Download this Blogger Template by Clicking Here!

Ad 468 X 60

Tuesday, July 29, 2014

Widgets

Masiibada maandooriyaha qaadka (Q3aad)

WQ:Maxamed M. Cabdi(Haykal)
maxamed@khadijahome.com


Bismillaah
Assalaamu caleykum wa raxma tullaahi wa barakaatuh
Mahad idilkeed waxay u sugnaatay Allah(subxaanahu wa tacaalaa) naxariis iyo amaan korkiisa ha ahaato
Nebiyunaa Muxamad,ehelkiisa iyo azxaabtiisa dhammaan.
Allah dhammaan nafaha iyo arlooyinka Muslimiinta ha xifdiyo,Adoomihiisa Muslimiinta ahna ha ku arzuqo arzsaaq xalaal ah.

Hadaan ka sii warrano dhibaatada Qaadka,waxyaabaha dhaawaca nafsaaniga ah kugu ridaya waxa ka mid ah markaad si buuxda ugu kuur-gasho waxa ka dhasha caadaysiga iyo isticmaalka joogtada ah ee Geedkan. Illaahay (suxaanahu wa tacaalaa) fadligiisa waxa ka mid ah in uu Basharka ku galladaystay Nicmooyin fara badan,waxaana ka mid ah; caqliga,cilmiga iyo garashada uu kaga duwan yahay mukhluuqaadka kale.
Hadii ay dhacdo hadaba in uu Basharku ku guul-daraysto in uu caqliga uu Illaahay siiyay u adeegsado wadada wanaagsan,taasi waxay ku tusaysaa in uu ku guula-daraysanayo waxa uu yahay guud ahaantiis. Damiirku waa shayga haga nafta ee u kala saara xumaha iyo samaha,garashaduna waa tusmada caqli ee uu qofku dhaqankiisa gaarka ah ku maaraysto acmaashiisa iyo wax-qabadkiisa.
Hadii uu damiirku kaa lumo sidee ayaad noqon lahayd ?
Hadii aad miyirkaaga gacantaada ku dooriso ma is leedahay waxaad noqon kartaa qof noloshiisu qiimo yeelanayso?

Jawaabta su’aalahani waxay ku leedahay dadnimadaadu waxay ka kooban tahay Iimaankaaga iyo caqligaaga hadii aad awoodi waydo in aad ahaato mid ka baydhsan xumaha waxaad ahaanaysaa mid aan Iimaan lahayn(wal ciyaadu billaah) hadii aad caafimaadkaaga ka yeesho cudurna waxaad ahaanaysaa mid dullaysan oo khasaaray.

Damiirka qofkuna wuxuu u yahay ilayska uu mugdiga kaga gaashaanto.
Wax aad looga naxo loogana murugoodo waxa ah, qofka isagoo Allah(subxaanahu tacaalaa) sharaf u yeelay ka yeelay mid caqli leh,wax garta oo mudan in uu wax u ahaado naftiisa,diintiisa iyo dadkiisa,midka wadada leexsan mara ee isagoo miyir qaba doona in uu miyir beello,caqli beello oo caafimaad beello ugu dambayntana wax kasta beello hadday tahay;nolol,anshax, dhaqan iyo garashaba.

Si aan hadaba u iftiimino waxyaabo ka mid ah caddaymaha muujinaya in uu Qaadku dadka ka kexeeyo naxariista,caqliga iyo dareenka wanaagsan aan tusaale u soo qaato Qisadan oo uu nooga waramay kii naftiisu ku kacday:

wuxuu yidhi maadaama aan ahaa nin Muruq-maal ah(xoogiisa ku shaqaysta) waxaan inta badan nolosha qoyskayga ku maarayn jiray hadba wixii aan soo xoogsado(anigoo dabcan u nool in aan sidoo kale Qaad balwad ka dhigto). Wuxuu yidhi  markii aan in muddo ah bilaa camal ahaa maalin maalmaha ka mid ah waxa I soo war-galiyay mid saaxiibaday ka mid ah,isagoo ii sheegay in ay banaan tahay fursad shaqo taas oo ah Dhisme guri la dhisayo.

Wuxuu yidhi  markii aan habeenimadii gurigayga ku soo hoyday may jirin haba yaraatee wax la cuno oo habeenkaas gurigayga yaallay,caruurtayda iyo xaaskayguna waxay ahaayeen kuwa aniga wax iga suga. Aniguna waxaan maalintii oo dhan wakhtigayga ku qaatay aqal yar oo cooshad ah halkaas oo ay gabadh ku iibinaysay Qaad gadaashiisana ay gabadh kale ku iibinaysay shaah iyo sigaar,markii aanu halkaas ku qayilaynayna waxaanu ahayn niman ku faraxsan nasiibkooda oo Illaahay baa deeq lehe aan waayin wax ay naftooda ku maaweeliyaan(wax ay maskaxdooda uga dhigaan farxad iyo maaweelo).. wuxuu yidhi ka dib markii aanu qayilnay,qaxwaynee dheregnay ayaan gurigayga la imid Marqaan! Anigoo illowsan waxa ay ubadkayga iyo xaaskaygu ku sugan yihiin ayaan iska soo gallay,markii aan wax yar guriga joogay jawiga guudna ka arkay in uuna mooraalka xaaskaygu fiicnayn ayaan ugu horreyn ugu bushaareeyay in aan shaqo soo hellay oo maalinka berri ah haduu Allah idmo aan shaqo tagi doono,sidaas awgeed waxaan xaaskayga u sheegay in ay wakhti hore I toosiso(maadaama aanan caawa hurdo caafimaad helayn illeen waan qayilaye) waxaan ku adkeeyay ayuu yidhi xaaska in ay salaada hore I kiciso iina diyaariso quraac.

Markii waagu beryayna intay goor hore kacday ayay u tagtay dukaan ay macaamil la lahayd iyadoo u ka codsatay in uu amaahiyo dukaan-luhu wixii ay ku diyaarin lahayd quraacdayda si aan guriga uga baxo oo aan u shaqo tago,waxayna ugu balan-qaaday ninkii dukaanka lahaa in odaygu shaqo tagayo ay isla caawaba haduu Allah idmo u keeni doonto lacagtiisa(marka uu ninka reerku waxa uu soo shaqaysto reerkiisa u keeno).

Markii aan kacay ee aan aaday goobtii shaqada ayaan hore ka gallay shaqadii banaanayd oo ahayd kuulli amma shaqada gacanta ee qofka dhismaha ka shaqaynaya. Markii ay dhammaatay shaqo-maalmeedkii waxa aan u tagay azxaabtaydii(azxaabtii qaadka) oo maadaama intii aan bilaa camalka ahaa ay iyagu qaadka ii qaadi jireen aniguna abaalkooda ma illaawine laba saaxiibaday ah ayaan maalintaas qaadka u qaaday,shaah tobacco iyo wax la mid ahna lacagtooda ayaan bixiyay. Wuxuu yidhi si fiican ayaan maalintii iskaga qayilay anigoo ku xasilay saacadihii marqaanka ee aan fadhiyay buulkii/cooshadii aan caleenta ku cuni jiray,wakhtigu wuxuu sii socdaba waxa la gaadhay goor habeenimo ah,ka dibna waxaan is idhi meesha aad iskaga tagtid oo aad gurigaagii tagtid, markii aan dhamaystay caleentii aan cunayay ayaan jeebkayga xisaabiyay mise lacagtii aan maanta shaqaystay waxay ku baxday: qaadkaygii,shaxaadkii saaxiibaday iyo wixii qaadka la raacinayay hal shilin oo ii soo baaqi noqdayna ma jirin!!!

Halkaa markay xaajo marayso ayaan xasuustay ayuu yidhi  xaaladii aan reerkayga saaka kaga soo kallahay,waxa markaas uun xasuusdayda ku soo duxday ayuu yidhi,baahidii gurigayga taallay,ballantii amaahda ee ay xaaskaygu dukaanka wax kaga soo qaaday iyo waxa ay caawa ku sugan yihiin.. waxba isma dhibine wan iska soo socday ayuu yidhi,markii aan guriga soo gallayna waxaan muujiyay ayuu yidhi sidii nin niyad jabsan oo xaalada gurigiisa ka xun,markii aan waxyar guriga ku sugnaa ayaan xaaskaygii canaantay ayuu yidhi!!! Waxaan ku canaantay ayuu yidhi  saaka waad I lug-goysay waxaan xalay ku idhi goor hore I toosi adna goor wixiiba lagu kala tagay oo shaqadiiba dhamaatay ayaad I kicisay maanta oo dhanna waxaan ahaa nin raadanaya wax aan reerka u keeno laakiin..

Xigasho :: Khadijahome.com

SHARE THIS POST   

  • Facebook
  • Twitter
  • Myspace
  • Google Buzz
  • Reddit
  • Stumnleupon
  • Delicious
  • Digg
  • Technorati
Author: Mohammad
Mohammad is the founder of STC Network which offers Web Services and Online Business Solutions to clients around the globe. Read More →

0 comments: