Wednesday, July 30, 2014
Masiibada maandooriyaha qaadka (Q8aad)
WQ:Maxamed M. Cabdi(Haykal)
maxamed@khadijahome.com
Qaybtii hore waxaan soo sheegnay Diiniyan sida uu noqonayo xukunka Qaadku,kumana koobna marka laga
yimaado shareeco ahaan in uu yahay Qaadku xaaraam laakiin sidoo kale Qaadku waxa ka soo horjeedaa dhammaan waddooyinka uu qofka Muslimka ah ku gudan karo waajibaadkiisa dhinac kasta marka loo eego.
Qaybtan waxaan kaga hadli doonaa caafimaad ahaan sida uu Qaadku u yahay shay halis ku ah nafta iyo jiritaanka qofka.
In la sheego macnaha ka dambeeya isticmaalka Qaadka oo kaliya ah ayaa ugu horreyn sawir buuxa ka bixinaysa dhibtiisa caafimaad maadaama lagu magacaabay maan-dooriye maanka amma maskaxda oo doorsoonta waxa ka dhalan kara qofkasta ayaa si fudud u fahmi kara,laakiin intaas amma raadkaas maskaxeed uun maaha dhibaatada caafimaad ee uu leeyahay Geedkan Qaadka lagu magacaabo; unug kasta oo caafimaadka Qofka Bani aadamka ah ayuu dooriyaa oo dillaa kana yeelaa naafo Qaadku qofka cuna ayuu maskaxdiisa dooriyaa ka dibna qofkaas waxa ka suurta-gasha waxyaabo fara badan oo la yaab leh sidaan qaybihii hore ugaga soo hadalnay,laakiin dhibta caafimaad ee Qaadku inahaas aad ayay uga qoto dheer tahay ugana saameyn balaadhan tahay.
Qaadku wuxuu keenaa dhibaatooyin caafimaad kuwaas oo cawaaqib xun ku yeesha: nafta,lafta,maskaxda jidhka iyo muuqaalka nolosha oo dhan.
Dhibaatooyinkaas waxa ka mid ah maskaxda oo uu khal khal ku abuuro,mid nafsaani ah oo qofka u horseeda waalli iyo kuwo kale oo badan. Markaan si dhab ah ugu kuur galnay dhibaatooyinka dhinaca caafimaadka ah ee uu gaysto qaadku,waxyaabihii noo soo baxay waxa ka mid ah:- dadka isticmaala Qaadku dhammaan waxay ka siman yihiin aragti qarracan ah oo wajigooda ka muuqata iyo dareen naxariistu ku yar tahay oo laga dheehan karo muuqaalkooda kore,sababtan ayaana ta qofka Qaadka isticmaalaa uu had iyo jeer maskixiyan u yahay mid warwarsan oo aan degenayn,isla mar ahaantaana ay ku yaryihiin calaamadaha xasiloonida nolosha oo dhan. Waana wax iska cad in Qaadku uu qofka markiiba ku yeesho saameyn maskaxeed oo ilaa xad uu noqonayo mid markasta miyirkiisu aanu dheelitirnayn dhanka nafsadana maadaama uu qaadku qofka ka qaado dhawr shay oo marka hore caadiyan iskaaba sida;wakhtiga,hurdada,cuntada iyo dhaqdhaqaaqa caadiga ah,waxa markiiba qofka si tartiib-tartiib ah uga suuliya waaxyo dhan oo sabab u noqon lahaa in ay noloshiisu caadi noqoto.
(1) qofku marka uu qaad cuno ma hello hurdo si uu caafimaadkiisu iskugu dheellitirmo
(2) qofku marka uu hurdo waayo waxa uu lumiyaa tamartii iyo dareenkii caafimaad ee saxda ahaa ka dibna wuxuu noqdaa mid caajis,cadho iyo daal fara badani dul dego.
(3) qofku marka uu noqdo mid qaadka si joogto ah u isticmaala wuxuu ka go’aa cuntada iyo waxyaabaha nafta u keena nafaqada iyo energy-ga ka dibna waxa ku adkaata qofka in uu hawlihiisa gutto,sida in uu shaqaysto,cibaadaysto amma dadka la qaybsado meertada nolosha.
Qaadku si xawli ah wuxuu saameyn dadban & mid toosanba ugu yeeshaa dhaqanka caadiga ah ee qofka sida; hadalka, ficilka, go’aanka iyo hawl-fulinta. Markaas ka dibna qofka laasima cunista qaadku wuxuu ku sifoobaa sidii qof markasta kala dhiman oo kale amma qof markasta wax ka maqan yihiin (waxay naftiisu u afduuban tahay waxa lagu sheegoo BALWAD) qofka balwadda leh waxa inta badan lagu tilmaamaa mid meel khatar ah kaga sugan nolosha caadiga ah,maadaama uu u afduuban yahay maan-dooriyaha Qaadka,qofka oo caqligiisu doorsan yahay macnaheedu waxa weeye: qofka oo caafimaad ahaan ku astaysan bukaan amma qof Indhala siduu gabaygan ku sheegayo Abwaan- Kamaal Cabdillaahi
Qaadiruu la tiicaa qofkii , qaadka laasimaye
Qoriguu ka dhuubtaa sidii , qaaxo uu qabo e
Ilkuhuu ka qubay baa ka daran , iyo dhoola qarintaase
Qaarkoodna qoyskii ilaw , iyo ubad ay quudshaane
Ilayn ruux balwadi qaadataan , ka qatanaanayne
Quud la cuno wuxuu siisanlaa , qaadka ula baydhye
Qiiq iyo sigaarkana budbudhi ilayn , wuu qarxinayaaye
Qulub iyo dhibaatiyo u keen , qaylo iyo buuqe
Ceebtiisa qaadkaa ragyohow , qalin dhamayn waaye
Intaad qarinaysaan baa ka badan , taydin qiraysaane
Waxba qiiqa yaan la isku qarin , geedku qiil malehe
Waxaan leenahay guud ahaan dhibaatooyinka la arki karo ee uu Qaadku keeno haday tahay mid caafimaad amma mid kale,waxa markasta ka baaxad wayn oo aad uga badan dhibaatooyinka dhinac walba leh ee uu gaysto,insha Allah markasta waxaan isku dayi doonaa in aan wax ka sheegno nooc kasta oo ka mid ah dhibaatooyinkiisa
Xigasho:: Khadijahome.com

Author: Mohammad
Mohammad is the founder of STC Network which offers Web Services and Online Business Solutions to clients around the globe. Read More →
Related Posts:
Dhalinyarada Maqaalo Qoyska
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
0 comments: