajeb !!. waa kii Timacadde Allah ha u naxariistee lahaa:
Qabiil iyo jeer oo la naco qaadkan lagu waashay
qabyo weeye Soomaaliyeey qiiradaadaniye
Tusaale ahaan Qaadka ugu badan ee dhulka Soomaaliyeed lagu isticmaalo wuxuu ka yimaadaa dhulka Xabashida, sida ay qiyaaso daraasaad macquul ah lagu soo ururiyay waxay sheegayaan: lacag lagu lagu qiyaasay illaa $500,000 per day ayaa loo geeyaa dadka beerta geedkaas ee dhulka Ethiopia. Lacagtu waa lacag fara badan,waxa se is waydiin leh lacagta intaas leeg xagay ka timadaa? Waxa laga yaabaa qofka caadiga ah markuu arko amma loo sheego cadadka lacageed ee intaas leeg ee maalin kasta wadankeena ka baxda in uu rumaysan waayo.
Waxaanse shaki ku jirin xaqiiqada ah; lacagtan la sheegay in ay maalin kasta baxdo in ay aad uga badan tahay dhab ahaantii lacagta ku baxda qaadka (marka la eego qaadka Ethiopia laga keeno oo kaliya maalin kasta) tusaale yar; dadka qaadka cuna wadankeenu qiyaas ahaan kama yara 80% hadayna ka badnayn ka soo qaad in ay qaadka cunanaan ilaa 4000,000 oo qo(afar malyan oo qof) celcelis ahaanna kaba soo qaad maalintii qofkastaa in uu qaad ku iibado($.50) (half a dollar maalintii) intaas ku dhufo afar malyan= $2000,000 (laba malyan oo doolar weeye maalintii) ku dhufo sanadkii waa $720,000,000 (todoba boqol iyo labaatan malyan sanadkii) (waa tusaalahayga)
Si kastaba ha noqotee waxaan dhammaanteen hubnaa dadkeenu in ay billaa xisaab yihiin,bilaa xisaab ha iskaba ahaadaane in ay billaa ujeeddo iskaga socdaan qofka lacagta ku iibsanaya qaadku xaguu ka keenaa ayaad is waydiinaysaa maalin kasta lacagta, lacagtu waxa weeye wixii uu noloshiisa ku maarayn lahaa ayuu marqaan iyo waali ku bedeshaa,wuxuuna iskaga nool yahay sida dhurwaaga qofka qaadka cuna wixii soo galaba si aan caqli ahayn ayuu qaad ugu iibsadaa,haday lacagtu ku soo gashay xoogiisa oo uu ku shaqaystay,haday tahay lacagta ay dadku dibadaha ka soo diraan iyo hadday tahay tan uu shaxaadka ku hellay intuba Ethiopia ayay u xerootaa inagana caleentaas cagaaran ee sumaysan ayaa la inoogu soo bedelaa markaas baan iskaga qanacsanahay oo aynaan dareensanaynba ! waxa taas barbar yaala dhibtu maaha oo kaliya wadarta guud ee wadanka ka baxda,laakiin ogow,wadanku lacag ma soo saaro ee celceliskii yaraa ee dadku ay ku noolaayeen ayaa shaqsi ilaa shaqsi jeebkiisa uga baxda,tanina waa mid ka mid ah asbaabaha fakhriga,dagaalada iyo dib-u-dhaca ee dadkeenna iyo dalkeenu caanka ku yihiin.
Waxa hubaal ah in ay dhaqaalo-darro wadanka ka jirto oo ay jirto baahi badan oo dhinaca nolosha ah,laakiin waxaan is leeyahay haddii kaliya inta qaadku lagu gadanayo ay 25% inoo baaqato wax badan ayaan qabsan karnaa,wadanka ayaan dhisan karnaa,dadkeena ayaan shaqooyin u abuuri karnaa oo horumar ayaa la gaari garaa halka aan caleenta uun iska cunayno amma isha uun ka eegayno duruufahan ee ina baday Qaadku ALLAH ha ina garan siiyo tubtii aan iskaga qaban lahayn dhibtaas oo ha inooga gargaaro dadka iyo dalkana cudurka qaadka ha inooga saaro ALLAHUMA aamiin.
Xigasho : khadijahome.com
maxamed@khadijahome.com
Musiibada Maan-dooriyaha Qaadku waa mid meelkasta kaga liddi ah jiritaanka Umaddeena,isla mar
ahaantaasna natiijada ka dhalatay Masiibadani waxay meel aad xun dhigtay Mustaqabalka dad malayiin ah oo Soomaaliyeed.
Sidaan taxanaheenii ugaga soo warramaynay qaybaha kala duwan ee uu saameynta tooska ah ku yeesho Qaadku,ayaan qayb-qayb u sii waddi doonaa in aan wax yar ka sharraxno dhibaatooyinka aadka u tirada badan ee uu leeyahay geedkaas magaca xun leh.

Waxa laga wada war-hayaa Qaadku in uu lacag ku yimaado,waa lacagta lagu soo iibsado marka laga keenayo dalalka shisheeye,lacagta ku baxda Qaadka soo iibsigiisa koowaad waxay wadankeena xaaladiisu iska liidato ka tahay lacagta ugu badan ee dibada uga baxda(lacagtaas oo lagu soo bedesho caleen) caleentaas oo la cuno, ka dibna aan laga faaiidin illaa khasaare mooyee !!.....
Lacagta ka baxda jeebabka dadka cuna qaadka,sidaynu hore u xusnay bedelkeedu waa caleen lagu magacaabo Jaad amma Qaad, lacagtu haygaba baxdee hadday igaga baxayso wax uun mar kaliya wax kaaga soo noqonayaan lacagtu waxay kagaga baxdaa caleentaas aan in badan ka hadalnay mid kasta oo lacag helli kara illaa ka dariiqyada ka tuugsada(waxa lacag ku iibsada qaadka illaa kuwa darbi-jiifka ah) arrintani waa mid fajaciso ah,qaadku ma falbaa ? !! waan yaabee qaadka dadka miyaa lagu fallay? Marka aad hubsato sida ay ku yihiin dadka isticmaala,waxaad is waydiinaysaa wuxu ma falbaa waayo? Umad dhan oo aan is xakamayn Karin,aan ka joogsan Karin khasaarahaas maalin walba. Waxa ka sii daran mid kastaa wuu arkayaa waxa uu ka dheefayo in ay tahay uun hadimo hadana wuu waddaa uun cajeb !!. waa kii Timacadde Allah ha u naxariistee lahaa:
Qabiil iyo jeer oo la naco qaadkan lagu waashay
qabyo weeye Soomaaliyeey qiiradaadaniye
Tusaale ahaan Qaadka ugu badan ee dhulka Soomaaliyeed lagu isticmaalo wuxuu ka yimaadaa dhulka Xabashida, sida ay qiyaaso daraasaad macquul ah lagu soo ururiyay waxay sheegayaan: lacag lagu lagu qiyaasay illaa $500,000 per day ayaa loo geeyaa dadka beerta geedkaas ee dhulka Ethiopia. Lacagtu waa lacag fara badan,waxa se is waydiin leh lacagta intaas leeg xagay ka timadaa? Waxa laga yaabaa qofka caadiga ah markuu arko amma loo sheego cadadka lacageed ee intaas leeg ee maalin kasta wadankeena ka baxda in uu rumaysan waayo.
Waxaanse shaki ku jirin xaqiiqada ah; lacagtan la sheegay in ay maalin kasta baxdo in ay aad uga badan tahay dhab ahaantii lacagta ku baxda qaadka (marka la eego qaadka Ethiopia laga keeno oo kaliya maalin kasta) tusaale yar; dadka qaadka cuna wadankeenu qiyaas ahaan kama yara 80% hadayna ka badnayn ka soo qaad in ay qaadka cunanaan ilaa 4000,000 oo qo(afar malyan oo qof) celcelis ahaanna kaba soo qaad maalintii qofkastaa in uu qaad ku iibado($.50) (half a dollar maalintii) intaas ku dhufo afar malyan= $2000,000 (laba malyan oo doolar weeye maalintii) ku dhufo sanadkii waa $720,000,000 (todoba boqol iyo labaatan malyan sanadkii) (waa tusaalahayga)
Si kastaba ha noqotee waxaan dhammaanteen hubnaa dadkeenu in ay billaa xisaab yihiin,bilaa xisaab ha iskaba ahaadaane in ay billaa ujeeddo iskaga socdaan qofka lacagta ku iibsanaya qaadku xaguu ka keenaa ayaad is waydiinaysaa maalin kasta lacagta, lacagtu waxa weeye wixii uu noloshiisa ku maarayn lahaa ayuu marqaan iyo waali ku bedeshaa,wuxuuna iskaga nool yahay sida dhurwaaga qofka qaadka cuna wixii soo galaba si aan caqli ahayn ayuu qaad ugu iibsadaa,haday lacagtu ku soo gashay xoogiisa oo uu ku shaqaystay,haday tahay lacagta ay dadku dibadaha ka soo diraan iyo hadday tahay tan uu shaxaadka ku hellay intuba Ethiopia ayay u xerootaa inagana caleentaas cagaaran ee sumaysan ayaa la inoogu soo bedelaa markaas baan iskaga qanacsanahay oo aynaan dareensanaynba ! waxa taas barbar yaala dhibtu maaha oo kaliya wadarta guud ee wadanka ka baxda,laakiin ogow,wadanku lacag ma soo saaro ee celceliskii yaraa ee dadku ay ku noolaayeen ayaa shaqsi ilaa shaqsi jeebkiisa uga baxda,tanina waa mid ka mid ah asbaabaha fakhriga,dagaalada iyo dib-u-dhaca ee dadkeenna iyo dalkeenu caanka ku yihiin.
Waxa hubaal ah in ay dhaqaalo-darro wadanka ka jirto oo ay jirto baahi badan oo dhinaca nolosha ah,laakiin waxaan is leeyahay haddii kaliya inta qaadku lagu gadanayo ay 25% inoo baaqato wax badan ayaan qabsan karnaa,wadanka ayaan dhisan karnaa,dadkeena ayaan shaqooyin u abuuri karnaa oo horumar ayaa la gaari garaa halka aan caleenta uun iska cunayno amma isha uun ka eegayno duruufahan ee ina baday Qaadku ALLAH ha ina garan siiyo tubtii aan iskaga qaban lahayn dhibtaas oo ha inooga gargaaro dadka iyo dalkana cudurka qaadka ha inooga saaro ALLAHUMA aamiin.
Xigasho : khadijahome.com

Author: Mohammad
Mohammad is the founder of STC Network which offers Web Services and Online Business Solutions to clients around the globe. Read More →
Related Posts:
Dhalinyarada Maqaalo Qoyska
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
0 comments: