Download this Blogger Template by Clicking Here!

Ad 468 X 60

Tuesday, July 29, 2014

Widgets

Masiibada maandooriyaha qaadka (Q6aad)

WQ:Maxamed M. Cabdi(Haykal)
maxamed@khadijahome.com


Waxkastoo ka dhasha isticmaalka caleenta Qaadka waxaan ku tilmaami karnaa qaxar iyo foolxumo,dadka
isticmaala geedkaasna waxa in badan lagu arkaa waxyaabo aad u cajiib badan,waxyaabahaas oo qaarkood in aad rumaysato ay kugu adkaanayso,waxyaabaha hadaba inta badan dadka Qaadka cuna lagu arko waxa ka mid ah waswaaska(shakiga) dadka aqoonta u leh dhibaatooyinka qaadkana waxay sheegaan shakigu in uu ka mid yahay calaamadaha lagu garto qofka Muqayilka ah!. Waxa kale oo shakiga had iyo jeer bar bar socda werwer iyo degenaan la’aan qofka laga dareemo,sidoo kale waxa iyaduna jirta in uu noqonayo qofka qabatima cunista Qaadku,mid ay ku yaryihiin,dulqaadka,hubshada iyo xasuusta.

Tusaale ahaan,nin wayn oo Oday ah,muuqaalkiisana laga dheehan karo qof wayn oo Masuul ah ayaa soo gallay Masaajid,markii salaada laga baxay ayuu doonay in uu Masaajidka ka baxo oo kabihiisa qaato,hasa ahaatee wuxuu qaatay kabo aan ahayn kuwii uu sitay oo nin kale leeyahay,marar kala duwana waxa dhacda in ay Masaajidada lagu cibaadaysanayo ay soo gallaan dad oo intay dadka salaada la tukadaan hadana qaataan kabaha dadka Masaajidka ku cibaadaysana!. Ninkii lahaa kabaha uu qaatay odaygu ayaa ka dibna arkay kabihiisii oo lala sii baxayo,intuu yaabay ayuuna ninkii odayga ahaa ku yidhi kabaha aad qaadatay iska hubso ninkii odayga ahaa muu hubsan kabaha si degenna uma uu hadline wuxuu ku jawaabay  adigu iska hubso waxaad ku hadlayso, waad u jeedaa in aanan ahayn qof qaadan kara wax aanu lahayne! wuuna iska sii dhaqaaqay.

Ninkii arkayay kabihiisa oo si caddaan ah uu u garanayo oo qof kale qaadanayo ayaa ku yidhi odaygii adeer kabahan waan hubaa in ay yihiin kuwaygiiye bal is deji oo kuwaagii raadso waa laga yaabaa in ay isku nooc noqdaane ka dibna dad jamaca ka mid ahaa ayaa sidaas oo kale iyaguna ku yidhi, odaygii intuu is taagay oo woxogaa yara meermeeray ayuu meel aan ka durugsanayn halkii uu kabaha hore ka soo qaatay ka qaatay kabo kale. Arrinta yaabka leh se waxay ahayd: kabaha ay marka hore ninka isku haysteen waxay ahaayeen Sandal(kabo dul furan) halka kabaha uu mar labaadka qaatay ka ahaayeen Boot/buudh. Ka dibna nin ka mid ah dadkii markii hore arkayay murankii kabaha hore ayaa ku yidhi  xaaji sawdigii markii hore ninka sandalka ku haystay waa sidee hadana buudh baad qaadataye? ninkii odayga ahaa intuu isku khajilay ayuu yidhi  adeer kabaha aan ninka ku haystay waxay isku nooc yihiin sandal aan leeyahay oo guriga ii yaalla waanan qayilay oo waxaan is moodayay in aan sandalkaygii xidhnaa!! dadkii masaajidka ku cibaadaysanayay ayaa la yaabay hadalka odayga.

Halkaas waxa ka muuqata mid ka mid ah calaamadaha qofka Insaanka ah aan u qalmin qofnimadiisa ee uu Qaadku sababayo,sidaas si la mid ah,qofka qaadka isticmaala waxa ku badan shakiga iyo mashquul xad dhaaf ah oo aanay xadiga maskaxdiisu qaadi Karin,waxaana la sheegaa inta badan qofku marka uu qaadka cuno in uu ku mashquullo qorshayaal iyo barnaamijyo khuraafaad ah oo qofka la quman marka uu qayilsan yahay,marka ay maadada sunta qaadku jidhkiisa ka baxdana ka baaba.

Inkasta oo ay hadaba badan yihiin oo aan laga wada sheekayn Karin waxyaabaha xun ee qaadku keeno,hadana waxa markasta muhiim ah in aan laga caajisin in Ummada lagu baraarujiyo dhibtan qarsoon,mana qarsoonee dhibtan aad moodo in dadka badankiisu aanay dhibaataba u arkin, dadka aan fikrad sax ah ka haysan geedkaasna waxa laga yaabaa in ay magaciisa uun u yaqaan qaad iyo wax dadka qaar cunaan,laakiin maaha ee sidaase waa sun iyo balaayo ay dadka badankiisu imika cunaan oo sababa wax xun oo kaliya!.
Insha Allah qaybaha dambe waxaan mid mid ugaga hadli doonaa shan shay oo Culimada Islaamku ay sheegeen in uu noqonayo xaaraam shayga laga dhaxlaa.
Shantaas in uu waxyeelayo waxayna yihiin:-
  1. cibaadada
  2. caafimaadka
  3. sharafta
  4. wakhtiga
  5. maalka
shantaasna mid walba si toos ah ayuu u saameeyaa laakiin insha Allaah isku dayi doonaa in aan bal mid mid u yara sharaxo sida uu midkasta ugu yeesho raadka xun.
Wa bilahi wa towfiiq wassalaamu caleykum wa raxma tullaah

SHARE THIS POST   

  • Facebook
  • Twitter
  • Myspace
  • Google Buzz
  • Reddit
  • Stumnleupon
  • Delicious
  • Digg
  • Technorati
Author: Mohammad
Mohammad is the founder of STC Network which offers Web Services and Online Business Solutions to clients around the globe. Read More →

0 comments: