Download this Blogger Template by Clicking Here!

Ad 468 X 60

Tuesday, July 29, 2014

Widgets

Masiibada maandooriyaha qaadka (Q5aad)

WQ:Maxamed M. Cabdi(Haykal)
maxamed@khadijahome.com


Ka dib markii ay iska caddaatay Qaadku in uu yahay aabaha dhammaan fitnooyinka,aafooyinkiisuna waxay noqdeen kuwo aan tiro lahayn.
Sidaan hore uga soo hadalnay,maadaama Qaadku uu nafta isticmaasha u horseedo waxyaabo badan oo xumaan ah,waxaan Qormadan ku soo qaadanaynaa Qisadan:-

Wuxuu yidhi ka dib markii aanu maalin dhan calooshayada ku guraynay caleen daroogo ah,si xidhiidh ahna aanu ugu labaynaynay walxaha la nuugo ee sunta ka sameysan(tobacco) ayaanu goor habeenimo ah ka soo baxnay xabsigii aanu maalinta dhan ku jirnay,anagoo ilkahayaga qoryo ku qod qodayna ayaanu dibada uga soo baxnay ayuu yidhi meeshii aanu wakhtigaygii,tacabkayagii iyo tamartayadii maalintaas ku dhamaysanay. Iyadoo ay hadaba caadadiisa tahay qofka isticmaala Qaadku in uu ku sifoobo mid waxkasta oo xumaan ah aan ka gabban ayay u sii dheer tahay saacadaha ay maadooyinka ka dhasha isticmaalka daroogadani jidhkiisa ku sii jiraan. Waa saacadaha ay ku sheegaan(marqaanka amma waalida) saacadahaas ayuu si inta badan isku mid ah dadka isticmaalaa u noqdaan kuwo siyaabo kala duwan ugu fikira waxyaabo xumaan iyo fawaaxish ah sababtan darteed ayayna dadka aqoonta caafimaadka leh ku sheegaan in uu qofku noqonayo mid hammi shahweed qayruxad ah uu ku wareego. Ninkani wuxuu yidhi maadaama aanu marqaansanayn anagoo laba ah,waxaanu is waydiinay halkee ayaynu ka helli karnaa dumar aan baahideena shahweed ula tango(wal ciyaadu billaah) maahan arrintu markaas niman xaasas leh amma ka fekeraya xaaraam iyo xalaal!.
Ka dibna anagoo meel waddo ah taagan oo fiir fiirinayna bal in ay dariiqa soo maraan wax dumar ah ayaan markaliya halacsanay ayuu yidhi  laba dumar ah oo si aad u qurxoon u lebisan marka ay agtayada marayaana waxaaba na soo gaadhay udgoonka cadarkooda iwm. Halkii ayaanu dhinaca ka raacnay illaa aanu gaadhnay markii ay jidka laamida ah ka weecdeen.. markii aanu soo gaadhnay gabdhaha ayuu yidhi ninkii ay arrintani ku dhacday anigu waxaan ku hagaagay labadii gabdhood midkood. Waan iska salaamay anigoo si hawl yaraan ah ugu sii dhowaanaya ayuu yidhi, bacdayna gabadhihii wayba is taageen,gabadhii aan goonida u wada taagnayn ayaana warkan I siisay ayuu yidhi ; waxay tidhi  wiilyahow war nabad ah lagu sii,anigu waxaan ahay gabadh aroosad ah gurigaygiina waa kan hortaada ka muuqda,gabadhana waa saaxiibaday oo ila socotay,sababtii aanu guriga uga soo baxnayna waxay ahayd in aanu sii yara dhowayno gabdho na soo booqday oo aan halka baska laga raaco sii gaadhsiinay,sidaas awgeed adigoo iska raali ah xaaladaydu waa sidaas wiilkaas iyo gabadhaasna iyagaa wada hadlaya ee iska raali noqo aniguna gurigayga ayaan gallayaaye sidaas iyo nabadeey wuxuu yidhi; markii ay intaas ii sheegtay gabadhu markiiba waan ku qancay,laakiin kii kale ee ila socday ayaa meel inyar ii jirta gabadhii kale la taagan aniguna weli gabadhii Aroosada ahayd waan ag taaganahay laakiin kuwaas kale ayaan sugayaa: halkaa markay arrintu marayso oo aan iskaba sii dhaqaaqayo ayaa waxa dhacay :- Koox culimo ah kana shaqeeya WANAAG FARISTA IYO XUMAAN REEBISTA ayaa habeenkii roondayn jirtay oo xaafadaha dhexdooda mari jiray si ay dadka meelahaas xumaanta ku sameynaya wax uga qabtaan,wuxuu yidhi Kooxdii oo ciidan booliis ah wadata ayaa si kedis ah meeshii aanu taagnayn ugu soo laabay;

markii aan arkay in ay yihiin Culimadii ee aan gartayna waxaan isku dayay ayuu yidhi; in aan cararo oo aan baxsado laakiin markiiba way I qabteen ayuu yidhi!! Aniga iyo gabadhii Aroosada ahayd ee aan dariiqa ka soo raacay ayayna katiinad nagu wada xidheen ayuu yidhi!!: kii kale ee ila socdayna markuu arkay in gacanta la igu dhigay ayuu isna baxsaday gabadhii uu la taagnaa ayaase la qabtay ayuu yidhi Culimadan iyo ciidankan la socdaa maadaama ay gacanta ku soo dhigeen dad dariiq isla taagan markiiba waxay geeyaan saldhig booliis si xukunkooda loogu qaado marka la baadho ka dib. Iyada oo aan wax hadal ah la ila galin ayaana khasab gaadhi yar la igu saaray ayuu yidhi iyadoo gabadhiina gacantayda loogu xidhay katiinad! Hasa ahaatee gabadhii oohin iyo qaylo ayay miciinsatay ayuu yidhi iyadoo baroor xadka ka baxsan kor ugu qaylinays waar ninkan ma garanayo,waar ha I ceebaynina,waar dariiqa ayaan iska marayay,waar wax danbi ah maan sameyne nimanku iyagaa na soo doontay iyo hadallo la mid ah,.

Intii aan weli na la gayn saldhiga ayaan wajigiisa gartay ayuu leeyahay ninkani mid askartii ka na waday ka maad adigu Ilaahay ka yaabtid markaad gabadh ajnebi oo gurigeedii ku socota daba ordaysay!!oo miyuu is ogaaba... al xaasil nin wayn oo ka mid ahaa askartii ayaa arrintii woxogaa hoos ugu kuur gallay ka dibna rumaystay sida ay xaaladu ahayd,ka dibna labadii gabdhood halkii ayaa lagu sii daayay anigana saldhiga ayaa la igu xidhay subaxnimadiina waxa la igu daray ayuu yidhi;Koox kale oo sidan oo kale loo soo qabtay waxaanan mutaystay ayuu yidhi;ganaax iyo xabsi dhan 45 cisho!!!!..
mid ah. Markaas baan ku muusanaabay oo ku calaacalay;waar gabadhu waa aroosad gurigeedii ayay ku socotay anigaa doontay iyadoo dariiqa iska maraysa,waar Ilaahay ka yaaba oo fadlan gabadha iska sii daaya aniga halkaad doontaan I geeyoo.;

SHARE THIS POST   

  • Facebook
  • Twitter
  • Myspace
  • Google Buzz
  • Reddit
  • Stumnleupon
  • Delicious
  • Digg
  • Technorati
Author: Mohammad
Mohammad is the founder of STC Network which offers Web Services and Online Business Solutions to clients around the globe. Read More →

0 comments: