Download this Blogger Template by Clicking Here!

Ad 468 X 60

Wednesday, July 30, 2014

Widgets

Masiibada mandooriyaha qaadka (Q7aad)

WQ:Maxamed M. Cabdi(Haykal)
maxamed@khadijahome.com


Ugu horeyn Axadka muslimka ah marka koowaad ALLAH(subxaanahu wa tacaalaa) wuxuu ka xaaraam-naftiina ha dilina Allaah wuu idiin naxariisane, qofka sidaa sameeya ee nafta wax dhibaya sameeya waxa uu gali naar} suurat anNisaa. Markale ALLAH wuxuu ku leeyahay Qur’aanka((:Rususha waxa loo soo diray gaar ahaan Muxaamad in uu wax kasta oo idin anfacaya xalaaleeyo wax kasta oo xunna xaaraam ka dhigo}} surat Acraaf.
yeelay wax kasta oo dhib u gaysan kara naftiisa,diintiisa,maalkiisa wakhtigiisa,dhasiisha iyo sharaftiisa. Sidaas awgeed Qaadku wuxuu noqday shay koobsaday dhammaan qodobadaas,sidaas ayuuna xukumkiisu ku noqonayaa shay aan banaanayn ALLAH na subxaanahu wa tacaalaa wuxuu ku yidhi Qur’aanka ((

Sida hadaba ku cad Qawlka Illaahay,waxa xaaraam ka ah qofka Muslimka ah wax kasta oo xumaan ah amma dhib ah sida Qaadka iwm. Sidoo kale Culimada Islaamku kullan gaar ah oo ay kaga fatwoonayeen waxyaabaha aan sida cad loogu sheegin Qur’aanka iyo Sunnada(sida khamrada,xashiishka iwm) waxyaabahaas ee hadana dooriya Maanka Insaanka,waxay ku bayaamiyeen kulankoodaas oo 1996 ka dhacay Sanca Yemen, kuna caddeeyeen Qaadku in uu yahay shay xaaraam ah maadaama ayay yidhaahdeen  uu qofka isticmaala u horseedayo,maan-doorsoon,caafimaad-darro,maalkiisa oo burbura,waajibaadkiisa oo ka dayacma wakhtigiisa oo kaga luma macno-darro iyo karaamadiisa oo lunta iyo waxyaabo badan.
Intan sida cad u muuqata ee uu leeyahay Qaadku dhibaato ayaa markaas ka dhigaysa shay aan banaanayn,shay aan banaanayn cidda banaysatana wuxuu ALLAH leeyahay(( ha dhihina waxay nafahiinu sifaynayaan amma aad iska jeceshihiin waa Xalaal,waana xaaraam in aad Illaahay ugu been abuurataan kuwa ALLAH ku been abuurtana ma liibanayaan)) .

sidaa awgeed walaalayaal waa arrin aad u adag una baahan in Ummada looga digo Geedkaas in looga dhigo wax iska mubaax ah,waxaana inagu waajib ah si kasta iyo heerkasta in aan u iftiimino khatarta ku sugan in laga dhigto wax bannaan wax aan banaanayn,Ummadina ma liibaanto illaa ay waxa xun iskaga hadho waxa hagaagsanna raacdo,Ummadeenna Soomaaliyeedna waxay ugu horreeyaan kuwa oo noloshooda iyo Umadnimadooda waxyeelada ugu badan u gaystay geedkan aynu ka waramaynaa,waana waajib ina wada saaran in aan iskaga digno cidhib-xumada ka dhalanaysa caadaysiga waxyaabaha xumaanta ah ee uu Qaadku ka mid yahay kuwa ugu horreeya.

Tusaalaha labaad: waxa la iska garan kara marka runta laga sheego dhibaatada Qaadka,qofka cuna qaadku in uuna la tilmaan noqon Karin qof aan cunin marka laga hadlayo dhanka cibaadada,dadka qaar ayaaba yidhaahda,qaadka waanu cunnaa,cibaadadayadana waxba uma gaysto oo waanu tukanaa,soomnaa oo samo falnaa laakiin sida xaqiiqda ah waxa weeye: qofka qayilaya markaad xaaladiisa u kuur gasho ma noqon karo qof wakhtigiisa ilaalin kara (1) mana noqon karo qof maskax ahaan iyo jidh ahaan fayoow oo si dhab ah u guddan kara waajibaadkiisa(2) ma noqon karo qof maankiisu xaadir yahay waana qodobka ugu muhiimsan in tilmaan laga baxsho,qofku si uu u noqdo mid u hogaansama samaha iyo wanaaga waxa looga baahan yahay in uuna isku hawlin wax aan wanaag iyo faa’iido lahayn sidoo kale wax dhibaato uun u soo jiidaya. Sidaas awgeed Qaadku waa aabaha fitnada iyo xumaanta dhan kasta oo laga eego, mana aha wax la hal tilmaan oo wanaagsan leh inta cunta iyo inta aan xumaanta u arkina waxaan ugu naseexaynaynaa markasta in ay ka dig toonaadaan xumaantaas,xummaanta oo la yaraystana waxay keentaa Ciqaab wayn Allah naguma keenee.

Qaybaha dambena insha Allaah waxaan wax kaga tilmaami doonaa siduu wax u yeelo arimaha caafimaadka,wakhtiga,sharafta iyo maalka .

Xigasho : Khadijahome.com

SHARE THIS POST   

  • Facebook
  • Twitter
  • Myspace
  • Google Buzz
  • Reddit
  • Stumnleupon
  • Delicious
  • Digg
  • Technorati
Author: Mohammad
Mohammad is the founder of STC Network which offers Web Services and Online Business Solutions to clients around the globe. Read More →

0 comments: