Tuesday, July 29, 2014
Masiibada maandooriyaha qaadka (Q4aad)
WQ:Maxamed M. Cabdi(Haykal)
maxamed@khadijahome.com
Sidaan qaybtii sedexaad kaga soo hadalnay,Maan-dooriyaha qaadku wuxuu ka yeelaa qofka caadaysta sidii Adoon isaga u xidhan oo kale. Sababtaas ayaana ah ta had iyo goor ka dhigtay qofka caadaysta Geedkaas mid dunida oo dhan ka dambeeya dhinac kasta marka nolosha laga eego.
In uu damiirka halleeyo marka laga yimaado waxa uu si la mid ah qofka ka qaadaa anshaxa iyo hab-dhaqanka wanaagsan idil ahaantiisba. Waxaana cadaata markaa qofku in uu noqonayo mid lunsan oo bilaa dareen,bilaa naxariis iyo bilaa masuuliyad ah.
Tan ayaana ah ta inta badan ay salka ku hayso Mushkilada baaxada leh ee Burburka Qoysas badan oo Soomaaliyeed.
Sidiisaba Aabaha maadaama laga rabo in uu qaado kaalintiisa hogaamineed ee Qoyska Muslimka ah,wax la yaab leh ayay noqonaysaa marka laga hello calaamadahan aynu ka hadlayno in uu Aabuhu ku sifoobo,halkaas ayayna ku dhimanaysaa Aabonimadii iyo masuuliyadii uu u hayay Qoyska oo saldhig u ah nolosha Mujtamaca.
Haduu hadaba Burburka ku yimaado Qoys ka mid ah Bulshada,burburkaasi wuxuu xaqiijinayaa naafanimo
iyo khasaare ku yimid Mustaqbal dad dhan oo nasiibku baday in ay noqdaan kuwa oo xaquuqdii ay lahaayeen duudsiyay Maan-dooriyaha Qaadku(waa se doorka uu ka yeelay qofnimadiisa kii cunay Qaadka) kaas ayaana hubaal ah in uu yahay kan markasta khasaaraya(ka qayilaya kuna dhex jira mawjadaha mooganaanta iyo dib u socoshada ah).
Isku xidhka guud ee saameynta uu nolosha jiritaanka Bulshada ku leeyahay qaadku waxay caddaynaysaa,wax badan oo la yaraysanayay waxyeelada geedkaasi in ay maanta ka dhigtay magaciisa wax iska caadi ah,halka khasaarihiisana aan ku qiyaasi karno kan ugu daran ee haysta dadka Soomaaliyeed maanta. Sababtuna waxay tahay,maadaama laga horumaro maskaxda,cilmiga iyo baraarugsanaanta,geedkana waxa uu noqday ka dumiyay baabi iyayna wax kasta oo ay dheefi lahaayeen inta uu meel ka soo gallo noloshooda guud,sidaas ayuuna ku noqday kii sababay silica iyo curyaanimada dalkeena sidaas awgeed, dhammaan dadka Soomaaliyeed ayay tahay in ay indhaha u kala furaan kuna arkaan waxyeelada aan xadka lahayn ee uu u gaystay dadka Geedkani,waxaana hubaal ah hadii sida uu hadda xaalku yahay uun lagu sii socdo in la arki doono waxyaabo ka waynaada qiyaasta ay cabirto Maskaxda Bani aadamka oo ka dhasha isticmaalka Maan-dooriyahan dhibta badan.
waxa hadda soo badanaysa tirade dadka Isticmaala Qaadka,wuxuu sidoo kale ku sii dhex fidayaa unugyada Bulshada oo dhan,dhowaanahan waxa dadka badankiisu (wadanka gudihiisa marka laga hadlayo) ay ka war qabaan in uu noqday furaha iyo isku duwaha dhammaan fitnooyinka Ummada ka dhex jira. Sida danbiyada kala duwan,zinada,dhaqan xumada iyo dhammaan fawaaxishta. Dumarka Soomaaliyeed oo ku tilmaaman ka sokow Muslimnimada kuwo dhaqan ahaan iyo anshax ahaan aad u dhawrsoon ayaa hadda la sheegaa in tiro sii kordhaysa oo ka mid ah ay isticmaalaan qaadka.
Qiso gaaban oo kooxdayadii u guur gallaysay dhibaatooyinka qaadka uu nooga sheekeeyay nin ayaa waxay ahayd:-
Iyadoo ninka reerka ka masuulka ah uu yahay nin Qaadku uu qaatay ayay ugu sii darsan tahay dayacnaan iyo dulli ku yimaada caruurtiisii iyo xaaskiisii. Sababtuna waxay ahayd markii uu noqday hogaankii reerku kan lagaga daydo amma dabeecadiisa laga barto maadada isticmaalista caleenta darooga ayay caruurtiisuna sidoo kale qaateen dhaqankiisii oo waxay noqdeen kuwa u dhaqma sida uu aabahood u dhaqmo,ayaan-darrada ka sii darrana waxay noqotay markii islaantii reerkuna sidaas oo kale si badheedha ah u isticmaashay Qaadkii Qoyska Qarribay. Maalin ayayna si caddaan ah gurigeeda iskugu yeedhay dumar iyaguna sidaas oo kale isticmaala qaadka,isla galabnimadii ayuuna ka war hellay arrinta ninkii odayga ahaa,wuxuuna u qaadan waayay talaabadan yaabka leh ee islaantiisu ku dhaqaaqday. Wuxuuna u tegay ehelkeedii oo uu ku yidhi islaantii way waalatay waxayna ku kacday arrinta caynkaas ah markii iyadiii loo yimid ee ay ehelkeedii waraysteena waxay ku jawaabtay isagu(odaygu) beri hore ayuu waashay waalidiisana intaas oo sano ayaan u dulqaadanayaye muxuu tayda ula yaabayaa hadda?!!!!

Author: Mohammad
Mohammad is the founder of STC Network which offers Web Services and Online Business Solutions to clients around the globe. Read More →
Related Posts:
Dhalinyarada Maqaalo Qoyska
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
0 comments: