Download this Blogger Template by Clicking Here!

Ad 468 X 60

Tuesday, July 29, 2014

Widgets

Masiibada maandooriyaha qaadka (Q1aad)

WQ:Maxamed M. Cabdi(Haykal)
maxamed@khadijahome.com

Bismillaah,
assalaamu caleykum wa raxma tullaahi wa barakaatuh.

Allah (subxaanahu wa tacaalaa) ayaa mahad idilkeed leh,naxariis iyo nabad gelyo korkiisa ha ahaato Nabi
Muxamed,Ehelkiisa iyo Azxaabtiisa dhammaan,Allah dhammaan nafaha iyo arlooyinka Umadda Islaamka ha ilaaliyo oo ha xifdiyo Allah Adoomihiisa Muslimiinta dhammaantood wadada xaq ah ha ku sugo hana ku arzuqo Arzaaq xalaal ah.

Masiibada Maan-dooriyaha Qaadka.Q-1-aad
(Muuqaalka hore iyo mucjisooyinka hoose).
Dadku waxa la yidhi wixii ay in badan arkaan haba xumaadee waxaasiye, hadii aanu ahayn wax xumaantiisa si wada jir ah looga soo horjeedo ama aan  isku si loo arkayn,shaygaasi markuu dadka agtooda iyo indhahooda ama dhegahooda ku bato waxay ugu dambaynta u arkaan wax iska caadi ah oo aan la yaab lahayn.

Layaab,xumaan amma dhibaato nooca uu doonaba ha lahaadee kol hadii aanay jirin cid sheegaysa wax faa iido ah oo uu kani leeyahay amma ugu yaraan la isku waafaqsan yahay in uu yahay wax nolosha iyo anshaxeedaba meel-ka-dhac ku ah,waxa uu u baahan yahay in si buuxda looga digo si faahfaahsana loogana warramo waxyaabaha ku hoos jira

Inkastoo ay dad badani ka hadleen marar kala duwana ka warameen wax-yeellada Qaadka iyo dhibaatooyinka guud ahaaneed uu leeyahay,hadana waxa jira xaqiiqooyin iyo dhacdooyin qarsoon oo qiyaastii hadii laga waramo cibro-qaadasho u noqonaya dad badan oo ay ka qorsoonyihiin intaanan hadaba u galin dhacdooyinkaas bal horta aan is waydiino:-

Qaadku waa maxay?
Qaadku waa Geed ka baxa dhulal kala duwan,waana Geed muuqaalkiisu u eegyahay cagaar-hurdi mararka qaarna cagaar-doog u eeg,waana geed inta badan ka baxa Wadamada bariga Africa qaar ka mid ah,Yemen iyo meello kale sida Afghanistan sida la sheego.Waxa laga yaabaa hadaad aragto Qaadka bidhaantiisa oo kaliya,in ay horta kuugu filan tahay foolxumadiisa,waana shay aan arag lahayn oo aan indhaha u roonayn.
waxa sugan, ishu waxa ay aragto amma qabato ayaa dareen galiya nafta Aadamaha,aragtida koowaad ee isha ayaana dareenkaas u gudbisa Maskaxda,laakiin ka soo qaad markaad aragto Qaadka,aragtida aad ka qaadato ma u malaynaysaa in ay dareeen galinayso qalbigaaga ?hadiiba ay dareen kugu abuurto dareen noocee ah ayay ku galinaysaa?

jawaabtaas oo kooban waxay tahay: MAYA,aragtida koowaad ee ay indhahaagu qabtaan muuqaalka Geedkani waxay ku galinaysaa xasuus yar oo laga yaabo in aad xasuusato qaar ka mid ah geedaha dhulkeena ka baxa caleemahadooda oo la isku xidhxidhay miyaa!!

Dareenkaasina maaha mid ay maskaxdaadu u guuxayso oo kuu sii ogolaanaya in aad sii jeclaato iyo in aad sii fiiriso sababtoo ah macquul maaha in ay xoolaha iyo Bani-aadamku isku si u daaqaan dhirta iyo caleemaha ku yaalla,kaba sii darane xooluhu waxay intifaacsadaan dhirta nacfiga leh ee aan dhibta naftooda u keenahayne kani waa caleenta cagaaran ee sumaysan,daliilka arrintanina waxa weeye xoolahaba uma aynaan ogolaaneen in ay daaqaan dhir miyirkooda iyo naftooda wax yeelaysa sidaas darteed raali ma ka noqon karnaa geed nafta Insaanka ku ridaya waalli,dawakhaad,miyir-doorsoon iyo masiibooyin calculus?. Taasna waa MAYA.

Waxyar aan ka sharraxo
Qofka iibiya ama ka ganacsada waxa la yidhaahdaa: QAADLE qofka sii kala iibiyana waxa la yidhaahdaa MUQAWAD qofka isticmaalana waxa la yidhaahdaa MUQAYIL wixii intaas ka sii hooseeyaana way ka sii liitaan magac ahaan,macno ahaan iyo meeqaan ahaanba.

Si aan uga gudubno hadaba wajiga koowaad ee ka hadalka Shaygan,bal aan isku dayo in aan soo gudbiyo dhacdooyinka hoose ee ka dambeeya muuqaalka sare ee Qaadka,marka laga yimaado magaciisa iyo isticmaalkiisa.. waxaan wax yar isku dayayaa in aan idiinka sheekeeyo Mucjisooyin iyo maha-dhooyin ay nooga warameen qaar ka mid ah dadka isticmaala Qaadku, anagoo dhawr dhaliyaro ah ka kooban ayaan isla qaadanay in aan xog ka soo ururino waxyaabaha la yaabka leh uu sababo Qaadku.

Culimada caafimaadku waxay sheegeen Qaadka in ay jiraan maadooyin kiimikaad oo qaarkood halis galiyaan habka wareega dhiiga,neerfaha,habka dheef-shiidka iyo saameyn xooggan oo ay ku yeeshaan xididada maskaxda. Maadada inta badan la sheego in ay sababto waxa ay ku sheegaan MARQAAN(waalli) ayaa lagu sheegaa in ay tahay ta loo yaqaano (Cathinon).. hadaba marka la marqaamo maxaa la dareemaa amma qofku siduu noqdaa?

Aan tusaale u soo qaato nin kan oo yidhi waan shaqaynayay isla mar ahaantaana waan qayilayay,ka dibna anigoo marqaansan ayaan kacay oo aan doonay in aan aado xamaam(public toilet) wuxuu yidhi markii aan albaabka ka soo galay xamaamka indhahaygu waxay qabanayeen dad badan oo meesha ku sugan,anigoo marqaankii isku mashquulsan maskaxdayduna kala shaandhaynayso mashquul iyo waxyaabo badan oo isku mar ku kulmay ayaan doonay ayuu yidhi in aan gallo xamaamka ama suuliga,intii aanan galin marka aan marayo ayuu yidhi meeshii biyaha aan ka qaadan lahaa ayaa waxa dhacday aniga oo aan is ogayn ayaan markaliya arkay ayuu yidhi dadkii meesha ku sugnaa oo ila yaaban!! Ka dib ayaan hoos isku fiiriyay mise waaban is qaawiyay oo halkii aan biyaha ka qaadan lahaa ayaan surwaalkii aan xidhnaa ku bixiyay banaanka!!  u fiirso halkan,mawjadihii iska hor imanaye ee mashquulka ahaa ayaa dareenkiisii ka dhigay mid iskala garanla waxa uu sameynayo.

Markaan hadaba tan u fiirsano waxa sababta u ah waxa weeye;Marqaanka oo ah nooc waali oo kale ah,kaas oo qofka ku ridaya in uu mashquullo maskaxdiisuna soo dayso hormones xawli ah oo khal khal ku ridaya miyirka qofka daciifinayana dareenkiisa.

Waxaan haduu Allah ogolaado soo qaadan doonaa dhacdooyin qaarkood aad loola yaabayo,kuwa qosol ah iyo qaar murugo ah,kuwaas oo aan dhammaantood ka soo xiganay dad ay si toos ah ugu dheceen waxa sababayna uu ahaa QAADKA.

Xigasho maqaalkan iyo kuwoo kale khadiijahome.com

SHARE THIS POST   

  • Facebook
  • Twitter
  • Myspace
  • Google Buzz
  • Reddit
  • Stumnleupon
  • Delicious
  • Digg
  • Technorati
Author: Mohammad
Mohammad is the founder of STC Network which offers Web Services and Online Business Solutions to clients around the globe. Read More →

0 comments: