Tuesday, July 29, 2014
Masiibada maandooriyaha qaadka (Q2aad)
WQ:Maxamed M. Cabdi(Haykal)
maxamed@khadijahome.com
Bismillaah
Assalaamu caleykum wa raxma tullaahi wa barakaatuh
Mahad idilkeed waxay u sugnaatay Allah(subxaanahu wa tacaalaa) naxariis iyo amaan korkiisa ha ahaato
Nebiyunaa Muxamad,ehelkiisa iyo azxaabtiisa dhammaan.
Allah dhammaan nafaha iyo arlooyinka Muslimiinta ha xifdiyo,Adoomihiisa Muslimiinta ahna ha ku arzuqo arzsaaq xalaal ah.
Waxaan ka hadlaynaa duliga iyo xumaanta uu leeyahay isticmaalka Qaadka oo ah shay sida ay culimada Islaamku sheegeen Xaaraam ah.!
Waxay yidhaahdeen culimadu,shan shay haduu dhib leeyahay shay,waxa uu xukumkiisu noqonayaa xaaraam,shayga laga hello shantaas shay saameyn xun oo uu ku leeyahay midkiiba ayay dheheen Culimadu.
1-Haduu wax-yeelayo caafimaadka qofka
2-Haduu wax-yeelayo sharafta qofka
3-Haduu wax-yeelayo dhaqaalaha qofka
4-Haduu wax-yeelayo wakhtiga qofka
5-Haduu wax-yeelayo diinta(cibaadada qofka)
Shantaas shayba waxa marag-ma-doon ah in uu si toos ah u taabanayo waxyeelaydiisu!!. Tanina waa caddaynta ugu sahlan diiniyan in uu yahay shay isticmaalkiisu aanu banaanayn.
Intaas hadaan halkaas kaga gudbo.
Waxaynu sii wadaynaa in aan sharaxno waxyaabaha mucjisooyinka ah ee uu sababo Qaadku.
Waxyaabaha la-yaabka leh waxa ka mid ah,sida ay noo sheegeen dadkii wakhtiga dheer isticmaalayay qaadku,qofku marka uu dhexdada ka jiro cunista Qaadka wuxuu dareemaa mawjado kala macno ah oo maskaxdiisa ku soo butaaca,waxay yidhaahdeen,marxaladaha qaar in ay qofka cunaya qaadka u yihiin nashaad,firfircooni saaid ah iyo dareen farxadeed oo qofka ka dhiga mid raaxaysanaya isla mar ahaantaana hawada nolosha is-macaashiinaya.
Waxay leeyihiin marxaladani waa ta ugu baaxada wayn marka la eego mawjadaha waalida ah ee uu qofku dabaalanayo wakhtiga uu Qaadka cunayo waxa ay ku tilmaamaan(marqaanka) sidaas darteed marxaladan ayaa ah ta ay ugu jecelyihiin hawaawigooda,waa marxallada qofku uu mala-awaalayo boqolaal fikrado iyo barnaamijyo ah oo dhammaantood bilaa xikmad ah,waa wakhtiga uu qofku ku mashquulsan yahay dhisida iyo isku toostoosinta qorshayaashiisa ma-dhalayska ah ee Marqaanku sababo,waa marxalad uu qofku is moodayo in uu yahay Qani awood u leh fulinta iyo ka midha-dhalinta waxa uu ka dhex arko waalidiisa(marqaankiisa)
Waa halkii uu Abwaan Abshir Bacadle lahaa: Faqiir Qani is moodoo qayila qaadow adigaa leh,boqolaal qorshoo wada qabyo ah qaadow adigaa leh
Aan hadaba dib ugu noqdee,sidaan qaybtii hore kaga soo hadalnay,Qaadku wuxuu sababaa waali ! waaliduna sida aynu ognahay waa shay dabiici ah oo Allah qadarkeeda leeyahay,waa shay ka mid ah calaamaadka muujinaya awoodaha Illaaha waaxidka ah,Allaha abuuray shay kasta oo shayga uu doono doorin kara,maanka iyo maskaxda insaankana ka yeelli kara midka aynu ku sheegno WAALIDA.
Hadaba tani waa waalida sanaaciga ah ee dadku intay lacagtooda ku soo gataan ku dooriyaan maankooda!.
Maan-dooriyaha Qaadkuna wuxuu ka mid yahay waxa maanka dooriya kuwa ugu xun xun ee qofka ka kexeeya dareenka saxda ah, anshaxa suuban iyo xasuusta toosan.
Aan tusaale u soo qaato dhacdadan kale: ninkan ayaa wuxuu yidhi:
ka dib markii aan saacado fara badan ku qayilayay meel ay ku qayilayeen kuwa sidayda oo kale caleenta cuna,ayaan soo kacay si aan gurigayga u soo aado,gaadhigayga markii aan soo dhaqaajiyay ayaan dareemay woxogaa kulayl iyo huur ah oo igu soo siyaadaya, maadaama oo wakhtigu madaw iska ahaa waxaan go’aansaday in aan shaatiga ama shaadhka la yara baxo oo aan garankayga kaliya iska sii xidhnaado ilaa inta aan guriga ka gaadhayo,shaadhkaygiina waxaan saaray kursiga iga dambeeya,ka dib waxaan soo gaadhay Geerashkii aan gaadhiga ku xeraysanayay,markaan gaadhigii dhigay geerashka si deg deg ah ayaan uga soo degay ismana aan dareemin in ay wax iga maqan yihiine si toos ah ayaan gurigaygii u soo aaday,markii aan guriga soo galayna waxaan markiiba hore ka galay qolka fadhiga oo markaas aanay cidina joogin, halkii ayaan dabadeed is idhi woxogaa caleen ah oo aan markii hore gacanta ku sitay ku cun, inyar markii aan fadhiyay ayaan hadana dareemay in uu jiro kulayl wali I haya.
Waxaan ka dibna is idhi maadaama aanay cidina kula joogin si nafis ah aad iskaga fadhiisatide surwaalka iska saar,surwaalkii ayaan soo dhigtay ayuu yidhi qolkayga jiifka waan soo laabtay,weli kulaylkii wuu I taabanayaa markaas ayaan is idhi surwaalka yar ee hoosena maad iska saartid,kiina waan iska saaray ayuu yidhi,ka dibna ma kicine halkii aan fadhiyay meel hoosteeda ah ayaan surwaalkii yaraa een hoosta ka xidhnaa ku qariyay ayuu yidhi anigoo islahaa marka aad caleentaada dhamaysatid aad sii qaadatid mise isna halkii ayaan ku ilaaway ayuu yidhi.
Subaxnimadii markii aan damcay in aan baxo kuna labisto dharkaygii aan xalay katabaanka saaray ayaan aragtidii koowaadba waayay shaadhkaygii ayuu yidhi,ka dibna waxaan is idhi shortigii aan hoos ka xidhnaa mise isna ma yaallo! Xaaskayga ayaan waydiiyay ayuu yidhi cidda noo soo gashay ee qaadatay shaadhkaygii iyo nigiskaygii!!.....
Xigasho : khadijahome.com

Author: Mohammad
Mohammad is the founder of STC Network which offers Web Services and Online Business Solutions to clients around the globe. Read More →
Related Posts:
Dhalinyarada Maqaalo Qoyska
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
0 comments: